Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » “SHAQO GAL” Waa Maanso Daba socota Gabaygii Shiinlayda ahaa ee SHAAMAREER.

“SHAQO GAL” Waa Maanso Daba socota Gabaygii Shiinlayda ahaa ee SHAAMAREER.

.

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Walaal waxan kuu soo tebinayaa salaantaa qaaliga ah ee Islaamka sidoo kle waxan salaamayaa Abwaanka Siciid Suleeymaan ee ay ka soo maaxatay Maansada Shiinleyda ah ee Shaamareer,waxan jecelahay anigoon shahaado ku sidan gabayga siduu dalbaday inaan Maanso gaaban oo sharraxuu Abwaanku dalbaday wax ka taabanaysa iyadoo ishaaraysa cidda arrimahan loogu noqonayo iyo sida loo gaadhayo sababaha iyo dawadoodaba ay ku xidhan tahay in bulshada qaybeheeda kulanno lala sameeyo oo ra’yigooda la isu geeyo deed laga soo saaro natiijada iyo sida dhibta jirta loo daweeynayo Maansada oo la yidhaahdo Shaqo gal waatan:

SHAQO GAL” MAANSO”

Sharaf Allaa lahaadoo

Shakhsi lam wadaagee

Shahaadada ninkii qira

Shacni wacan haleelyoo

Shaahid taa Allaa ka ah

Shaydaanka iga naar

Shiinley ninkii yidhi

Aan u sheego Arrimaha

Sharrax gaaban siiye

Shakiga aan ka saaree

Sheygaa hadduu rabo

Shardi baa hor yaallee

Shaxdu sidatan weeyaan

Shiri shebekadda bulshada oo

Shucub shucub u qaadoo

Shiikhyada bilow ka dhig

Shareecadana waydii

Sharciga diintu dhigaysoo

Shamaaqinlow Odayga xeji

Shaadhka dhaqanku leeyay

Shifo iyo Hidaha wacan

Sheekadaa ha kuu dhaco

Shalmadleyda dumarkana

Shalay iyo Maanta arrimaha

Shabaha u dhexeeyiyo

Shareerkeeda hawlaha

Shirqoolada bal weydii

Shabaabkaa da’da yaree

Shanta haadba jarayee

Shacnigoodu badanyay

Sheyga ay tebaayaan

Shiishka halka ay saaraan

Sharka iyo khayrkaba

Sheedaha ka xidhaniyo

Shilalada u furan idil

Sheekadooda weydii

Shubaal waxad ku gaadhey

Sheyga gobo’du taallee

Shaqadaa diyaariyo

Shidisteeda hawlaha

Shafka maw dhigaysaa!!!

Shaki waxan lahaanayn

Shilalkiyo Shakaabyada

Shidaduba halkay tahay

Shaaca inay caddaynay

Shareerkeeda roganayn

Adna ay ku shaafiyi

Bulshada ay shafshafo iyo

Shuush baxa u noqonay

Shacbiguna ku rayrayn

Sheekada yareeyoo

Shaqadaa bal meelee.

Dhamaad.


By: Abwaan Mursal Xuseen

Email: baadidoons@hotmail.com

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 1st, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply