Home » August, 2009
You are currently browsing entries posted in: August, 2009
Waxay dadka reer somaliland gaar ahaan shacabka reer hargeisa ay hor tageen iyaga oo dareenkooda ku muujinaya sida ay uga xun yihiin damaaciga xukun qar qarooshka riyaale hor muudka ka yahay waxaa iyaga taageeraya golaha ay soo doorteen ee xalaasha ah ee wakiilada dad ku soo dhex dhacay mr cali waran cadde oo ah nin [...]
Hargeysa (Goljano) Munaasabad ballaadhan oo abaalmarinno lagu guddoonsiinayay dhallinyartii ku guulaysatay kaalmaha hore ee tartankii quraanka kariimka ahaa ee bisha ramadaan ayaa lagu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa.
Munaasabaddaasi oo ay ka soo qayb galeen, shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Madaxtooyada, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada, Culimaa-udiinka sida wayn [...]
Dufayl wuxuu kaaba qabiil u ahaa qabiilka uu ka dhashay ee Daws, wuxuuna ahaa nin carabta dhexdeeda ku leh sharaf iyo qaddarin. Dhufayl wuxuu ahaa deeqsi oo wuxuu maal iyo lacag hayo wuxuu ku quudin jiray masaakiinta aan wax haysan, sidoo kale wuxuu magangelin jiray dadka cidii weydiista magangelyo.
Dufayl wuxuu ahaa gabayaa dareen sare [...]
Markii ugu horeysey ayuu Wargeyska Forbes soo bandhigey dadka dunida ugu Deeqsi nimo badan.
Liiska ayey ku noqdeen 11 qof, 3 kalena wexey kusoo galeen huritaan ay wax hureen.
.
-Waan la yaabanahey inaaney intan ka badneyn dadka deeqsiga ahi, waa wax laga xishoodo in maalqabeenada dunidu bakheyl u bateen, sidaa waxaa yidhi Herbert Sandler oo ka mida dadkan [...]
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Amuutaasi ku saabsan si faahfaahsan uga hadlaaya Waxyaabahay wasiirka iyo Madaxdaasi ka wada hadleen ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
War-Saxaafadeed.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo wali ku gudo jira booqasho hawleedkii u ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxa maanta uu la kulmay madaxda [...]
Sidaan ogsoonahay bisha ramadaan waxaa ka mid ah shicaa’irteeda tukashada salaada taraawiixda, waana salaad sunno ah oo la tukado salaadda cisha gadaasheed, waxaana loo tukadaa labo-labo rakco, nabigana (NNKH) wuxuu xadisi saxiix ah ku sheegay: ‘Qofkii tukada ramadaan asagoo rumeysan oo xisaabsanaya Alaah aktiisa (ajirkeeda) waa loo dambidhaafaa (dambiyada yar yar, kuwa kabaairta waa in [...]
Hargiesa (Goljano.com), Todobaadkna iyo faalada Goljano waxa ayanu diirada ku saari doonaa xaalada maxaabiista ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargiesa iyo xaalada guud ee saldhiga dhexe.
Waxaynu ku horayn doonaa xaalada guud ee saldhiga dhexe ee magaalada hargiesa sida ay tahay, marka laga hadlaayo saldhiga dhexe waxaa uu u kala qaybsaan ku dhawaad seddex qaybood oo [...]
Gabadh lagu magacaabo Christiana Baker oo kamid aheyd Wariyayaasha ugu Caansan Dalka Jarmalka kana shaqeyneysay Telefishinka “MTV” ee Heesaha Faafiya, Magaceedana aad looga yaqiinnay Qaarada Europe ayaa qaadatay Diinta Islaamka oo soo Muslimtay Arrintaas oo Nolosheeda Bog Cusub u Furtay Sida ay qirtay Christiana Baker.“Waxaan Bilaabay inaan Baadi Goobo Jaceelka, laakin Markii aan Islaamka soogalay waxaan [...]
Mar haddii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Maciinsadan Maansadan Qiimaha badan ee ay Erayadeedii ka mid ahaayeen kuwan:
Tan anaa ka diigoo
Gabigeed danbaabee
Dawo kale ma haysaa
Marhadan nin door xidhay
Daalalay sameeyiyo
Gaariyana isdaba dhigay
Sheekhiina dooh idhi
Tolow yaa danbeeyoo
Baritana la soo diri
Duqaydii dhulkeeniyo
Golayaashu duug male
Docdayday ka buuxaan
Doolarkiyo xisaabtiyo
Doonbarada qaataan
Maydinkaa wax didin kara
Dadkan seexday kicin kara
Danahooda fulin kara…… Halkan Guji [...]
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Shir-Gudoonka Golaha Wakiiladu aanu dhex dhexaad ahayn ee ay ku shaqeeyaan Siyaasada Xisbiyada ay ka tirsan yihiiin.
Sidaa waxa uu ku sheegay Gudoomiyahu Waraysi ay Saxaafadu kula yeelatay Xarunta Golaha Wakiilada, mar uu shalay soo booqday, iyada oo ay ka jirtay Xiisad ka dhalatay Muran u dhaxeeya [...]
QODOBKA 37AAD AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA 1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Xili ku beegnayd bishii Abril 25keedii , 2002dii maalin khamiis ah ayaa waxaa [...]
“ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY”
Ducadii Nebigu (scw) ugu duceeyay Cabdiraxmaan Binu Cawf
Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo islaama, waxa kaluu ka mid ahaa tobankii nin ee Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guud saaran. Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddida [...]
Hargeysa (Goljano) Xafladd lagu maamuusayay General Abdillahi Kaahin Yusuf ayaa laguqabtay Hotel-ka Ambassador. Xaflad oo ay soo agaasimeen Ururka wadaniga ah ee Haerdo ( Gaaroodi) ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro Mayer ka Caasimadda Xildhibaano Qurbajoog madax-Dhaqameedyo Ururka Aqoonyahanka wadaniga ah ee Guryosamo Shahaadada la gudoonsiiyey Mudane Abdillahi Kaahin ayaa ahayd doorka wax ku [...]
Hargiesa (Goljano.com), Fadhigii maanta golaha wakiilada oo boolis ka awood badan intii shalay la so dhoobay, waxaana golaha wakiilada soo buux dhaafiyey shacab aad u badan.
Shacabkii halkaasi isugu yimi ayaa waxaa baas ku furay booliska ilaalada madaxtooyada iyo boolis ka amar qaatay taliyaba booliska Somaliland.
Xabada ayaa shacbka kor iyo hoosba loogu dhigay, waxaana inta badan [...]
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?
1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.
2-Su’aal Sheeg todobadii Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?
2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas.
4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,
3-Su’aal Sheeg Dhaqtaradii ugu [...]
Shacabka goobta isugu soo baxay ayaa si weyn uga soo horjeeday booliska la keenay shalay iyo maanta xarunta baarlamanka Somaliland.
Shacbka ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen, “Daahir Riyaale ha dhaco” “Xukunkii Siyaad Bare ayuu dabada ku wataa” “Dooni Mayno” “Daahir Duufle iyo erayo kale oo la hal-maala.
Wax yar ka dib markii gudiga joogtada [...]
Waxaan dalkeenii kasoo cusboonaaday muran sharci oo uu abuuray daahir riyaale oo ah m/weynihii hore ee xilku ka dhamaaday ee kursiga ku jooga xaal xaal mastuurka iyo xeer jajabka waxaynu ka dheregsanahay in riyaale koox kamid gudiga doorashooyinka dalku ay jar ka tuureen masiirkii ummada somaliland kadib markii ay laaleen diwaangelintii xalaasha ahayd ee dadka [...]
29/08/09
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo
Booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa waxa uu saaka xafiiskiisa ku
qaabilay Dhigiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf.
Labada Wasiir waxa ay ka wada hadleen Sii xoojinta Xidhiidhka labada,
sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada, Dhaqaalaha iyo
xaaladda guud ee Gobolka. Waxana uu ku dhamaaday Kulankani Jawi aad u [...]
Maantana maxay tidhi?
Tiirarka Hay’adaha war-baahineed ka ugu mudan ayaa ah dhex-dhexaadnimo iyo in aanay qayb ka noqonnin falal salka ku haya kicin iyo abuurista khal-khal aan jirin ama buun-buuninta dhacdooyin caadiya oo si deggan loo maareyn karo amaba loo maareyn jirayba,. Inkasta oo anshax ahaan mas’uuliyad isku mid ahi saaran tahay Hay’adaha war-baahinta, [...]
ff
waxan salaamaya dhamaan goljano.co
iyo akhriyaasha maanta
waa salaamantii dhamaantiiba
waxan soo bandhigayaa
maanso layidhaahdo
{dadka maanta jooga}
Dadka maanta jooga
Xumaanta iyo samahaba
Ma kala yaqaane
Aduunyada ayuunu ku nool
Nahay ilaahi same
Kowkan aad arkaysaan
Umada abuuraa
Dhibaato aan lahaynoo
Dhulka aad arkaysaan
Warshada may sameene
Buraaha arkaysaan
Warshada maysmeene
Dayaxa iyo cadeedana
Warshada may sameene
Quraan kana ad argtaan
Warsahada may sameene
Inagan ilaahi ina abuure
Naftan aan [...]