Home » September, 2009
You are currently browsing entries posted in: September, 2009
Sheeko Mala-awaala oo ku saabsan Hargeysa Iyo Xamar oo Farriin Hawada isu Marsiiyey, ayaa waxaan idiinka soo qaadanay Dayniile.com oo ay Leeyihiin Niman Reer Xamar ahi, Waxaanay Sheekadani u qornayd sidan:
Magaalada Muqdisho oo iyadu dil iyo xumaan lee ku jirtay 20sano ayaa la dar daarantay magaalada Hargeysa oo iyadu xiligaan foolaneysa
Muqdisho .Hargeysay waxaad [...]
SALAAD MAXAMED SHARDI SALAAD DERBI…wuxuu fanka ku soo biiray ka hor ahmed cali cigaal wuxuu si caadiya u bilaabay fanka sanadku markuu ahaa 1963 julay isaga oo yar oo jiray 13 sano salaad heesihsii hore hada dhegaysato amba dhegaysataywaxaa uu cod kiisu u ekaa gabadh maxaa yeelay wuxuu ahaa nin yar oo caruur ah hadaba [...]
Burco -(Goljano)- Waxaa maalmahan u danbeeyey aan u kuur galayay xaaladaha dhabta ah ee shacbi waynihii taageersanaa xisbiga UDUB gaar ahaan madaxweyne rayaale, u kuur gelid badan iyo sahan badan oo aan sameeyey waxaan ogaaday in dhammaan Bulshadii taageersanayd xisbigaasi aanay iminka ku qanacsanayn sida ay wax ka yihiin qaab socodka xisbigaas ba.
Waxaan in badan [...]
Waa barnaamij cusub oo aan idin soo gudbin doono maalin walba oo jimco ah Insha’Allah, wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee hamoogaan jimco walbo, akhristayaal maantana ku soo dhawaada qeybtii iyo barnaamijka Kororso Aqoontaada.
Su’aal- sheeg nabigii xanuunsanaa 18 sano?
Jawab- wuxu ahaa nabi ayuub cs.
Su’aal- sheeg ninka ugu horeeyo ee dhar la-siinaayo maalinta qiyaamaha?
Jawab- [...]
XUDEYFA BINU AL-YAMAAN
“XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA”.
(XADDIIS)
“Haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa muhaajiriinta, sidoo kalena haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa Ansaarta, labadaas kooxood midkaad doontid naftaada u dooro”, hadaladaa Waxaa Xudeyfa ku yidhi Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu magaalada Makka kula kulmay. Sababta keentay kala doorashadaas ee uu Rasuulku (scw) u [...]
Madaxweynaha dawladda taagta daran Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa ammaanay xasilloonida iyo deganaanshaha ka jiray Somaliland, taasoo uu tilmaamay inay tahay mid uu qalbiga aad uga taageero.
Shariif Sheekh Axmed oo waraysi uu shalay siiyey AlAAN TV oo xaruntiisu magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in deganaanshaha nabadeed ee Somaliland samaysatay yahay mid [...]
Waxaa uu Gaadhigu marayaa figtii ugu sarraysay dalcad uu in muddo ah soo fananayay. Rakaabka ka buuxa dusha sare ee gaadhigu aad bay u tabcaansanyihiin. Waxay soo mareen safar qaatay maalmo ka badan intii ay filayeen. Waxa taa uga sii daran uma muuqato meeshii ay u socdeen. Gaadhiga oo noociisu yahay kuwa xamuulka waxa wade [...]
Agaasimaha guud ee waaxda Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto, ayaa sheegay in Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, iyo dib u dhigista doorashada.
Donald Yamamoto, oo ka hor intii aan jagada uu hadda hayo loo magacaabin ahaa danjiraha Mareykanka u fadhiya Ethiopia, ayaa sheegay [...]
Hargeysa (Goljano) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay farriin cod ah oo Hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Al-shabaab uu ku naqdiyay siyaasada xukuumada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibada oo Saxaafadu maanta wax ka weydiisay aragtida xukuumadiisa ee ku wajahan hadalka ka soo yeedhay Hoggaamiyaha Al-shabaab, waxaanu yidhi “Waxa weeye tani [...]
Djibouti- (Goljano)-Sarkaal ka tirsan dawladda Federaalka ku meel gaadhka ah ee Somaliya ee uu Sheikh Shariif Axmed hogaamiyo, oo magaciisa la yidhaa Maxamed Xasan Cismaan, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu maalintii Arbacada ee todobadkan ee ay tariikhdu ahayd 2 September kulan kula yeeshay Wasiir ka tirsan dawaldda Fedraalka [...]
Beled-Xaawo (Goljano) Ururka Al Shabaabal Mujaahidiin ayaa Shalay Galinkii Danbe Maamul Cusub u Magacaabay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo Badalay midkii hore ay Halkaasi uga dhiseen oo Mudo Bilooyin ah Shaqeynaayay.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Balad-xaawo Sheekh Cusmaan Max’ed Cabdi oo Saaka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulkaasi uu ka koobanyahay 5 Xubnood oo [...]
Axmed Gacayte Yusuf taariikh ahaan waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1956kii, isagoo isla Hargeysa ku geeriyooday.
Fannaan kastaa waxa jira qof, hido, amma jawi ku khasba inuu ku fanka iyo suugaanta ku biiro, hadaba aynu isweydiino Axmed Gacayte yaa ka danbeeyey fannaanimadiisa, goormuuse fanka bilaabay, waa side shakhsiyadii Axmed Gacayte? su’aalahaas iyo qaar kale oo badan [...]
Hargaysa (Goljano) 84 Muhaajiriin Soomaali ah oo si sharci daro ah ku socdaalayay isla markaana saarnaa doonyar oo macmal ah ayaa waxaa gurmad u fidiyay isla markaana soo badbaadiyay ciidamada badda ee Malta.
Dadkan muhaajiriinta ah oo iskugu jira 53- rag ah iyo 29-haween ah oo ay afar ka mid ah ay xaamilo yihiin ayaa waxa [...]