Home » September, 2009 You are currently browsing entries posted in: September, 2009

Soomaaliya Yaa dagaal Ka wado War-bixin xiiso leh.

Qof kaste oo Soomaali ah oo waliba qurbo joogo waxuuna ka jawaabi karin hal su’aal oo qofkaste oo ajanabi ah uu ku weydiin karo, taaso ah in Soomaali oo dhan ay wadaagaan hal diin, hal luuqad iyo hal dhaqan, marka maxey isku laayaan oo maxeyse isku heystaan? su’aashaasi jawaabteyda qolo kaste si ayey ugu
jawaabaan.
hadaan ku [...]

“GUULAAMO” Waa Tix Gabay Ah Oo Uu Curiyey Abwaan Cambalaash

Asalaamu Calaykum Waraxma Tullaahi Wabaraakatuhu,
 
Marka hore ddhammaan Ummadda Reer somaliland madax iyo shicib, Yar iyo wayn aqoon yahan iyo indheer garad Waxaan idin leeyahay RAMADAAN KARIIM. Maanta oo ah maalin Axad ah waxa aan doonayaa inaad ila wadaagtaan Tixdan gabayga ah ee ku saabsan waayaha dalka.
 
Tixdani waxay soo baxday Shalay oo taariikhdu ahayd 06/09/2009 Macnaha iyo [...]

Doqon Milantay & Geesi Mallafsi Bartay Way Isku Miyir Doorsoomaan. By: Gabyaaye

Waxan marka hore  umadda reer Somaliland ugu hanbalyaynayaa bisha barakaysanee ramadaan ee badhtanka loogu jiro ilaahay khayrkeeda ha inna siiyee.
 
Marka labaad anigoo in muddo ahba ka yara maqnaa saaxadda wacyi galinta iyo bararujinta dadka ,ama aragti soo gudbinta wax dhiba ugamaan maqnayne baylaho isku kay gaadhaybaan kala gurayayoo markan ka bogtay , hadda waxan usoo [...]

WAR DEGDEG AH Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in aanay doorasho suurto gal ahayn

Waxa duhurnimadii maanta soo saaray war saxaafadeed toddobada xubnood ee Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland kaas oo ay ku sheegeen in aanay suurto-gal ahayn in doorashada madaxtinimada Soomaliland qabsonto 27ka September ee hore loogu cayimay.
 
Komishanku muu sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay. Arrintani [...]

Af-hayeenka UDUB oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Abaabulayaan Dagaal Sokeeye

Af-hayeenka Xisbiga Udub Mujaahid Cali Guray oo Xalay ka hadlay Telfishinka Qaranka ayaa Qaar ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay ilaa Hogaamadii SNM ilaa iyo Xukuumaddahii kala duwanaa ee Somaliland in ay ku hayaan Burburin isla markaan Dagaalo ka ridaan, isaga oo farta ku fiiqay dhacdooyinka ugu danbeeyay ee ay imika wadaan in [...]

Qaadhaankii Jaamacada Gabiley Ma Badhsaabka Gabiley Ayaa La Degay Mise Ololaha UDUB Ayay Ka Dhex Raacday?

Tan iyo markii Gabiley loo macaabay Gobolka 22/03/2008 waxa dadwaynaha reer gabiley ubaryay waa Cusub oo wakhtigiisa iyo waayihiisaba wata, waxaana isugu biiray farxada Gobolka oo ay mudo dheer  sugayeen, oo ay u soo mareen dhib iyo dheef-ba iyo Maamul Cusub oo qurba jooga oo xilkii Gobolka loo magacaabay, waxaa soo baxay rajooyin iyo ididiilo [...]

Sidee Bisha barakeysan ee Ramadaan looga dareemey Sweden

Sweden(GM)Ramadan kariim, odhaah daas oo aan laga aqoon wadankan sweden mudo 20 sano ka hor ah ayaa hada aad ugu sii faafeysa iney bartaan bulshada Swedhishku, sanadba sanadka ka danbeeya ayaa bulshada reer Sweden aad ugu sii baraarugayaan dhaqanka suuban ee dadka Islaamka ah ee la nool.
Waagii hore muslimiinta ayaa aad u koobneyd Sweden, [...]

Iskuul Cusub oo bodhin ah oo laga Furay Xaaxi iyo xaflad lagu daah furay Sannad Dugsiyedka 2009/2010.

 
 
 
 
Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta dugsig Boodhanka ah ee SH.MUUSE CABDI XAAXI ee Gobolka Oodwayne Gaar ahaan Degmada  Xaaxi ,iskuulkan ayaa ah dugsi hoose/dhexe oo boodhin ah ,sidoo kale waxaa lagu xifdiyaa Quraanka kariimka ah iyo maadooyinka diiniga ah.

Iskuulkan ayaa ah mid ka sharciyaysan wasaarada waxbarashada jamhuuriyada Somaliland manhaj ahaana wuxuu waafaqsan yahay manhajka dugsiyada dalka.

Iskuulkan waxaa [...]

Acmaasha Ugu khayrka Badan Bisha Ramadaan Q:1aad

waa BARNAAMIJ Kale oo ka mid ah Barnmijyada Diiniga ah oo taxane ah isla markaasna inoo socon doona Bissha Barakaysan ee RAMADAAN.

Mahad dhamaanteed waxaa iska leh rabbi SWT nabad galyo iyo naxariinsna nabigeena suuban korkiisa allaah hayeelo,
Intaas kadib walaalayaal waxaan isku dayeynaa inshaa allaah in aan wax ka tilmaanno Acmaasha wanaagsan ee haboon in uu [...]

Naftaada U faaidee si berri lagaaga Faaidaysto(Su’alo iyo jawaabo)Q:7aad iyo 8aad

 
 
 
 
waa Barnaamijkii su’aalaha iyo jawaabaha ahaa ee aan ugu talo galnay akhristayaasha Bisha Ramadaan, ee ka faidaysi wanaagsan.
1-Su’aal Sheeg ninkii Nebigana ahaa Boqorokana ahaa?
1-Jawab: Wuxuu ahaa Nebi Suleymaan Cs.
2-Su’aal Sheeg Boqortooyadii Nebi Suleymaan imisa sano ayey dhisneed?
2-Jawab: Waxay dhisneed 40 Sano.
3-Su’aal Sheeg imisa jir buu-ahaa markuu Nebi Suleymaan Cs Aabihiis xukunka kala wareegaayey?
3-Jawab: Wuxuu jiray [...]

Somaliland oo mar kale si kulul uga jawaabtay Hadaladii ka soo baxay amiirka alshabaab

 
 
 
Hargeys -Goljano)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa jawaab kulul  ka bixiyay fariin cod ah oo ka timi hogaamiyaha kooxda Al Shabaab oo uu xukuumada Somaliland ku dhaliilay arrimo badan oo la xidhiidha dhinacyada Siyaasada, dhaqaalaha, iyo ammaanka, eedayna uu ugu soo jeediyay xisbiyadda mucaaradka ah iyo culimada Somaliland..
Iyadoo hore jawaab uga bixiyey [...]

Bogga Tacsida ee MARXUUMADA weriye Nura Maxamed Cali…

INALILAAHI WAA INA ILEYHI RAAJICUUN
Dhammaan Xubnaha iyo maamulka sare ee  URUR WEYNAHA DHALINYARADA EE TOYDO, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii,eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuumad weriye Nura Maxamed Cali, oo ahayd laf-dharabta dhalinyarta Gobolka Tog-dheer, isla markaasna ah shakhsiyad ay si weyn u tabeen dhammaan dhalinyarta ama Da’yarta Gobolku, waxaanay leeyihiin [...]

Qab qablihii hore iyo kan maanta maxay iska shabahaan maxayse ku kala duwan yihiin???? (Qoraal Xiiso Leh)

 
 
 
 
Caalamkan aan ku noolnahay hadii aad u kuur gasho ayaad ka dheehan kartaa in ay aad u kala duwan yahay dhulkiisu waayo dhulbaa amoos ah oo abaar iyo jilaal daran kajiraa duunyada iyo dadka ku noolna haraad iyo gaajo la il daran yihiin sidaa daraadeedna aan geed cagaaran laheyn halka dhul kale ama qeyb kale [...]