War Deg Deg Ah: Khilaafkii Golaha Wakiilada Oo La Xaliyey Iyo Shirkii Golaha Oo Berri Furmi Doona.
Hargaysa -(Goljano)- Waxa maanta heshiis Buuxa laga gaadhay in dib loo furo maalinta berri ah xaruntii golaha wakiilada oo xukuumaddu ka xidhay salaasadii kadib markii ay ku dagaalameen xildhibaanada qaar ka mid ah, iyado taasina keentay in xildhibaanadu ay hub isula soo baxaan golaha dhexdiisa sidaasina ay ciidanka boolisku ay ku xidheen golahaasi maalinta bari [...]

