Acmaasha Ugu khayrka Badan Bisha Ramadaan Q:1aad

waa BARNAAMIJ Kale oo ka mid ah Barnmijyada Diiniga ah oo taxane ah isla markaasna inoo socon doona Bissha Barakaysan ee RAMADAAN.
Mahad dhamaanteed waxaa iska leh rabbi SWT nabad galyo iyo naxariinsna nabigeena suuban korkiisa allaah hayeelo,
Intaas kadib walaalayaal waxaan isku dayeynaa inshaa allaah in aan wax ka tilmaanno Acmaasha wanaagsan ee haboon in uu ku dadaalo qofka muslimka ah sameynteeda maal maha iyo habeenada bisha ramadaan ee barakaysan annagoo Allaah weydiisanayna inuu noogu kaalmeeyo acmaashaas gudashadeeda, waxaana ka mid ah Acmaashaas:-
1- In la soomo
2- In la istaago habeenka (salaad)
3- In sadaqo la bixiyo
4- In quraanka la akhriyo
5- In la fariisto masjidka ilaa qoraxdu ka soo baxayso
6- In lagu nagaado masjidka
7- In la cumraysto ramadaanka
8- In lagu dadaalo raadinta habeenka barakaysan ee (leylatul qadarka)
9- Inla badiyo xusidda alle
10- In la xiriiriyo qaraabada.
QODOBKA 1-AAD
Soonka:
Rasuulku wuxuu leeyahay (SCW)
(( dhamaan camalka banii aadamka asagaa leh halkii wanaagba toban laabkiis ilaa 700 oo jeer loo laalaabo ajarkiisa ilaahayse wuxuu leeyahay waa inta aan ka aheyn soonka waayo soonka aniga ayaa ka abaal marinaaya wuxuu ka tagay waxey naftiisa jecleyd oodhan cuntadiisii iyo cabitaankiisiiba daraadeey ayuuna uga tagay, qofka soomaa wuxuu farxaa laba jeer midu waa markuu afuraayo midna waa markuu ilaahay la kulmaayo qiyaamaha, qofka sooman afkiisa shiirka kasoo baxaayo wuxuu ka udgoon badan yahay ilaahay agtiisa carafta miskiga.)) waxaa wariyay bukhaari iyo muslim.
Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa :
1. In Acmaasha uu qofku qabto inuu isagu leeyahay soonka Mooyaane
2. In qofka soomani uu leeyahay labo farxad,
(a) Farxad marka uu afurayo iyo
(B) farxad marka uu Allaah la kulmayo
Rasuulku wuxuu yiri SCW:
(( qofkii soomaa asagoo rumeysan soonka ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore))
Xadiiskan waxaan ka fahmaynaa in qofkii labadan shardi laga helo:
a) Isagoo rumaysan inuu waajib ku yahay soonku
b) Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaaya
Dambigiisii hore waa la dhaafayaa.
Xadiis kale nebiga waxaa laga wariyey inuu yiri SCW :
(( qofkaan iska deynin hadalka xun iyo dhaqanka xun rabbi SWT dan kama laha in uu katago cuntada iyo cabitaanka)) BUKHAARI
Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:
- Qofkii hadalada xun-xun iska dhaafi waaya inuusan Ilaahey dan ka laheyn katagidda Cunniddiisa iyo Cabbidisa.
QODOBKA 2-AAD
In la istaago Habeenkii (Salaad)
Rasuulku wuxuu leeyahay SCW:
(( qofkii salad u istaagaa asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore))
Macnaha Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:-
1- Qofkii Ramadaan Salaad u istaaga oo laga helo labadan shardi in la dhaafayo dembigiisii hore.
Shuruuduhuna waa
a. Isagoo rumaysan Waajibnimada soonka
b. Isagoo Ilaahay ajar ka xisaabsanaya
Habeenkii oo salaad loo istaago waxay ka mid tahay dhaqankii Nebiga SCW, waxayna leedahay Caa’isho Allaha ka raalli noqdeen “Nebigu wuxuu ahaa mid aan ka tagin inuu habeenkii salaadda u istaago, xitaa wuxuu tukan jiray isagoo fadhiya hadduu xanuunsado.”
Allaah markuu tilmaamayey addoomada Ilaahay sifaadkooda waxaa uu yiri:
((kuwa habeen baryaya iyagoo sujuudsan ama Salaad u taagan.))
Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan in lagu dadaalo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u wanaagsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhammaysto, maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay:
((qofkii la istaaga salaada taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar lamid ah midkii habeenkii oodhan usoo jeeday salaadda))
QODOBKA 3-AAD
In la baxsado (Sadaqo)
Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nebigeena SCW, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu SCW:
((sadaqo la baxsado waxaa ugu wanaagsan midda la baxsado bisha soon)) TIRMIDI
Sadaqada ramadaanka waxay leedahay Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah
a) In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)
Wuxuu Alle ku ammaanay Mu’miniinta:
1- In ay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya, masaakiinta, Agoonta iwm.
2- In ay u bixiyaan Alle Dartiis oo aanay dooneyn Ammaan.
3- Wuxuu Alle ka ilaaliyey Sharta maalinta Qiyaame.
4- Wuxuu Alle ku abaal mariyey janno iyo Xariir.
Nebigeenu wuxuu yiri SCW;
((Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Miraha Janada, qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan Alle ayaa ka waraabiya koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aysan oomeyn weligiis.))
b) In la afuriyo qof sooman.
Wuxuu yiri Nebigu SCW:
((Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo aan laga naaqusin waxba qofkii kale.))
Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aan afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynayna sufrooyinka loo yaqaan sufradihii Raxmaanka.
QODOBKA 4-AAD
In Quraanka la Akhriyo
Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii salafku ahaayeen, waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn)) jireen quraan
3-dii habeenba mar, 7-dii habeenba mar, 10-kii habeenba mar.
Imaamu shaafici wuxuu dejin ((dhameyn)) jiray Quraanka 60 jeer, Bisha Ramadaan.
Waxaa wanaagsan quraanka marka la akhrinayo in lagu tadaburo oo lagu khushuuco.
Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya.
Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yiri; “Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa quraanka isagoo laguugu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Nebigu SCW “Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.
QODOBKA 5-AAD
In la fariisto masjidka (Ilaa qoraxdu ka soo baxdo)
Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku tukado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa laga weriyey Nebiga SCW inuu yiri; “
((qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeedna fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco wuxuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystiran, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtigaas yar ee ajarka weyn leh.))
Intaas waxaa noogu dhamaaday qeybtii 1aad waxaa noogu xigi doona qeybta labaad insha allaah
Abuukar Yaasiin
abuukarsom@hotmail.com

