Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Af-hayeenka UDUB oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Abaabulayaan Dagaal Sokeeye

Af-hayeenka UDUB oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Abaabulayaan Dagaal Sokeeye

dd

Af-hayeenka Xisbiga Udub Mujaahid Cali Guray oo Xalay ka hadlay Telfishinka Qaranka ayaa Qaar ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay ilaa Hogaamadii SNM ilaa iyo Xukuumaddahii kala duwanaa ee Somaliland in ay ku hayaan Burburin isla markaan Dagaalo ka ridaan, isaga oo farta ku fiiqay dhacdooyinka ugu danbeeyay ee ay imika wadaan in ay ku doonayaan in ay fawdo iyo qalalaase ku badalaan Hogaanka Talada haya, sidoo kale waxa uu Cali Guray ku tilmaamay fadeexadii Calanka Udub ay ayga ugu xidheen in ay tahay mid Kulmiye ku wax yeelaynayay Axsaabta Qaranka oo aan ka mudnayn in la burburiyo, waxaanu sheegay Xisbi ahaan marnaba in aanay iyaga ka suurto galayn falkaas la mid ah in ay ku sameeyaan Xisbiga Kulmiye.

Cali Guray  waxa uu eedaymaha uu u soo jeediyay Madaxda Kulmiye Saldhig uga dhigay dhacdooyinkii kala duwanaa ee ay ku bedaleen Hogaamadii kala danbeeyay ee SNM, oo uu sheegay dhamaantood Mu’aamaradaha iyo kicinta ay imika Daahir Rayaale ku wadaan ugu suurto gashay, balse aanay  maanta u soconaynin oo aan laga yeelaynin Madaxwayne danbe oo la doortay in ay talada sidii kuwaa hore uga qaadaan.Waxaanu isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi:-

 “Maanta ta ay wadaan Kulmiye, anigu waxaan qabaa C/raxmaan Axmed Cali bay ku dhamaatay, Nin la doortay oo ay Nimankaasi mar danbe yidhaahdaan ka soo bax, oo lagu dhintay, Nin danba oo idinka aqbalaya ka soo baxa, iyo Nin danbe oo aad tidhaahdaan ha laguu duceeyee soo dhaaf oo aad Dadka ku kicisaan ma jiro.

Ragii Axmed Jimcaale Riday waa kuwii Sheekh Yuusuf  riday, Ragu way kala hadhaan Nin baan isagu hadhayn, ilaa maalinkaa maantaa ee Daahir Rayaale ilaa Axmed Jimcaale wuu soo taagan yahay, yaa kuyidhi isaga Dadka adigaa ugu wanaagsan, maanta Taladii Xisbiga Kulmiye iyo waxan ay wadaan waa Dhiig sokeeye iyo Dagaal ka soo socda, waxa maanta Raga Kulmiye ka taliyaa ay wadaan wax ka yar maaha, laba iyo Tobankii sano ee ugu danbeeyay iyo maanta Maalin uu Dagaal sokeeyo ka dhaco maanta maalin ay uga dhawadahay ma jirto, haddii mudaharadka yar ee la sheegayo marka ay xabad yari ka dhacdo hadii uu Qof ku dhinto, Maxamed Xaashina Masuul kama aha, Gaboose Masuul kama aha , waxa Qaran la yidhaa oo Masuul ka ahina ma jiro, waxa ka masuul ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye”

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 6th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Response for “Af-hayeenka UDUB oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Abaabulayaan Dagaal Sokeeye”

  1. qoslaaye says:

    Siyaasad iyo xisbinimo ayaa taal, ha ku cabsiinina umada dagaal.
    Hadaad ogtahay sharaf darada dagaalkana xisbi ahaan (udub) maydaan ku tumateen ku dhawaad sharci iyo xeer kasta oo dadkani lahaayeen.
    Kuligiin isma dhaantaan, laakiin xisbigaagu waa mid macangag ah, qabana fakrado uu qabi jiray hogaamiyihii hore ee soomaaliyaddi hore Siyaad Barre.
    Si taxader leh hadalkan ugu fiirso: We( the people of Somaliland) are watching every move you may attempt to make. As the voice of the people we want you to leave becouse you failed to deliver one single promise. After almost seven years, you can not tell us that you will do things right. Let me warn you all stooges, you have been deceiving and misleading your own people since 1960, never more, populer uprising is the next big ban if you do not simply meet the demand of the majority. May be you need to know what i mean by the majority. majority are those whose fathers, mothers, sons and sisters have died of a somaliland cause. Therefore Somaliland forces free from all the existing so called political parties are willing to sacrifice once more. Waxaad u egtihiin Udubeey sidii askar dalka inqilaab ku qabsatay xitaa kuwaa waa ka xuntihiin, mana u ekidin sidii xisbi ku yimid doorasho. We warn you for the last time and lets wait your next move,

Leave a Reply