Al-Shabaab oo Dawooyin dhacay iyo Raashinba kasoo ururiyey Suuqa Bakaaraha, iyo Masuulka G/Banaadir Oo 5 Casho u qabtay Ganacsatada Expireka Iibisa. DAAWO
Muqdisho (Goljano) Xoogaga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa howlgalo ay maanta ka sameeyeen gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha waxaa ay ku soo qab qabteen Raashin Dawooyin Dhacay kuwaasi oo ay qaarkamid ah ganacsatada Suuqaasi siyaabo hoose oo qarsoodi ah uga gadayeen Shacabka Masaakiintaa ku dhibaateysan magaalada Muqdishu.
Howlgalo qorsheysan oo sifiican loo soo agaasimey ayna ka horeeyen baaritaano qarsoodi ah oo ay sameeyen qeybaha Sirdoonka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxa ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gudaha suuqa Bakaaraha iyagoo baaritaanadaasi ku soo gacanta ku soo dhigay Raashin dhacay iyo dawooyin ku xaraysnaa qaar ka mid ah baqaarada ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Boorash,Bur iyo weliba kartoono kale oo la sheegay in ay ku jireen dawooyin dhacay.

Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo raxan raxan usocda aya alagu arkayey goobo badan oo suuqa kamid ah iyagoona weliaba toos u abaarayey baqaarada ay ku tuhun sanayeen Alaabtaasi dhacday oo sida la sheegay horay ay usoo ogaadeen Cutubyo katirsan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo iyagu siyaabo qarsoodi ah ku ogaaday goobahaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo Saxaafadda u soo bandhigay qaar ka mid ah Raashinka dhacay oo ay maanta qabteen ayaa waxaa uu sheegay in manta howlgalada ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ay horay u soo sahmiyeen ilaa 5-baqaar oo ay ku jireen Raashin,Daawo iyo waxyaabo kale oo dhacay ayna in badan ku soo daba jireen.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ed Xuseen waxaa uu sidoo kale digniin 5-maalmood ah siiyay Ganacsatada iyo baqaarada kale ee ay ka buuxaan waxyaabaha dhacay in ay ku soo bandhigaan hadii kale ay iyagu ka masuul noqon doonaan hadii aan la soo banaan dhigin isagoona hadalka raaciyey in ay hadaba ogyihiin Goobo badan balse ay ka war sugayaan ganacsatada in ay iyagu soo gudbiyaan inta aysan Xoogaga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin gacanta la soo gelin sida uu sheegay.

Sheekh Cali Max’ed Xuseen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Maqaayadaha iyo kuwa biyaha in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda iyo Bilicda goobaha ay ku ganacsatadaan isagoo sheegay in hadii ay nadaafadu xumaato aysan jiri doonin wax ganacsi ahi uuna dhul ku isau bedeli doono goobo cuduro laga qaado.

Ma’ahan Markii ugu horeeysay ee Ciidamada Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ay howlgalo nuucan ah ka fuliyaan gudaha Suuqa Bakaaraha ay ku soo qab qabtaan Raashin iyo Dawooyin dhacay iyado dhamaadkii sanadkjii hore sidaan si la mid ah ay u soo bandhigeen wax yaabo farabadan oo ay ku jireen Macmacaano dhacay oo ku jiray Baqaaro ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha.





