Al Shabaab Oo Maanta 3 Dhalinyaro Ku Fulisay Xukuno Gacan Goyn iyo Karbaash
Muqdisho (Goljano) Munaasabad ka dhacday Degmada Dayniile ayaa Maamulka Alshabaab ee Gobolka Banaadir waxaa uu Gacanta kaga jaray labo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Muriidi Maxamd Nuuriye iyo Cali Xuseen Bilisow, kuwaasoo lagu soo qabtay iyagoo falal budhcadnimo ah ku guda jiray.
Gudoomiyaha Alshabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaasi lagu fuliyay Xukunka Alle, kadib markii lagu soo qabtay iyagoo dhacay alaabo adag.
Dhalinyaradan ayaa fagaare ku yaal Degmada Dayniile lagu fuliyay Xukunka Gacan goynta ah, kadib markii Maxkamada Islaamiga Alshabaab ay sidaas go’aamisay xukunkana ku riday.
Sidoo kale Wiil dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inuu Gabadh kufsaday ayaa lagu fuliyay 100 Karbaash, iyo Inuu bixiyo $150 (Boqol & Konton Dollar) iyo Muqdisho oo Laga Mastaafuriyo.
Wiilka dhalinyarada lagu fuliyay karbaasha ee kufsaday gabadha ayaa lagu magacaabaa Cabdi Kaafi, isagoo kufsaday gabadh lagu magacaabo Farxiyo Daahir Maxamed oo degan Degmada Dayniile.
Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii Afar wiil oo lagu soo eedeeyay budhcadnimo ay Alshabaab Gacan goyn iyo lug is-dhaaf ah ku fulisay, taasoo aheyd xukunkii ugu horeeyay ee gacan goyn ah ee Al Shabaabal Mujaahidiin ka fuliyaan Magaalada Muqdisho


