Amiirka alshabaab Hanjabaad u soo diray Somaliland isla markaasna eedeyn usoo jeediyey Madaxweyne Rayale.

Muqdisho (Goljano) Amiirka Al Shabaab Axmed Godane oo iminka la baxay (Mukhtaar Abuu Subayr) ayaa Shir jaraaid oo uu qabtay kaga hadlay xaalada dalka Somaliland isagoo sheegay in maamulka ka taliya ay noqdeen kuwo diinta ka ridoobay ka dib markii ay isku dhiibeen camiilna u noqdeen Dowlada Itoobiya oo jaar la ah guud ahaan Somalia waa sida uu hadalka u dhigee.
Amiirka Al Shabaab ayaa waxaa uu digniin culus u jeediyay shacabka ku dhaqan Dalka Somaliland isagoo uga digay inay ka ag dhowaadaan ama ay guryaha ka kireystaan shaqaalena ka dhigtaan dadka Ethiopianka ah ee Somaliland jooga. isagoo Ethiopia ku eedeeyey in ay shacabka halkaasi ku sugan intiisa badan ka dhigtay jawaasiis u shaqeeya iyaga taasoo keentay ayuu yiri in ay gacanta u galiyaan Dowladda Itoobiya dad badan oo Soomaaliyeed haatan ay ku xirxiran xabsiyo ku yaala dalkaasi Itoobiya,isagoo sidoo kale ku eedeeyey Ethiopia in ay Dalka soomaaliyeed oo dhan keento waxa xun oo dhan sida HIV/AIDS, Qaadka ,Khamriga, xashiishada iyo wax kasta oo xun oo dadka soomaaliyeed ay isticmaalaan,
isagoo dhinaca kale ku eedeeyey maamulka rayaale in uusan waxba u qaban shacabka halkaasi ku nool wuxuu kheyraadkii dalka sida xoolaha la dhoofiyo ku wareejiyey ayuu yiri dad shisheeye ah, adeegyadii bulshadana waxba kama qaban ayuu intaa ku daray isagoo tusaale u soo qaatay biyo la’aanta ka jirta magaalaada Hargeysa, isago sidoo kale ku eedeeyey in Dadka halkaasi ku nool aanu waxba u qaban inay wax qabsadaana uu ka hor joogsaday.
amiirka alshabaab oo ka hadlayey cajalad cod ah oo laga duubaay shir jaraaid oo khadka telefonka uu ugu qabatay warbaahinta Gudaha DALKA Somalia qaar ka mid ah lagana sii daayey warbaahinta magaalada Muqdisho iyo kuwa caalamiga ah ba ayuu Amiirka Al Shabaab Mukhtar abu Sabayr intaa ku daray in qaar ka mid ah dekadaha Maamulkaasi loo gacan galiyay wax uu ugu yeeeray dalal gaalo ah isagoo tusaale u soo qaatay dekadda Barbara.
Amiirka Alshabaab ayaa ku tilmamay doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay ka dhacaan Somaliland in ay dabada ka riixeyso Dowlada Itoobiya, laguna tuurayo Kitaabka ALLE SWT, islaamkana liddi ku ah, waxaana uu intaa ku daray in doorashooyinkaasi shacabka Somaliland loogu qeyb qeybiyey beel beel si la isaga horkeeno iyadoo waxaa falalkaasi ku kacayaana ay yihiin shaqsiyaad kooban oo xukun doon ah ayuu yidhu amiirka alshabaab.
Amiirka alshabaab mar uu ka hadlayay arrimahaas waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan umadda Somaliland ku boorinaayaa in ay la xisaabtamaan dowladda ay darawal ka tahay Itoobiya oo haatan ka jirta Somaliland islamarkaana uu madax ka yahay Madaxweyne Riyaale”
Waa markii u horaysay ee uu ka hadlo xaalada iyo arrimaha Somaliland amiirka alshabaab mukhtar abu zubeyr, balse waxa hore hanjabaad iyo hadalo liddi ku ah maamulka somaliland iyo sida ay u adeegayso ay ka soo baxeen masuuliiyiin kale oo ka tirsan isla Ururkaasi Al-shabab.
Xafiiska wararka Goljano Media
Burao Somaliland
Mustafe Osman A.rhaman

