Home » September, 2009
You are currently browsing entries posted in: September, 2009
Burco -(Goljano)- waraysi gaaban oo aan la yeelanay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G/Tog-dheer Sahal aadan Maxamed, waraysigan waxa ka soo qaaday Camera Man ka Studio Goljano ee Burco, Ismacil Abokor iman, waraysigan oo aan u wax kaga waydiinay waxa ay u qabteen Bannaanbaxan iyo waxa ay dadka isug usoo saareen iyadoo shalay rabshado xumi dhaceen [...]
Hargaysa -(Goljano)-Fadhigii Golaha wakiilada ayaa saaka si caadi ah u furmay, fadhigan Saaka oo Si nabad ah oo bilaa buuq ah u furmay ayay ka soo xaadireen xildhibaano aan weli tiradooda rasmiga la shaacin maadama loo diiday saxafadda inay galaan Gudaha xarunta Golaha wakiilada, Xidhibaanada Yimi xarunta ayaa si caadi ah u galay madasha shirka iyagoo [...]
waraysi aanu la yeelanay guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye C/laahi xasan xaji diiriye ayaa waxanu wax ka waydiinay bannanbaxyada ay shalay ka qabanqaabiyeen kana dhigeen magaalada Burco iyo weliba Oog, waxana waraysigan ka qaaday weriye Jama Abdi Sicid oo ka mid ah hawlwadeenada cusub ee Goljano Media xafiiskeeda ama Studioga Burco.
hadaba waraysigan ayaa waxa [...]
Burco -(Goljano)- Bannaanbaxyo ay soo qabanqabiyeen xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa saaka ka dhacay Magaalada Burco iyo weliba Degmada Oog, Bannaanbaxan oo ahaa mid silmiya oo aan wax rabashado ah wadan sidii kii hargaysaa ayaa ku koobnaa xarumaha xisbigaasi, iyadoo markii ay masuuliyiinta asxaabta khudabadahooda halkaas ka jeediyeen ay kala tageen dadkii halkaasi isugu [...]
Burco -(Goljano)-Abaabul ballaadhan oo laga dreemayo saka magaalada Burco, iyadoo lagu wado in saaka abbaro 9:30ka lagu qabto bannaanbaxyo ballaadhan oo lagaga soo horjeedo dhacdadii foosha xumayd iyo rabshadihii ka dhacay hargaysa oo ay mucaaradku ku eedeeyen xukuumadda,
waxaa illaa xalay ay ku jireen mucaaradku abaabul iyo igaysiin ay taageerayaashood ogaysiinayaa Baanaanbaxyada berri dhici doona.
hadaba waxa [...]
Hargaysa -(Goljano)- waxa weli si xawli ah usocta Rasaasti Ay Bilaysku ridayeen, sido kale waxa shacabkii ay sii xoogeeyen Mudaharadkoodii iyagoo Gubay illaa iminka inta la xaqiijiyey 4 Gaadhi oo 3 ka mid ahi aya yihiin GT ama baaburta Dawladda halka mid kalena uu yahay Gaadhi bileys, Rasaasta weli ka dhacaysa agagaarka Xarunta Wakiilada ilaa [...]
Hargaysa- (Goljano)-waxa ill iminka ka socota xarunta Golaha Baarlmaanka Hortiisa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidanka Bileyska somaliland, kuwaaso is hortaagay inay Gudaha galaan xildhibaanada Baarlmaanka halka shirguddonkii Golaha uu gudaha ku jiro,ciidankan ayaa illa iminka ku hor sugan xarunta Golaha wakiilada.
Rasaastan dhacays a iminka ayaa loo adeegsaday shacab isa soo hor dhoobay xarunta Golahaasi, [...]
waa Barnaamkii Suaalaha iyo jawaabaha Diinga ahaa waxaan inoo soo diyaariya Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada, Hadab ka faaidaysi wanaagsan.
Q:8aad
1-Su’aal Sheeg Asxaabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
1-Jawab: Wuxu ahaa Sacad Bin Abii Waqaas Rc.
2Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
2-Jawab: Wuxu ahaa Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
3-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) uu u sheegay inuu Alle Jecel-yahay?
3-Jawab: [...]
Hargaysa -(Goljano)- Waxa maanta heshiis Buuxa laga gaadhay in dib loo furo maalinta berri ah xaruntii golaha wakiilada oo xukuumaddu ka xidhay salaasadii kadib markii ay ku dagaalameen xildhibaanada qaar ka mid ah, iyado taasina keentay in xildhibaanadu ay hub isula soo baxaan golaha dhexdiisa sidaasina ay ciidanka boolisku ay ku xidheen golahaasi maalinta bari [...]
Hargaysa -(Goljano)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta ka sheegay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxman cirro ayaa sheegay in aanay Hanjabaada Shirguddoka Baarlamaanku aanay waxba soo kordhinayn isagoo xildhibadanadana ugu baaqay inay tashadaan oo ka heshiiyaan waxa dhexdooda yaalla, caqligaan ka sahqaysiiyaan, Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Cirro in [...]
Ramadaanku waa fursad kooban Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad waayo waxaa jira dad badan oo soomay sanadkii tagay maantana ka mid ah ahlu qubuurka oo sugaya in lagula xisaabtamo maalinta Qiyaame wixii ay hor marsadeen, ama waxaa jira kuwo bukaan [...]
Barnaamij ah su’aalo aqoon Guud ah iyo jawaabo oo taxane ah.
1.Su’aal. Waxaad sheegtaa nabigii lagu riday ceelka lana siiyay quruxdaaduunka hadii loo qaybiyo laba qeybood lasiiyay halqayb ?
1-Jawaab.nabigaasi waa nabi yuusuf.
2.Su’aal. Waxaad sheegtaa qoomkii ugu horeeyay ee sanab caabuda ?
2-Jawaab. Waa qoomkii nabi nuux
3.Su’aal. Waxaad sheegtaa imisa sano ayuu noolaa nabi ismaa ciil ?
3-Jawaab. Waxaa [...]
Hargaysa -(Goljano)- Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo wafiti uu horkacayo ayaa Goor dhoweyd ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee IGAL International Airport ee magaalad Hagaysa.
Waftigan uu horkacayo Axmed Walad Cabdallah ayaa lagu wada inay u yimadeen Dalka bal in wixii karaankooda ah ay ka galaan [...]
Philippines ama Filibiin waa wadan dhaca koonfur bari Asia wadankaan ayaa ah wadan Jaziirado ka kooban tirada jaziiradihisa ayaa ah 7,107jaziiradood.
Philippine waxa ay kaga jirtaa wadanka nambarka 12aad xaga dad badnida wadamada aduunka waayo dadka wadanka kunool ayaa kor u sii dhaafay 92 milyan.
Philippine markeedi hore waxaa gumeysan jiray Spain qarnigii 16-aad ee milaadiga inkastoo [...]
Waa qiso ka turjumaysa xaalada Dadkii hore iyo Jacaylka Qoysaska iyo xaalada Qoysaska imminka……..
Qarnigaan 21aad wax kasta wey hormareyn sida isgaarsiinta, aqoonta iyo tagnoolijiyada qeybaheeda kala duwan. Waxaa sidoo kale hormarkaasi si fiican ula hana qaaday jaceylka u dhaxeeya labo qof oo isdooratay. Inkastoo jaceylka barashadiisa lookala hoorey.Hadaan Soomaali nahay jaceylka waagii hore wofba si [...]
Sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada iyo Guurtida aya waxa Madaxweyne Dahir Rayaale khadka tilifoonka kula xidhiidhay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), ka dib markii ay shalay ciidamada booliska oo u muuqday qaar qaba amar gaar ah ay si badheedha ula wareegeen dhamaan furayaashii golayaasha sharci dejinta, taasi oo ka cadhaysiisay [...]
Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo KULMIYE waxay cambaaraynayaan falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa.
Waxay ummadduhu ku horumareen, kuna hanaqaadeen, ku dhaqanka iyo xormaynta shuruucda ay dhigteen, waxaana uga mas’uul ah dejinta iyo ilaalinta xeerarka golayaal leh haybad iyo xasaanad, kana wakiil ah Bulshada.
Waxa nasiib darro ah, Golaha Wakiillada oo [...]
Hargaysa -(Goljano)-Xukuumada Somaliland oo ka hadashay falkii foosha xumaa e ka dhacay shalay Golaha wakiilada ayaa shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ku eedeysay inay baabiinayaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland isla markaana ku sheegay inay mashruuc ka soo qaateen dad cadow u ah Somaliland waa sida ay hadalka u dhigtay xukuumaduye,
Hadalkan ka soo yeedhay xukuumada oo [...]
Hargyasa -(Goljano)- Ergedii isu xilqaantay dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan ayaa shalay kulan saacado qaatay la yeeshay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka kaas oo ka dhacay xarunta Komishanka Doorashooyinka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xaalada adag iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, waxaanay iska xog waraysteen sida loo xalin karo khilaafka [...]
Hargaysa (Goljano) Fadhigii Golaha Wakiilada ee Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) ayaa la horkeenay laba Mooshin oo la doonayey in Mid maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa halka ka kalena ahaa mid la doonayay in dib loo furo xeer hoosadka golaha kaabis iyo wax ka bedelna lagu sameeyo.
Fadhigan [...]