Axmed-Siilaanyo Iyo Maansadiisii Mahadhada Reebtay Nagula Nasta
Markale Ramadaan Kariim, Akhyaartayada ku kala baahsan Dacalada Dunidaow. Waxaan Filayaa inaad la socoteen Wacdarihii ka muuqday Maansadii Metelaada ahayd ee uu soo bandhigay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Tuducyadeedii inyar hadaan kasoo qaadano waxaa kamida:
Tan anaa ka diigoo
Gabigeed danbaabee
Dawo kale ma haysaa
Marhadan nin door xidhay
Daalalay sameeyiyo
Gaariyana isdaba dhigay
Sheekhiina dooh idhi
Tolow yaa danbeeyoo
Baritana la soo diri
Duqaydii dhulkeeniyo
Golayaashu duug male
Docdayday ka buuxaan
Doolarkiyo xisaabtiyo
Doonbarada qaataan
Maydinkaa wax didin kara
Dadkan seexday kicin kara
Danahooda fulin kara……
Erayadaa bilaa Xirribiha ah iyo kuwo kale oo kasii daranba, markii uu Daahir Rayaale indhaha ka mariyey Cid kastoo soo daymoota, maxaad ka filan kartaa Ciddii ay Loolanka kuwada jireen ee ay kamid yihiin Axmed-siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe inay iyaguna kaga jawaabaan. Bal aynu ku horeyno oo aynu eegno Jiiftada Siilaanyo iyo Meesha uu ka fad kudiyey, Maansadan Axmed-siilaanyo oo iyaduna ah mid matalaada oo kaftana, sidoo kalena ah mid bilaa turxaana, kana reeban waxkastoo keensan kara Cuqdad una muuqan kara aflagaado ama Cay ah.
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu ku bilaabay Maansadiisan qiimaha badan sidan:
Dhangad goosigiisuu
Isagoo garwaaqsaday
Halka uu ka gooyn laa
Gudintiina haystuu
Dadka hadalo galiyaa
Meeshii garaac iyo
Ku haboon gamaamudid
Midkalaana garab furan
Sheekiyo guyaal hore
Guud cadaadaheediyo
Gadhwadeenadeedaa
Bari sheeko gooyoo
Guntay oo ku baanoo
Waxay tallo gorfeeyeen
Dadka geeska yaalaa [geeska afrika]
Guga iyo da’doodoo
Sii guura mooyee
Caqligiyo garaadkood
Wali goobti kama kicin
Maahmaah gu-waynbaa
Ku gadaaman taasoo
Aan ahay gadeedii
Anna waxaan garmaamada
Iyo waranka guunka
Ku gardaadiyaayoon
Gabaygiyo heestiyo
Geeraaradaydiyo
Maansada u guud furay
Nabar baa i gubayoo
Gocashaa i jiiftoo
Gorod lulasha mooyee
Gundhin waayay madaxii
Gacal aan u qayshiyo
Guri aan ku hiiliyo
Gacan saarki iga dhimay
Gafkan aan tirsanayiyo
Godabtana ninlihi diid
Garaad-maalayashiyo
Guurti aan u geeyiyo
Geedkiyo ragiisii
Isna waa galgalin madhan
Guunyadaydan fooftana
Gabaareey qaniintiyo
Gofanaa ku naaxoo
Gurigay u hoyatana
Gaadiyo in miratiyo
Ku gadaaman bahaluhu
Ubadkiyo garboobkiyo
Gabbanada caruurtana
Gaawe looma qaado
Gorof looma buuxshoo
Gabi-dhaca habeenkii
Gaajaday la qayshaan….
Gacmo hoorsigaygana
Ibna-aadmi gayi waa
Guulahaan u fidiyaa
Wali gaasiraadii
Kama bixin guhaadii
Inkastoon ku gaylamay
Geerina u soo maray
Waayay guunyo badan iyo
Geesiyaal la sheegiyo
Gobaad iyo dhasheedii
Afartaasi godob li’i
Mid kalaana garab taal
Gadhkan aan rifaayiyo
Timahaan gilgilaya
Waa cadho gun dheeriyo
Gufo li’ida talladiyo
Goosgoosankaygiyo
Ilawshaha isoo galay
Baadi goobistaydii
Gasiinkaan ka dhaartiyo
Gadoodiga habeenkii
Gudcurkaan u soo maray
Waxaan goodka jiifiyo
Halaq boqonta gooyiyo
Gaadaaga aarkiyo
Inta gabbi dugaag iyo
Galowgiiyo haadi iyo
Shabeel geeddo fuuliyo
Gurguurta abeeskuba
Igu gaylameenee
Wadku guudka iga daday
Garaadkaa i fari jiray
Hashu way gabdhowdoo
Gafanaa ku yaalee
Dhiidhitii ganafkiyo
Garbahaba ka soo mari
Laga gudub midkale garo
Xagu gabbi xaguna gabi
Guntu walac ma noqonine
Guntanaha u faashiyo
Geedo gooye weeyaan
Ninka guursan waayee
Gaabsiga ku haysta
Xidid gooyaheediyo
Gocor bay u hoyataa
Boqon gooyaheediyo
Kii shalay gu tiraybaa
Gaawaha u sii sida
Darkaloon la garan iyo
Gaaraagucuun iyo
Ma gayday u raran tahay
Taa gar waaqsigeeduna
Kuwii goosan waayee
Geeridu haleeshee
Godka iyo xabaashiyo
Aakhiro u guuroo
Ifka gacaladoodiyo
Gaaridii xanbaartiyo
Gabanada dhashoodii
Baaho loogu guraya
Wanaag waa la gooyoo
Xusuus waa la gawracay
Gafku maaha dheeriye
Dar uun baa gardaadshoo
Gardarada nusqaanta ah
U garoomo tollayoo
Guntigana usii xidha
Dhaaxaan guclada dheer
Raadkeeda gurayee
Maantana god baas iyo
Ga-go madhan istaagtoo
Galoof iyo wax baasiyo
Gudhan bay ka yeeleen
Gobbodiyo warkaygii
Soo gunaanadkiisii
Waxa aan ku gaabsaday
Gaydhankii hargaysaay
Herer goonyaheedaay
Burco goodigeediyo
Gacmo saarahaygiyo
Bari iyo galbeedeey
Gacamada Barbara iyo
Bada geedigeedaay
Gobonimo xadeed iyo
Sheekh gacalka yaalow
Awdal garab-galkeediyo
Baradii Gabiilaay
Goodiga ban cawl iyo
Golis iyo Sanaageey
Halka geelu daaqiyo
Sool dhaqan ku guuraay
Balli gubadlahaygiyo
Inta geesi joogaay
Halka goolku yaaliyo
Halka libini gibidh tidhi
Inaad garasho leediin
Garaadka ku haystee
Aan gaadho meeshoon
Gobonimo fadhiistee
Foodkiina guusha leh
Tollow igu gargaaroo
Gabban hayga reebina
Dhammaad.
Halkan Ka Akhriso Maansadii Daahir Rayaale
Kollay Wada Fahante halka uu Kaftanku maraayo, Dhugane Labadan Hoggaamiye halka uu midba ka hillaacay, Waxaan filayaa inaad idinkuna aad tabaysaan Hoggaamiyaha Saddexaad oo ah Faysal Cali Waraabe iyo Meeshuu kasoo mudho, Waxaan idiinka hayaa Maanso aad u qiimo badan oo aad idinkuba ila arki doontaan, ha moogaanina Insha Allah Berri Ama Sahadambe ayaan idiin soo gudbin doonaa.
FG: Haddii aad wax saluug ah ku aragtaan, ama aad u baahataan ibo bixin dheeraad ah, Fadlan waxaad lasoo xidhiidhi kartaa Abwaan Qol-qol.
Waa Eraydii Abwaan Mawliid Aadem Qol-qol
E-mail: Qolqol3@hotmail.co.uk
E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland


