Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Booliska Oo Dhimasho & Dhaawac U Geystay Arday Dhiganaysay Iskuul-ka 26 June Ee Xaafadda Goljano.

Booliska Oo Dhimasho & Dhaawac U Geystay Arday Dhiganaysay Iskuul-ka 26 June Ee Xaafadda Goljano.

d

Hargeysa (Goljano) Rabshadahan Maanta ka dhacay Hargeysa, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 Qof, Waxaana ka mida Arday classkiisii fadhiyey oo Casharadiisii dhiganayey, iyo waliba Arday kale oo Hablo u Badan oo dhaawacyo kala duwani soo gaadheen.

Ardaygan dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo kamid ahaa Ardayda Iskuulka 26 June, ee Xaafadda Goljano, ayey Xabadu haleeshay kaddib markii Boolisku xoog ku soo galeen iskuulka rasaasna oodda kaga qaadeen.

Lama garanayo Sababta intaa le’eg ee Boolisku ku Maaruqeen Ardayda Class-yadooda ku jirtay, Laakiin  sida la sheegayo, Waxay Baacsanayeenbaa la yidhi Dadkii Rabshadda waday qaarkood oo la sheegay inay Iskuulka soo galeen.

Rabashadaha oo u eg kuwo iskood u istaagaya Cad-ceeda Magaalada Hargeysa oo maanta aad u kulul aawadeed, ayaan hadana la garan Karin, Xilliga ay si rasmiya u istaagi doonto, Waxaana aad looga warwersanyahay Cad-ceed dhaca, oo laga baqaayo inay Boob iyo Budhcadnimoba bilaabanto.

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 12th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply