Burco: Abaarihii Ka Dhacay Degaano Ka Mid Ah S/land Oo Weli Sii Qoyan Iyo Dadka….

Masuul u hadlay wasaarada dib u dajinta ee somliland ayaa shegay in boqalaal kun oo qof ay usoo bara kaceen magaalooyinka waaweyn.
“Magaalo waliba oo Somaliland ah waxa buux dhaafiyay dad qaxaya kuwasoo abaarta ay saameyn weyn ku yelatay, iyadoo 60% abaartasi dadyowga ay sameysay”ayuu yidhi masuulkani
Deegaano hoy u noqonaya ayaa dadkaasi looga sameeyay deeganaad Burco,Ber bera iyo deegaano kale iyadoo weli dadka baadiyaha ka imaanaya ay weli ku soo qol qolayaan.
Dadkii xoola dhaqatada ahaa ayaa 60% waayay xoolahoodi , iyadoo sameyn xoogan ay reebtay abaartani xoogan ee ka jirta deegaano badan oo somaliland ahi.
Guddomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin ayaa wakaalada wararka ee Irin u sheegay in ay maamul ahaan biyo gaadhsiiyeen illaa 78 tuulo iyaga oo la kaashanaya ururo maxali ah .
Inkastoo roobab ay ka da`een deegaanada Somaliland hadana weli waxaa jirta xaalado adag oo abaareed , iyadoo qiimaha cuntooyinka iyo naciishaduna ay weli cirka marayaan.

