Buubaa Oo Beryahan U Muuqday Haad Geed Waayey Ayaa Maanta Ka Degay Boosaaso
Boosaaso (Goljano) Siyaasiga ka fallaagoobay Somaliland ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo beryahan u muuqday Haad geed waayey ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu Maanta ka degay Madaarka magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland ee Somaliya.
Siyaasigan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland laakiin Mabda’a ahaan raacsan Somaliya, Lana soo shaqeeyey Maamulladii Fadhiidka ahaa ee halkaasi soo maray, ayaa waxaa Maanta kusoo dhaweeyey halkaasi Masuuliyiin katirsan Maamulkaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro iyo Xubno Sarsare.
Masuuliyiintaasi soo dhawaysay oo ay wada hadal yeesheen ayaa waxay isla markiiba isla soo qaadeen Siyaasadda Cakiran iyo Mawqifkiisa wakhtigan ee ku waajahan Siyaasadda Somaliya.
Buubaa ayaa waxaa la filayaa inuu Maalmaha soo socda la kulmi doono Madaxweynaha Maamulkaasi Dr Faroole, iyagoo sida la sheegay ka wada hadli doona Arrimo badan oo ku saabsan guud ahaan Xaaladda iyo Siyaasadda Somaliya.
Socdaalkan Buubaa ayaa waxaa ku weheliyey Cali Baashe Xaaji Maxamuud oo isna ka tirsanaa Xukuumadda Somaliya, laakiinse dhawaan laga caydhiyey Xubinamadii Barlamaanka. Waxaanu Siyaasigani uu isaguna shalay ka degay Madaarka Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Xubno ay Wasiiro ku jiraan oo katirsan Maamulka Puntland. Waxaana la dejiyey Meelaha ay Masuuliyiinta Maamulkaasi deggenyihiin.
Cali Baashe waxa uu isla xalay Fool ka fool ula kulmay Madaxweynaha Puntland Faroole iyo Ku xigeenkiisa, Iyagoo si weyn u gorfeeyey guud ahaan siyaasadda Cakiran ee Somaliya.
Labadan Siyaasi ee Buubaa iyo Cali Baashe oo Markii ugu dambaysay ka mid ahaa Barlamaanka Dawladda Shariif, ayaa laga Caydhiyey halkaasi, Waxaana Siyaasiyiintan iyo inta la Fikirka ahiba beryahan gaaf wareegayeen Dalalka Somaliya la jaarka ah, iyagoo Masuuliyiinta dalalkaasi kala hadlaayey sidii xal dhab ah oo waara loogu heli lahaa Somaliya.
Booqashada Labadan Siyaasi ay Wakhtigan ku tageen Puntland ayaa lagu sifayn karaa Dhoola tus ay ula jeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka Xayuubiyey Xubinimadii Barlamaanka.
Goljano Magazine
Hargeys, Office.


