Deeq-Bixiyayaasha, Komishanka iyo Axsaabta oo Gorfeeyey Dhaqaajinta Hawlaha Doorashada
Hargeysa (Goljano) Guddida Doorashooyinka Qaranka, Axsaabta iyo Deeq-bixiyayaasha ayaa shalay kulamo gaar gaar ah ka yeeshay dhaqaajinta hawlaha Doorashooyinka Madaxtooyada, ayaa Carqabado ka hor yimaadeen Muddoyinkii dhawaa.
Kulamadaasi waxay deeq bixiyayaashu ugu kuur galayeen sida ay Axsaabta iyo Koomishanku Diyaar ugu yihiin Qabsoomida Doorashada iyo sida ay u fuleen heshiisyadii ay wada gaadheen daneeyayaasha Doorashadu.
Kulamadaasi waxa ay u dhaceen si gooni gooni ah, waxaana intaanay Deeq-Bixiyayaashu iman Dalka kulan gaar ah oo ay ugu diyaar garoobayeen wada yeeshay Koomishanka iyo Axsaabta sidoo kale Xubnaha Koomishanka ayaa kulan gaar ah wada yeeshay markii danbana waxay labada dhinac ba kulamo gaar gaar ah la yeesheen Deeq-Bixiyayaasha
Sida ay wararku sheegayaan kulanka komishanka iyo axsaabta waxa la sheegay inay ka wada hadlayeen sidii loo ansixin lahaa ( code of conduct) ama xeer hoosaadkii ay ku wada shaqayn lahaayeen oo komishanku u soo gudbiyay iyadoo loo balamay saadanbe
Kulanka axsaabta iyo komishanku ay la yeesheen wakiilka Deeq bixiyayaasha Somaliland u qaabilsanaa arrimaha Diiwaan galintana Mr; Richard hans na waxa uu ku saabsanaa sagootis uu Richard ku doonayay inuu kaga ambabaxo dalka iyadoo la sheegay in loo bedelay dalka maali
Sidoo kale waxa la iskula soo qaaday kulamadaasi sidii dhinac walba xil iskaga saari lahaa fulinta arrimaha ku xidhan


