Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta (Qabriga Salaaxa-Diin & Suuqa Xamiidiya) Q:4aad

Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta (Qabriga Salaaxa-Diin & Suuqa Xamiidiya) Q:4aad

e

Qudbiga Qabriga Salaaxa-Diin  (Qabriga Salaaxadiin Al-ayuub 1193 taariikhda miiladiga)..

Magaalooyinka kale ee Taariikhiga waxaa ka mid ah magaalada Tadmur oo ay Roomaaniyiintii dhulkan ka talin jirtay Islaamka ka hor ay dhiseen,Buuro la xardhayna u badan, Dalka Suuriya goobhaas taarikhiga ahi waxay ugu jiraan Tiirarka ugu waaweyn ee uu dhaqaalaha ka helo dalku, waxaana sanad kasta Soo booqda dalka Suuriya Dalxiisayaal daafaha aduunka ka kala yimaada, kuwaas oo isugu jira dad tamashlaynaya, kuwo cibaadeysanaya iyo kuwo cilmi baadhis u yimaada, waxaana dalka ka soo gala dalxiisayaashaas kala duwan dakhli  malaayiin Dollarka Maraykanka ah gadhay.

d

Siiriya waa dal nabad galyadiisu ay aad u wanaagsan  tahay, kuna jira dalalka aduunka ugu nabad galyada badan in kastuu ku yaalo bogcad aad u loolan badan oo ay ka taagan yihiin dhibaatooyinka aduunka ugu khatarsan sida qadiyada falastiin, iyo buuraha jolan oo ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya sanadkii 1967, hadana waxa uu dalxiisayaashaas ku kasbaday nabada gudaha dalka ka jirta, waxaanu dalxiiskani sii xoogaystay 11/9/2001 qaraxii daarihii dhaadheeraa ee maraykanka ka dib, markaas oo ay ku soo jabeen dadkii u dalxiisi jiray dalalka reer galbeedka markii cadaadis la saaray, kuwaas oo u badnaa dalxiisayaal u dhashay wadamada carabta gaar ahaan gacanka carabta. 

 

mahad haka gaadhtee waxaan u mahad celinayaa dhamman dadkii gacanta iga siiyay inaan soo jeediyo barnaamijkaan taariikhda ah haday ahaan lahayd dhinaca taariikhda ah iyo talo bixintaba .

d

 

Suuqa Xamiidiya….

Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku yaala suuq taariikhiya oo lagu magacaabo Suuq Xamidiya oo  ay dhiseen Cusmaaniyiintii dunida islaamka muddo dheer xukumasay. Dalka Suuriya waa dad hodanka ah dhinaca Taariikhda goobaha kale ee iyagana dalxiis ahaan loo tago waxaa ka mid ah Magaalada Xalab oo ku taala waqooyiga dalka oo ay ku yaalaan qalcado badan oo Taariikhi ahi, dhawaana looba doortay Caasimada Taariikhda Islaamka,waxaa iyana aad loo booqdaa Xuduuda u dhaxaysa Suuriya iyo Urdun oo uu ka dhacay Dagaalkii dhulkan Shaam lagu furtay goobtaas oo loo yaqaano Yarmuuk, Dagaalkaas waxaa dhinaca Muslimiinta hogaaminayey Kaalid Ibnu Walid(R.C) oo ku aasan  magaalada Xalab , waxa kale oo ku taala Basra Shaam oo ah goobtii uu nabigu(N.N.K.H) yaraatiisii isaga oo la socda adeerkiis cabbaas booqday. 

 

Shabakadda Goljano Waa Warbaahinta Shacabka ee hanaga dheeraanina….

Waxaa qoray soona diyaariyay .

Saciid Xuseen Xaashi (Xarawo)..

Saciid122@hotmail.com
Suuriya _Dimishiq

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 13th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply