Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, (Qabrigii Bilaal Al-Xabashi) Q: 3aad.
Qabriga Bilaal Al-xabashiyyi, sida uu xaqiijiyey Imaamu Nawawi..
Waxa kale oo iyaguna jira masaajidyo badan oo saxaabadii nabigu (N.N.N.K) ay laasimeen oo dadka wax ku bari jireen waxaana ka mid ah ,masjidkii Abuu Dardaa, uu dadka casharada ugu meerin jiray, kuna dhegan Qalcadda Dimishiq waxa kale oo ku yaala sida ay dad badani aaminsan yihiin masjidkii uu u badnaanjiray Abu Hurayra(R.C) oo ku dhexyaala suuqa ugu weyn dimishiq uguna caasan ee xamaadiya badhtamihiisa.
Misjidkii Abu-Hurayra oo ku dhexyaala suuqa Xamiidiya…
Dimishiqna waxaa ku noolan jiray culimo waaweyn oo dunida islaamka aad looga yaqaano cilmigii iyo aqoontii ay ka tageena daafaha aduunka ka kala dhacday waxaana ka mid ah, Imaamu Nawawi, kana soo jeeday Tuulada la yidhaado Nawa, Shiikhan oo dunida Islaamka aad looga yaqaano Kutub badana allifay, sida kitaabka Riyaadu Saalixiin,sharaxyna kitaabka saxiixul muslim.
Dimishiq culimadii kale ee ku noolaan jirtay waxaa ka mid ahaa , Ibnu kathiir, oo tafsiirka can ka ah qoray iyo Ibnu Taymiyah, oo xilligii uu nolaa Ibnu Taymiyah Dimishiqba ay qabsadeen Dadkii loo yaqaanay Tataarka ama Maqoolka, ee weerarka ka soo qaaday Dalka Maanta loo yaqaano Maangooliya, waxa kale oo iyaguna ku noolaan jiray Dimishiq culimo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin.
Lasoco Qaybo Kale oo Xiiso Badan…………Shabakadda Goljano Waa Warbaahinta Shacabka ee hanaga dheeraaniana….
Waxaa qoray soona diyaariyay .
Saciid Xuseen Xaashi (Xarawo)..
Saciid122@hotmail.com
Suuriya _Dimishiq


