Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qoto dheer! Q:2aad
Mid ka mid ah Minaaradaha Masjidka Umawiyiinta
Waxa kale oo uu masjid kani lee yahay sadex minaaradood oo dhaadheer oo mid waliba naqshad gooniya leedahay, iyada oo dhagaxaanta minaaradahaas qaarkood la sheegay in ay ka hadheen macbadkii ama kiniisaddii ay masiixiyiintu ku cibaadeysan jireen.
Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku soo jiidanaya qalcadda lagu magacaabo qalcadda Dimishiq taas oo uu dhisay mujaahidkii weynaa ee muslimiinta Salaaxa-diin Al-ayyuubi, sanadkii 1076M-469Hwaxayna kaga beegan tahay masjidka dhinaca qorax u dhaca iyada oo u jirta in ka yar 100m.
Qalcadda Dimishiq (1079m-469)….
Qalcaddan ayaa iyaduna waxa ay ahaan jirtay goob looga taliyo dhulka muslimiinta xilli ay gaaladu ama kiristaanku weerar ku soo qaadeen dhulkii muslimiinta, gaar ahaan qudus iyo falastiin, dagaaladii la baxay dagaalkii mucatabka.
Gurigii Suldan Daahir Bibaras, Suldaankii Jabiyey Maangooliyiinta…
Dimishiq innaga oo aan ku soo koobi Karin hal maqaal dhulka Taariikhiga ah ee qiimaha badan ee ku yaala ayaa waxa indhahaaga soo jiidanaya gobo badan oo saxaabadii R.C ku noolaan jireen sida Bilaal Ibnu Rabaaxa(R.C) mu’adinkii Rasuulka(C.S.W.S) oo ku aasan magaalada Dimishiq, ka dib markii uu degay xilligii danbe ee noloshiisa sida Taariikhdu qortana gabadh Dimishiqiyad ah kuwa guursaday, wuxuuna ku geeriyoodey sanadkii 20 taariikhda hijriga isaga oo dadiisu ahayd 64 jir.
Lasoco Qaybo Kale oo Xiiso Badan…………Shabakadda Goljano Waa Warbaahinta Shacabka ee hanaga dheeraaniana….
Waxaa qoray soona diyaariyay .
Saciid Xuseen Xaashi (Xarawo)..
Saciid122@hotmail.com
Suuriya _Dimishiq


