Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay, Daawo Sawirada

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay, Daawo Sawirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ku xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha siyaasadda ee Somaliland iyo Somalia Mr Charles Betrie.

Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland, waxa ay maanta Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo mashaariicda horumarinta ah ee Qaramada Midoobay ay ka fuliyeen Somaliland.

 

 

Ka Bilow Bidix,  Mr Charles, Madaxweynaha, Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada

Ka Bilow Bidix, Mr Charles, Madaxweynaha, Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha dibada

Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mr Charles

Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mr Charles

d

Madaxweynuhu, waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda ay ku sugan tahay Somaliland, siiba dhinacyada Nabad gelyada iyo Xasiloonida, waxana uu carabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumadiisaba ay ka go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland ay ku caano maashay.

 

Mr Charles, oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland ay daaran tahay in wax ka bedel lagu sameeyo habkii hore ee ay Qaramada Midoobay ula dhaqmi jirtay Somaliland, iyadoo si toos ah loo siin doono kaalmada iyo mucaawimooyinka Somaliland ay QM ku taakulayso.

 

Waxa kale oo uu sheegay Mr Charles in ay xafiis cusub ka furan doonaan Qaramada Midoobay caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka waramaya arrimaha ay QM danaynayso in ay ka caawiso Somaliland waxa ka mid ayuu sheegay Mr Charles dhibaatooyinka Budhcad-badeedka iyo sidii loo sugi lahaa amaanka xeebaha iyo dalka Somalilandba guud ahaan.

 

Mr Charles iyo wefdigiisu intii aanay Madaxweynaha la kulmin waxa ay kulamo la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Maxamed Ibraahim, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali, Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe iyo  Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur, oo si faah faahsan uga xog waramay wefdiga, isla markaana ka warbixiyay baahiyaha deg deg ah ee Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto.

 

Alla mahad leh

 

Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 3rd, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply