Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Dirawalkii Khibrad –yare (Sheeko Xiiso Badan)

Dirawalkii Khibrad –yare (Sheeko Xiiso Badan)

dd

Waxaa uu Gaadhigu marayaa figtii ugu sarraysay dalcad uu in muddo ah soo fananayay. Rakaabka ka buuxa dusha sare ee gaadhigu aad bay u tabcaansanyihiin. Waxay soo mareen safar qaatay maalmo ka badan intii ay filayeen. Waxa taa uga sii daran uma muuqato meeshii ay u socdeen. Gaadhiga oo noociisu yahay kuwa xamuulka waxa wade ka ah dirawal aan khibrad badan lahayn. Waligii gaadhi hore umuu kaxayn. Sidoo kale muu lahayn geesinimo uu go’aano mararka qaarkood loo baahnaa uu ku gaadho. Khibrad yare wuxuu markii ugu horeysay ka mid ahaa rakaabka dusha sare saaran, balse waxa isaga oo aan ku talo galin xaga hore ee gaadhiga (shidhka) ugu yeedhay dirawalkii ka horeeyay, oo malaha aan karti iyo aqoon uu leeyahay ugu yeedhane ugu yeedhay inuu yahay mid aan buuq iyo qalindaar ku samaynayn ee iska agfadhiyi doona inta uu baabuurkan gaadhayo halkii uu u socday. Nasiib darro tiiyoo aanu gaadhigii wali gaadhin halkii uu u socday balse ku socda xawaare fiican ayuu si kedis wadihii gaadhigu u geeriyooday. Waxay talo ku ciirtay dadkii rakaabka ahaa oo aan ku talo gelin dhimashadaa degdega ah. Inkasta oo ay jireen wadayaal kale oo khibrad iyo waayo aragnimoba leh oo rakaabka ka mid ahaa, hadana waxay intii xaga hore saarnayd gaadheen go’aan ah inay gaadhiga wadistiisa ku tijaabiyaan ninkii agfadhiyay dirawalkii geeriyooday. Ninkan loo wado inuu gaadhiga shookaanta qabto waligii ma kaxayn gaadhi. Marka laga reebo maalmihii uu agfadhiyay dirawalkii geeriyooday, misana ma jiraan talooyin xiitaa uu ka helay dirawalkii hore oo ku saabsan sida gaadhiga loo wado. Waxaaba ka sii daran in dirawalkan cusubi aanu garanaynba meel loo socdo. Ayaan daranaa rakaabka gaadhigan saarane. Waxa lagu aaminay nafahoodii iyo maalkii ay wateenba nin aan waaya-aragnimo gaadhi wadid lahayn. Dadkii rakaabka ahaa iyagoo xeerinaya meesha la marayo oo ah qorfo cidla ah, iyo dhibaatada ay keeni karto hadii la isku qabsado cidda gaadhiga kaxaynaysa, waxay iska abshirsadeen dirawalkan aan khibradda lahayni inuu kaxeeyo.

Khibrad yare isago oo isxayxaydaya ayuu gaadhigii shookaanta fuulay. Kuwii ka agdhawaana u sheege sida loo istaadho iyo sida dhaqaajiyo. Ilayn isagu indhaha oo uu ka arkayay mooyee wax kale kama garanayo gaadhiga’e. Nasiib wanaag gaadhigii kaxee. Markii uu arkay inuu gaadhigii kaxeeyay ayuu helay kalsooni ah inuu yahay dirawal dadkan rakaabka ah meel gaadhsiin kara. Waxa uu isu muujiyay inuu yahay nin maamulka gaadhigani gacantiisa ku jiro. Waxa uu intii xaga hore la fadhiday kala soo baxay mid agfadhiista. Kumuu dooran ninkan agfadhiisanaya inuu yahay nin khibrad gaadhi wadis leh, balse waxaa uu ka eegay keliya sidii isagu meeshan usoo fadhiistay oo kale. Maadaama dirawalkii hore ahaa ruugcaddaa in badan baabuur soo kaxeeyay, wuxuu is yidhi sidiisii samee oo isasoo agfadhiisi mid aan khibrad lahayn oo iska kaa agfadhiya.

Dirawal Khibrad yare wuxuu ku dhaqaajiyay gaadhigii socod aayar joogsi ah, laakiin dadka rakaabka ah waxa iyaga u daran uun in gaadhigu dhaqaaqo. Isagoo shookaanta saaran ayuu kolba dadka u sheegayaa inuu si fiican gaadhiga u wado, halkii lagu socdayna dhowdahay, isagana loo daayo oo buuqa iyo hadalka dadku yareeyaan si aanu uga mashquulin

Rakaabka gaadhiga saaran tiraba dhawr jeer oo loo sheegay inay meeshii loo socday gaadhayaan ayaa beenowday. marwalbana waxa lagu yidhaa maalin badhkeed uun baa hadhaye iska samra. Dadkii rakaabka ahaa waxay dareemeen maalmo badan ka dib inaanu gaadhigu soconba. Halkii uu shalay iyo dorraad ka soo dhaqaaqay ayuunbuu wali taagan yahay. Waxa intan u dheer inuu khibradyare cidda waydiisa ama ku tidhaa maxaa gaadhiga ku dhacay ma socdee uu indhaha kaga dhaco

“anigaa gaadhiga wada maahin”

“miyaad ila leedihiin gaadhigayga ordoo baabuur kale doonta hadii kale”

“anigaa ka masuul ah maahin”

”anigaa gaadhiga inaan kaxeeyo la ii dhiibay maahin maxaa kaa galay adiga” .

Waxa kale oo uu ugu daraa in qofkii hadalka joojin waaya uu ku diri doono wiilasha raamaha leh ee dhinacyada gaadhiga haysta ee ay somalidu tidhaa kirishbooyada ka dibna gaadhigaba laga tuuri doono

Cajab. Khibrad yare waxaabu ilowsan yahay cidda gaadhigan uu wado iska leh. wuxuu halmaamay inuu dirawal uun ka yahay, balse xaqlihii dusha saaran yahay. Waxaaba iska illaabay in haddii uu gaadhigan wadistiisa ku dhaco laga qaadi karo. Dadku waxay iswaydiinayaan kuwan shidhka kula jiraa miyaanay qaar garaad leh ahayn, ilayn waa kuwan arkaya in gaadhigu aanu socone maxay ula hadli la’yihiin oo runta ugu sheegi la’yihiin. Laakiin waxay qaar badan oo rakaabka dusha saaran ka mid ahi aaminsanyihiin in maadaama qolada xaga hore saarani aanay cadceed iyo qabow midna dhibayn, aanay dan ka lahaynba inuu gaadhigu meeshiisii gaadho in kaleba. Waxay sidoo kale arkayaan in kolba meel wax ay kazoo iibsanayaan qolada xaga hore oo malaha lacagtii kirada wax loogu soo iibinayo.

Waxa kale oo soo korodhay oo lala soo baxay maalmahan danbe in dadka la waydiiyo lacag dheeraad ah oo aan ahayn tii noolka ee xaqa loogu lahaa. Wiilasha la socda gaadhiga ayaa kolba dadka ku odhanaya

“keena, gaadhiga shidaalkiibaa ka dhamaanayee, hadii kale halkan ma dhaafayno” .

waxaana dadka u dheer handadaad ay ku hayaan wiilasha gaadhiga la socdaa

“xagaa iskugu darka”

“dhexda baneeya”

“gaadhigu xaga danbe ayuu culayskiisu u badan yahaye xaga hore wada kaalaya”.

Waxaa iyaga dhib ku qaba ciyaalkii iyo waayeelkii. Ma haystaan daryeel gaadhiga dhexdiisa, marka 10 saacadood la saarnaado gaadhiga ayaa mar wax ay cunaan ay doontaan. Soona xaajaystaan. Waxaa sidoo kale laga joojiyay shiraacii gaadhiga lagu xidhi jiray maalmihii hore ee rakaabka ka celin jiray cadceeda iyo roobka. Hadiiba rakaabku gaadhigan iskaga degi lahaayeen misana ma jiraan baabuur kale oo meesha maraysaa. Inta lug miciinsan kartaa iyagu way iska lugayn laakiin dumarka, waayeelka iyo caruurta ma jirto meel kale oo ay u ciirsadaan.

Fajac iyo amakaag ayuu Ilaahay dadkii u keenay. Waxay isweydiinayaan nasiib-darradan ku dhacday. Waxa dadka rakaabka ah ku dhex jira dirawaliin badan, laakiin laba ka mid ah ayaa haysta liisanka kaxaynta baabuurta waaweyn. Labaduba dusha ayay saaran yihiin. Waxay la qaysbanayaan werwerka haya rakaabka, waxaaba waliba u sii dheer maadaama ay iyagu leeyihiin khibrad waayo arag-nimo inay la yaaban yhiiin ninkan gaadhiga dhinacna u wadi kari la’ ee hadana la soo taagan

“anigaa gaadhiga la ii dhiibay maahin” ,

Marar badan ayay ku siganayaan inay gacmaha ula tagaan dirawalkan jaahilka ah ee dadkii dhibay. Sidoo kale wiilasha gaadhiga janbiga haysta ee kirishbooyada ayaa kolba dadka ku leh, labadan nin ee idin dhextaagan iska qabta. Waxay duulaan ku yihiin gaadhigeenan iyo socodkiisa. Ma doonayaan inaynu meel gaadhno. Markay leeyihiin gaadhiga sidan si ka xoog badan haloo kaxeeyo waxay rabaan inaynu shil galno halkaana ku haligsano.

Dirawal khibrad yare waxaabu la soo baxay markan inuu dadkii si toos ah ugu hanjabo. Isaga oo ka faaiidaysanaya meeshuu gaadhigu taagan yahay, daalka iyo rafaadka dadka ka muuqda iyo sida aanay meeshii loo socday ugu muuqan wali; ayuu odhanayaa; “hadaad buuqa joojin waydaan walaahinaan joojiyaha sii dayn, dalcaddaa dib ha uga noqdee, meel aad marteena hala idin waayee”

Waxay talo marka danbe iskugu soo biyo shubanaysaa inay rakaabdii go’aan qaataan ah inaanay dirawalkan lu’gooyay, ee khiyaameeyay sii eegan karin, isla markaana gaadhigii dhinacna u wadin ka takhalusaan. Waxay ku tashanayaan ina laba mid uun yeelaan. Inay dirawalkan ka intay daaqada ka furan dhulka ku soo tuuraan, iyo inay cid u diraan bal –la talisa una sheegta inuu dadkan aanu meelna u wadin shookaanta uga soo dago, isla markaana rakaabkii uu ahaan jiray ka mid noqdo, gaadhiga cid wadi taqaana loo dhiibo.

Waxay ugu danbayntii rakaabkii gaadhigu samaysanayaan guddi waxay sidoo kale hormood ka dhiganayaan intii khibrad gaadhi wadis lahayd. waxay la hadlayaan inamadii gaadhigii dhinacyada haystay si arrinkoodani ugu fulo, kadibna heshiis ayay la gaadheen. Dadkii ayaa gaadhiga ka soo wada dagay ka dibna toos u abbaaray gaadhiga xagiisa hore. waxay soo fureen daaqadii uu fadhiyay heeryoxume, waxaanay isaga oo aanay kaba qasnayn ku soo tuureen dhulka. waxay sidoo kale ka soo dejiyeen intii xaga hore la saarnayd oo dabcan iyaguna heshiis kula ahaa dirawalka inaanu gaadhiga dhaqaajin. Waxay u dhiibteen gaadhigii mid ka mid ah dirawaladii khibradda lahaa. waxaana in yar ka dib usoo muuqatay meeshii ay ku socdeen ee ay inta badan dhibka iyo rafaadka usoo mareen. farxad iyo raynrayn ayaanay isla heleen marqudha

Dhamaad.

MMHassan

muktar_15@yahoo.com

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply