Diyaarad Ay Yemani Leedahay, Oo Siday Raakaab, Ayaa Ku Burburtay Jaziiradda Comoros.
Diyaarad Laga Lahaa Waddanka Yemen oo ay saaarnayeen in ka badan 150 qof ayaa ku dul burburtay jasiiraddaha Comoros ee badweynta India Qaar ka mid ah dadkii saarnaa ayaa jirkooda la helay, iyadoo ilma yar la bedbaadiyey, Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Waddanka Yemen Oo U Warameyey Warbaahinta.
Diyaaradan Oo Nooceedu Ahaa Airbus 310 Waxey ka soo duushay magaalada sanca ee caasimadda Yemen, inkastoo qaar badan oo dadkaasi ka mi ah ay ka soo raaceen waddanka faransiiska Lama Oga sababta Keentay burburka diyaaradda, Wasiir faransiis ah ayaa sheegay in diyaaadda cillad laga helay mar la hubinayey sanadkii 2007.
Dadka ka midka ah rakaaba waxey u dhasheen dalka faransiiska weli si rasmi ah looma shaacin waxa sababay shilkan laakiinse saraakiil ka tirsan faransiiska iyo Yemen ayaa sheegaya in ay hawada xumeed xiligii ay diyaaradda dooneysay inay caga dhigato, Roobab ayaa la sheegayaa iney ka da’ayeen jaziiradda maalmahii la soo dhaafay
kooxaha gurmadka ayaa bilaabay goobta shilka uu ka dhacay inay ka soo saaraan, meydadkii dadkii saarnaa diyaaradda iyadoo wararkuna ay sheegayaan inuu jiro ilma yar oo ka badbaaday shilkadowladda faransiiska ayaa kooxo gurmad ah oo isugu jira dhakhaatiir iyo ciidanka badda gaar ahaan kuwa badda quusa waxey u dirtay goobta uu shilku ka dhacay.
-
Wariye: Yahya Sharif Abdinur
-
E-mail: Warside@hotmail.com
-
Somalia Mogadishu -


