Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Diyaarado Helikoptar Ah Oo Duqeeyey Gawaadhi Ay Lahaayeen Al-Shabaab

Diyaarado Helikoptar Ah Oo Duqeeyey Gawaadhi Ay Lahaayeen Al-Shabaab

Diyaarado Helikoptar ah ayaa maanta Duqeyn u geystay Gawaadhi la sheegay in ay wateen Xoogagga Alshabaab oo marayey inta u dhaxeysa Baraawe iyo Buulo Madheedh gaar ahaan Agagaarka Deegaanka lagu magacaabo Warta Rooboow, Waxana Warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan Cidda lahayd Diyaaradahaas Duqeyntaas geystay, Cidda ay Bartilmaameedsadeen, Iyo weliba Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas.

Goobjoogayaal Arkayey Diyaaradahaas Xilligii ay Duqeynta geysanayeen ayaa sheegay in Diyaaradaha Duqeynta Geystay ay ahaayeen 4 Diyaaradood oo ay saarnaayeen Ciidamada Komaandooska Faransiiska, Waxase Arrintaas beeniyey Dowladda Faransiiska oo iska fogaysay Duqayntaasi in aanay Ciidamadeedu wax lug ah ku lahayn.

Khasaare ayaa la sheegayaa in loo geystay Xoogaggii watay Gawaadhidaas ay Diyaaraduhu Bartilmaameedsadeen, Waxaase aan la garaneynin khasaarahaas inta uu le’egyahay iyo Weliba Xoogaggii saarnaa Gawaadhidaas inta ay tiradoodu ahayd

Dhanka  Xoogagga Mujaahidiinta Alshabaab oo la sheegay in ay lahaayeen Gawaadhidaas la weeraray ayaan weli ka hadlin Arrintan. iyadoo la filayo in Saacadaha soo socda Dhankooda iyo Dhanka Qolada wax weerartayba uu war Cadi kasoo bixi doono.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha la socda.

 

Hargeysa Office

Goljano

 

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 14th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply