Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Doqoni Saaftin Caro Loogu Tuuray Sed Ma Moodo Waxa Ka Dhigan …

Doqoni Saaftin Caro Loogu Tuuray Sed Ma Moodo Waxa Ka Dhigan …

dd

Waxay dadka reer somaliland gaar ahaan shacabka reer hargeisa  ay hor tageen iyaga oo dareenkooda ku muujinaya sida ay uga xun yihiin damaaciga xukun qar qarooshka riyaale hor muudka ka yahay waxaa iyaga taageeraya golaha ay soo doorteen ee xalaasha ah ee wakiilada dad ku soo dhex dhacay mr cali waran cadde oo ah nin ka loogu qaatay waraabayshaa dhiiga dadka jaqay ee ku xeeran riyaale waxay ku yidhdeen cali is casil waxaad tahay nin qaaliya oo wax qabadleh waxaana dadka qaar cali ay ku xeeriyaan inuu meesha loo dhiibo  uu wax ka qabto laakiin hada cali waxaa u muuqadaa nin sumadii waxqabad ay haydhasy xukuumad dadku qaati ka joogo iyo wasiiro cusuriyad iyo qabyaalad reer nacayb iyo horumar la dagaalan isku darsaday oo kula jira xukunka  fadhiidka ah dahir riyaale horjooga ka yahay ee cimrigeedii dhamaaday
 
hadaba dadkii sharfay cali waran cadde maanta waxaa dalka u taala inuu isagu kusoo dalbaday ciidanka police ku sheega ahaa ee sida xaraan ku hor tubnaa guriga baarlamaanka dalka ee ayku jireen  mudaneyaasha xaalasha ahaay ee ay dadku soo doorteen iyo in yar oo kamid kuwa quuta xaarta riyaale kala mini warayo mr cali dadki way qiimeeyeen kor bayu qaadeen kalsooni ay u hayaan awgiis  waxaanay u sheegeen cali mustawaha uu ka joogo dalka waxaay cali ka codsadeen inuu iska casilo xilka uu kahayo dawlada fashilantay riyaale horjooga ah ka yahay waana uu ka balan qaaday inuu iscasili doono laakiin waxaa maanta hadana hadhaysay cali inuu ciidanka dadku kusoo qanjiidhiyey oo ku yidhi   oo ku rida rasaas taasi waa ayaan daro inuu cali dad sharfay ugu abaal gudo inuu ku dalbado qaayimiinta dharka askarta loo geliyey tuuga u badan shacabka xalaasha ah dalkooda u heelan
 
waxaa maanta cali la, gudboon laba mid uun inuu ka dhabeeyo balankii dadka uu u qaaday ee ahaa inuu is casilayo uu is casilo oo aanu lexo jeclaysan risiq aboo uu ka qaato  xukuumad ku sheegta riyaale ee qawlaysatoda ah ku naaxday dhiiga iyo dheecaanka dad maata ah iyo inuu ku biiro kuwa cuqdada iyo necebka somaliland kula shuraakoobay riyaale inta  hal maasha
 
waxaana cali aan kula talinayaa haku darsamin kuwa cuqdada dadkooda iyo naxligu naafeeyey adiga dad waxay qaar yidhaadaan mar uun buu m/weyen ama kuxigeen isu soo taagi laakiinta maanta hadii aadan ka degin gaadhiga sii dhacay eed dadku kuleeyhay cali waanu jecelahay kasoo deg yuu kula dhicine oo isku dhejiso inuu kusii jrto gaadhiga shidkiisu urayo ee derawalkiisii indho beelay adiga ayaa ka shaaliya
 
waxaan kaala dar daarmayaa in aanad  noqon oo ku biirin kuwii la, qixi jiray hadba ninsii dhacaya sida  cawil iyo xasan gadhweyne iyo jaamac mucaawiye waxaan kuugu nasteexaynayaa inaad iradaada shacab rabi taankooda dhawrato oo aanad eegin sunuud maalmo ka hadhsanyihiin waxaan kuga taliyaa inaad is casisho oo balan kaaga oofiso
 
islamarkaana aanad noqon hogaamiye maalin ramadaan ummadiisa been u sheegay oo balan beenaale ha noqon sida riyaale looga aaminka baxay ayaan lagaga aamin kabixin wax iskula hadh oo dhawro rabi taanka shacabka waa hadii hankaagu dhaafsanyahay xil wasiiro marba qof ku magacaabo oo maalin uun rajo kaqabto inaad m/weyne ama kuxigeen isu taagto oo shacabka wax weydiisato hadii kale walaaqo waxa aad ku dhexjirto ee shacabku kaala xishooday inaad kusii jirto
 
waxaan kusoo gebo gebayayaa doqoni saaftin caro loogu tuuray sed ma moodo waxaa dhigan cali waran cadde
 
Waa qalinkii
Fahiima Axmed
Oslo Norwey
fahiima2011@hotmail.com

About This Post
Posted by Abdisalam on Aug 31st, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply