Home » Articles, Featured, News, goljano Latest News » Faalada Weriye Qaasim:-Waa Sidee Xaalka Maxaabiista ku xidhan Saldhiga Dhexe iyo Jawiga Guud ee Saldhigu

Faalada Weriye Qaasim:-Waa Sidee Xaalka Maxaabiista ku xidhan Saldhiga Dhexe iyo Jawiga Guud ee Saldhigu

qaasim1Hargiesa (Goljano.com), Todobaadkna iyo faalada Goljano waxa ayanu diirada ku saari doonaa xaalada maxaabiista ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargiesa iyo xaalada guud ee saldhiga dhexe.

Waxaynu ku horayn doonaa xaalada guud ee saldhiga dhexe ee magaalada hargiesa sida ay tahay, marka laga hadlaayo saldhiga dhexe waxaa uu u kala qaybsaan ku dhawaad seddex qaybood oo kala ah

1.   Qayb inta badan lagu xidho dadka suuqa laga soo uruuriyey iyo ee isugu jira dadka had iyo jeer dhibaatada u gaysta qaybaha kale ee bulshada.

Marka aad qaybtaas gasho waxaad dareemaysaa nolasha aadka u liidata ee ay ku nool yihiin maxaabista halkaasi ku xidhan, qolka ay ku jiraan waxaa ka muuqda bur bur badan gaar ahaan dhulka hoose ama sibidhka ay had iyo jeer seexdaan maxabiistu.

Qaar ka tirsan maxaabiista ayaan haysan agab ay ku seexdaan sida gogasha oo kale, inta badan waxay nolashoodu ku tiirsan tahay asxaabta ay isku dhex barteen saldhiga ay ku xidhan yihiin

Maxabiista qolkaasi ku jirtaa isku tudhaan oo inta badan jidh dil ayey isku gaysaan, mar aan ku jiray saldhiga dhexe waxay indhahaygu qabteen rag ka mida maxaabiista oo ay ka muuqdaan nabaro gaar ahaan wajigooda.

Qaar ka tirsan maxaabiista ayaan haysan hu’u ama dhar ay xidhaan oo waxaad arkaysaan qaar feedho qaawan oo aan haysan dhar ay xidhaan.

Maxaabiista ku dhixan qaybta koowaad ee aynu kor ku soo sheegnay waxa aad iyo aad u doorbadaan in loo keeno qof kasta oo cusub si ay baadhasho iyo jidh dil ugu sameeyaan, balse qofka ay aqoon u leeyihiin mid ka midi hadal daaye indhaha kuma gubaan.

Wixii aan aadka uga naxay waxaa ka mid ahaa oday macalina ahaan jiray oo boolisku ku soo garaaceen wada dheer ee hor marta madaxtooyada oo la keenay saldhiga, kadibna ay u hanjabaayeen qaar ka tirsan maxaabiistu.

 

La soco qaybta labaad oo aan ku soo qaadan doono danbiyada loo haysto qaar ka tirsan maxaabiista ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada hargiesa iyo qaybta labaad….

 

 

Reported by:-

Ibraahim Abdirahman Qaasim

Hargiesa/Somaliland

 

 

 

 

About This Post
Posted by Qaasim on Aug 31st, 2009 and filed under Articles, Featured, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply