Faallo Wariye Qaasim: Waa Sidee Xaaladda Saldhigga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa? Q:2aad
“Waxaan U Xidhanahay Badhasaabka Maroodi Jeex Iyo Udub” Maxbuus
Hargiesa (Goljano.com), Qaybta labaad ee ka hadlaysa saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa waxaynu ku soo qaadan doonaa maxaabiista denbiyada lagu haysto iyo maxaabiista loo yaqaano la haystayaal oo ku xidhan saldhiga.
Aynu ku horayno denbiyada iyo hab la dhaqanka maxaabiista ay ula dhaqamaan askartu.
Maxaabiista ku jira saldhiga ee lagu magacaabo denbiilayaasha intooda badan waxaa loo soo xidhay runtii danbiyo aad la yaabisay marka aad maqasho ama ay kuu sheegaan sababta loo soo xidhay.
Nin ka mida maxaabiista ku xidhan saldhiga mar aan la sheekaystay oo aan weydiiyey sababta loo haysto, ayaa waxa uu ii sheegay in loo soo xidhay arrimahan hoos ku xusan.
“waxaa la ii haystaa qaad aan lahaa oo ay askari iga dhaceen”
Sidoo kale waxa aan sii weydiiyey bal sida qaadkiisa loogu xidhay in uu sharaxaad ka bixiyo, waxaana uu yidhi
“ Qaad ayaan dooxa kala talaabi jiray, kadib maalin maal maha ka mida aniga oo seddex marduuf sita ayey seddex askari iga daba yimaadeen markaas ayey igu qabsadeen qaadkii aan sitay, inta ay iga qaadeen ayey halkan igu soo xidheen sabab la’aan.
Marka aynu intaas ka nimaadno waxaa jira maxaabis badan oo loo haysto wax aa debi lagu sheegi Karin.
Geesta kale hadii aynu u soo laabano maxaabiista aan denbiga lahayn ee la-haystayaasha ah, waxaa inta badan lagu soo oogaa denbi ay booliska saldhiga dhexe ku magacaabeen (Eedaysane).
Guud ahaan halka ay denbiilayaashu ku xidhan yihiin waxaa ka muuqda nadaafad daro, marka laga reebo halka ay ku xidhan yihiin maxaabiis wadaado ama shuyuukhdu.
Booliska saldhiga dhexe ayaa had iyo jeer saacad saacad isugu bedel ilaalinta maxaabista, askari kasta oo gaadhka maxaabiista qabta saacadiisa ayaa waxa uu kula kacaa caga juglayn iyo hanjabaad.
Waxaanay inta badan taasi ku dhacdaa maxaabiista la yidhaahdo la haystayaal, waxaana dhacda in maxaabiistaas lagu qasbo in ay galaan gudaha saldhiga oo ay ku xidhan yihiin dad ay nolashooduu aad u hoosayso, isla markaana aan haysan goob ku haboon nolol oo maxbuuska cusub kula kaca baadhasho iyo jidh dil
Saldhiga dhexe waxaa ka jiray xeer lagu kala hago maxaabiista oo ah laaluush, waxaana inta badan bixiyey dadka aan hore saldhiga u soo gelin si ay uga bad-baadaan nolosha dhibaatada badan ee ay ku nool yihiin maxaabiista qaar.
Maxaabiista saldhiga ku jira waxaa ka mid ahaa maxbuus lagu magacaabo C/laahi Xassan Max’ed oo lagu soo xidhay waxaad af-lagaado u geysatay xisbiga UDUB iyo badhasaabka gobolkan maroodi Jeex Mr. Cali Asad.
Waxaanu ii sheegay in uu saldhiga ku jiray mudo 2 maal mood ah, waxaanu saldhiga ka baxay maalintii labaad isaga oo aan wax denbi ah lagu soo oogin.
Reported by:-
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com


