Fadhigii Golaha Wakiilada Ee Maanta Oo Bastoolad La Isula Soo Baxay

Hargaysa (Goljano) Fadhigii Golaha Wakiilada ee Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) ayaa la horkeenay laba Mooshin oo la doonayey in Mid maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa halka ka kalena ahaa mid la doonayay in dib loo furo xeer hoosadka golaha kaabis iyo wax ka bedelna lagu sameeyo.
Fadhigan Golaha wakiilada ee maanta ayay fadhiyeena 67 mudane,waxana fadhigaan ka hor akhriyey Golaha Wakiilada in Mooshinka Xilka laga Xayuubinayo Madaxweyne Rayaale uu yahay mid sharciga waafqasan La Taliyaha Dhinaca sharciga ee golaha Wakiilada Axmed Cali Kaahin , Halka Mooshinka Wax ka bedelka iyo kaabista xeer Hoosaadka golaha uu ku sheegay La taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu mid aan dhamaystirnayn oo aan waafaqsanayn sharciga ,ay tahayna in loo gudbiyo guddi hoosaadka golaha.
Guud ahaanba Golaha ayaa galay jawi aad xaasaasi u ah iyadoo ay bilaabantay buuq iyo qaylo iyadoo ugu danbyntiinala isula tagay gacanta halka xildhibaan ka mid ah xildhibaanadii rabshada ka dhex waday Golaha uu la soo baxay Baaskoolad inkasta oo aanu cid ku dhufan ayaa haddana ay ahayd arrin aad u fool xun, wax amarkii danbe xaruntu isu rogtay fawdo Buuq iyo dagaal .
Xidhibaanka la soo baxay Baaskoolada ayaa ahaa Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo ka tirsan Xisbiga Udub oo ay gacanta isula tageen Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Xisbiga UCID.
Dagaalkan Dhex maray Xidhibaanada ayaa ah kii ugu cuslaa ee xildhibaanada Golaha Wakiiladdu isku fara saareen,waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhaawacyo soo kala gaadhay xildhibaanadii.
Dagaalkan saaka ka dhex dhacay golaha Wakiilada waxa uu ka bilaabmay muran xoogan oo ka dhashay Mooshinkii xildhibaanada Mucaaridka ahi ay keeneen Golaha oo maanta markii labada mooshin golaha laga hor akhriyay la yidhi waxa loo dhiibayaa guddida joogtada ah taasoo ay diideen xildhibaanada muxaafidka ah oo ku dooday guddidaasi inaanay ku kalsoonayn oo muran ka aloosan yahay isku badal dhawaan shirguddoonku ku sameeyay sida uu xildhibaan C/raxmaan xoog oo mikirifoonka golaha istaagay u sheegay shirguddoonka iyo golahaba.
Muranka iyo Dagaalka kadib Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan cirro ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu goluhu xidhan yahay isagoo aan cod baahiye haysan .
Ciidamada Booliiska ayaa iyana soo galay guddaha golaha wakiiladda si ay u kala qabtaan xildhibaanada balse waxba kamay suurtogalin oo xaaladii waxay ka baxday faraha, waxaana markii danbe ay sameeyeen in ay gabi ahaanba albaabada u xidhaan golaha iyaga oo la wareegay furayaashii golayaasha dibadana u saaray xoghaymihii golaha sidaasaan u golihii ku xidhmay booliskuna kula wareegay xaruntii Wakiilada .
Sidoo kale waxa rabashada maanta ka dhacday Golaha wakiilada alagu xidhxidhay weriyayaal dhowra iyo shirguddonkii Golaha qaar ka mid ah, weriyaaasha la xidhay waxa ka mid ahaa weriye khadara m cakulle, weriye c/risaq catoosh, iyo camera man c/laahi iyo weliba weriye maxamed sagax oo ka tisan wargayska Hatuf, iyadoo dhammaantood ku guda jiro hawlahooda shaqo ayaa la qabtay weriyaashan , mana soo bixin wax warar ah oo rasmiya oo sheegaya sababta loo xidhay weriyayaashan.
Sidoo kale G/G/wakilada Mr.C/raxman cirro ayaa mar uu saxaafadda la hadlayay shegay in Golihii la wareegay ciidan soona galeen ciidan aan xaq u lahayn in ay soo galaan golaha ayna qaateen furayaashi dhamaan wixii yaalayna ay la wareegeen kalana wareegeen innamadii waashmaanada iyo xoghaynta ahaa arintaas oo uu ku tilmaamay Guddomiyuhu sharci daro .
Gudoomiyuhu wuxu uu intaa ku daray in ay u sheegayaan ummadda Somaliland iyo cidda danaynaysaba Somaliland ba in golihii sharci dajinta oo labadii wiig ee u danbeeyey ba ciidan ku waageersanaa ay maanta oppression koodii ay labada wiig ay sugayeen ay fuliyeen oo ay golihii la wareegeen oo golihi aanu gacantayada ku jirin oo mafaatiixdii bil khasab lagula wareegay ayuu yidhi Gudmiyuhu.
Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in aanay xaq u lahayn in ciidamo soo galaan in ay furayaasha ka qaadaan sidoo kale waxa uu sheegay in mudanayaashi ka dareereen xarunta ba oo cid mudanayaal ah oo joogta aanay jirin .
Gudoomiyahu mar uu ka hadlaayay waxa ay yeelayaan shir gudoon ahaan wuxuu yidhi anagu hub ma haysano in aanu ummadda u sheegno oo shacabka u sheegno oo aduunka u sheegno in golihii lala wareegay oo bil khasab lagula wareegay.


saasay ugu dhamaatay dawladii Riyaale iyo wasiiradiisa bilaa macnaha ahaa.
Laga bilaabo hadan shacabka ayaa awooda la wareegi doona
UDUB waa taa xildhibanadeedi Golaha Bastooladah la soo galayan ninka Bastoolada la soo baxayna waa rag madaxtoyada laga soo diro shacabku waa fahmi kara arintan Booliska golaha la wareeegay Xildhibaanka Madaxtooyada laga soo diray ee Bastoolada sita iyo sharci diidka
Said
Hargeisa