Home » Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Fadhigii Golaha wakiilada oo si caadi ah u furmay saaka iyo Kulan danbe oo loo Ballamay Berrito.

Fadhigii Golaha wakiilada oo si caadi ah u furmay saaka iyo Kulan danbe oo loo Ballamay Berrito.

breaking-news

 

 

 

Hargaysa -(Goljano)-Fadhigii Golaha wakiilada ayaa saaka si caadi ah u furmay, fadhigan Saaka oo Si nabad ah oo bilaa buuq ah u furmay  ayay ka soo xaadireen xildhibaano aan weli tiradooda rasmiga la shaacin maadama loo diiday saxafadda inay galaan Gudaha xarunta Golaha wakiilada, Xidhibaanada Yimi xarunta ayaa si caadi ah u galay madasha shirka iyagoo si caadi ah u maray wadaduna furnayd oo wax ciidamo ah oo joojinaya dadka iyo gaadiidkuna aanay jirin .

waxa iyaguna xarunta golaha wakiilada yiimi dad aan tiro badnayn oo eegayay sida xaalku yahay iyo bal in is hortaagii xildhibaanadu jiro iyo inkale .

Fadhigii golaha ee maanta oo jawi degan ku socday oo aanay xattaa dhexdooda wax buuq ahi ka jirin ayaa waxa yimi xarunta wakiilada ergadii Salaadiinta Somaliland ahayd ee ku hawlana dejinta iyo xalinta khilaafka golaha iyago markii ay galeen madasha shirka ka codsaday Shirgudoonka iyo wakiilada in ay xidhaan fadhigooda maadama oo ay wali ku dhex jiraan Dhexdhexaadinta fadhigana si caadi ah berri u furtaan codsigaa Salaadiinta oo ay aqbaleen Shirgudoonka iyo xildhibaanada labadubaayaa maanta lagu soo xidhay laguna soo gabagabeeyay fadhigii.

Ugu danbayntii  jawigii saaka ee Xarunta Golaha wakiilada ayaa ahaa mid caadi ah oo ka duwan kuwii hore ee maalmihii u danbeeyey looga bartay xarunta ,waxaana aan ku sugnayn xarunta ciidamadii faraha badnaa ee xukuumadu hore u soo dhoobtay xarunta.

waxa laga war dhowrayaa waxay       ku dhammeeyaan salaadiintu xalinta muranadan siyaasadeed ee ka dhex taagan baarlamaanka iyo kalfadhiga Golaha ee Berrito.

 

 

Reported by

Mustafe Osman A/rahman

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 14th, 2009 and filed under Articles, Featured, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply