Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Fanka & Fannaanka: Taariikhda Fannaankii Caanka Ahaa Salaad Maxamed Shardi

Fanka & Fannaanka: Taariikhda Fannaankii Caanka Ahaa Salaad Maxamed Shardi

dd

SALAAD MAXAMED SHARDI  SALAAD DERBI…wuxuu fanka ku soo biiray ka hor ahmed cali cigaal wuxuu  si caadiya u bilaabay fanka sanadku markuu ahaa 1963 julay  isaga oo yar oo jiray 13 sano  salaad heesihsii hore hada dhegaysato amba dhegaysataywaxaa uu cod kiisu u ekaa gabadh maxaa yeelay wuxuu ahaa nin yar oo caruur ah hadaba isaga oo sidaa u yar maxaa ku kalifay in uu gala fanka.

Hadaba salad wuxuu ahaa markuu yaraa nin jecel fanka xitaa markuu ku jiray dugsi quraanka oo uu jiray 8 dee sano wuxuu ahaa qof u hanuunsan fanka oo wiii loo sheegabasidii heestii ugu luuqaynaya  xita marka macalinku uu yiraahdo akhri ALIF  wuxuu u akhriyi jiray sidii heesti oo kale ama ugu luuqayn jiray hadaba yaa ku soodaray Derbi fanka Derbi siduu u dhiganayey kulaajada ayaa waxaa la baray nin ka la yiraahdo SHIIKH   HALOWLE   waxaan baray nin  kuleejada uu Derbi dhigto ka ahaa kaabo markaa waxaalaga qaaday imtixan ku saabsan xaga heesaha   uu ku eegayey  HilOWLE   in  Derbi uu heesi karo kabacdi wuu ku gudbay markaas waxay u ka xeeyeen idaacad meesheedii oo ay ahayad JULY 1 deedii oo ahayd meel ay soomaali oo dhanisugu imanayso xitaa madax waynihii xiligaa xukumayey somaliya AADAN CADE oo laagu dabaal degayay maalintii XORNIMADA  SOMALIYA  ama MAALINTII WAQOOYI IYO KONFURI IS RAACDAY markaas Derbi halkaas buu ka heesay waan la jeclaaday wiilkaa yar oo heesaha sida uu ugu luqaynayo aan dadka wawayni kari Karin xitaa Derbi wuxuu yiri marka aan ka heesayey meeshaa  waxan gaadhi kari waayey mingirafoonka uu ku heesayo oo waxa lay dhigay mijilis aan u boxo  markaa waxaa la oran karaa Derbi maah nin ciyaar ciyaar uga soo dhex baxay bulshada somaliyeed  waxayna u ahayad taariikh fiican uu aadan ugasha xasuustiisa maalintii loo dabaal degayay xurnimada wadankiisa isaguna uu ku soo baxay oo uu kunoqday fanaan can ah  isla markiiba derbi waxaa qadatay idaacadii xiligaa ka jirtay somaliya isaga iyo MAXAMED CALI KAARIYE  IYO DEGJAR IYO KUWA KALEBA  ilaa iyo 1965 tii ayaay  u shaqaynayeen idaacad ilaa iyo markii laga sameeye  KOOXDII WAABERI  oo ahayd markii laysku daray kooxdii muqdisho iyo kuwa waqooyi loona bixiyey  WAABERI  1968 derbi wuxuu la heesayey magool heesta magaceeda la yiraahdo DALMAR waa heesi hii ugu horeey ee uu qaaday una jeclaa Riwaayadihii uu ka qaybgalay waxa kamid ahaa  QABRIGII JACAYLKOOW  XUSKII JACAYLKA IYO qARKALOO BADAN  Derbi lama soo koobi karo riwaayadihiisa iyo heesihiisa intani waa intii carabkiisa so qabtay hadaba hadii uu yahay Derbi nin ilaa iyo xiligaa soo waday fanka oo can ah  debeecadiisu waa side mar uu  Abwaan Sangub wax ka taabtay dabeecada Salaad Derbi wuxuu yiri waaFanaan kaan ugu jeclahay Fanaanada somaliyeed salad Derbi waa nin  qaboow   nin wixiisa dhan ku dhamaysata sabuur dheerad ah oo aan Fanaand lahana hadaba goormaa magacan uu salad raacay  DERBI  ma waxaa loo bixiyey intu ahaa Fanaan ka mise ka hor Salaad wuxuu yiri anaa yar oo iskuulka dhigta baal wxaana iibixiyey MACALINKISII  yaraantii dadka qaar waxay yiraahdan waxaa Salaad loogu bixiyey Derbi wuxuu aahaa  nin seexada Derbiyada lakiin salad sidaa maah buuyiri ee waxaa lagu bixiyey waa dhega adkaa markaa sidaa darted baa laygu bixiyey DERBI hada hadii Salaad u ahaa nin dhega adag xaga dugsida aan wax udhicin qalbigiisa seedee buu ula keenay marka uu Fanka galay oo aanay xiligaa weliba jirin farsoomalidan aynu hada wax ku qoraa Salaad wxuu yiri xaga  heesu iguma adkayn marhadan dhegayso waxaan ugu dhegi jiray sida computerka oo kale marlabaad umaan baan jirin lnaan dhegaysto hadaba hadii uu Derbi ka dhex muuqday bulshada somaliyeed sidee  buu arkayey xayse ula muuqdeen isaga horta somalidu way jeclayd Fanaaniiteeda Fanaaniintuna way jeclaayen shacabkooda lakiin Salaad wuxuu yiri anigu waxaan ka jeclaa bulshada somaliyeed may jirin ilaa iyo hada oo aan qurba joogona waxaan ka jeclahay ma jiraan ciday doona haadeen qabiilkay doonan ha ahaadeene waxay ahaayeen dad isku mid ah   hadaba salad sidaa uu u jeclaa umada somalyeed miyuu ujeclaa fanka haa waa uu jeclaa fanka lakiin Salaad wuxu yiri weligay iskuma lahan jirin Fanka oo isman oran jirin kushaqayso Fanka ee waxaan tijaabin jiray wax yaabo kale waxaa jirta mar uu Salaad uu ka baxay kooxdii Waaberi oo uu aaday sacuudiga oo lays lahaa Salaad   wuu ka baxay Fanka hadan uu dib ugu soo labtay oo uu yiri kama bixin fanka waam nasanayay Fanaan walba iyo Abwan walba oo heesa ama sameeya hees waxaa badan kooda soomaray jacayl dhab ah oo ay ka heesen  Salaadana waxaa ugu jirta Taariikhdiisa hees uu u qada jacayl dhab ah oo ku dhacay heestuu u qadayan waxaa la oran jiray  CEEL BUUR  dadka qaar waxay yiraahdaan heestu waa CEEL BUUR KUYAAL  lakiin isagu sidaa kama uu wadine wuxuu ka waday Ceel buur magalada la yiraahdo waxaan deganayd gabadh uu Salaad derbi jeclaa markaa sidaa darted buu ugu soo hal qabsaday Ceel buur  xitaa waxaa dhacday in Abwaan HADRAAWI uu ku yiri mar isaga iyo Salaad iyo kuwa kale oo ka mid ah Fanaaninta iyo abwaanada soomaaliyeed maruu kujiray iskaa wax u qabso somaliya ay dhisayeey iskuul ku yaal Baledwayne oo la yiraahdo DHAGAXTUUR ee ahaa Sekenderiga ay joogaaan buu ku yiri Hadraawi Salaad waxaan samaynayaa hees kale oo u dhiganta Ceel buur oo ku saabsan Beled wayne qaad markaa Salaad wuu ku diiday oo wuxuu yiri  Anigu Ceelbuur waxaan kalahaa dan sidaa darted baan ugu soo hal qabsanayey Ebalad wayn hees ay ku jirto  qaadimaayo BELEDWAYN markii la soo laxan gareeyey oo musig la saaray waatiilaadhiibay XASAN AADAN SAMATAR uuna ku soo baxay Salaad intuu fanka ku jiray wuxuu la dhigay gabadho badan markaa mar la waydiiyey Salaad in uu wax ka xasuusto kuwu ugu jeclaa gabadhaas wuxuu yiri kuwii hore waxaan ugu jeclahay maandeeq iyo magool maxaayeelay waqtiyo badan baanu wada dhignay Riwaayado heesan wada qaadnay Riwayadii ugu danbaysay waxaa la dhigay somaliya SAADO CALI IYO MAANDEEQ SAlaad wuxuu yiri kuwa hada ah ima dhiiriyo fankoodu amaba qaabka ay u wadaan muusigada mar lawaydiiyay waxa u dhexeeya fankii hore iyo kan hada ah wuxuu yiri kii hore wuxuu ahaa mid dad badani isugu tagaan soona wada saaraan laakiin kan hadda  hal qof iyo halgitaar  markaa dhadhan malaha buu yiri Derbi wuxuu yiri iga gaadhsiiya dhambaal dadka soomaaliyeed meelkastoy joogaan inta dhimatayna ilaah ha u naxariisto waxaana idiin rajaynayaa inaan nabad iyo caafimaad isku aragno insha allah ..

 

mahadi haka gaartee waxaa waxaan u mahad celinayaa dhamaan dadkii gacanta iga siiyay

ilana diyaariyay .

 

By Saciid Xuseen Xaashi (Saciid-Xarawo).

Suuriya -Dimishiq

saciid122@hotmail.com

 

Shabakadda Goljano.com wehelkaada ha ahaado marwalba….

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply