Home » Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, News » Fanka iyo Fannaanka: Khadra Daahir Cige iyoTaariikhdeedii Faneed.

Fanka iyo Fannaanka: Khadra Daahir Cige iyoTaariikhdeedii Faneed.

Khadra Daahir Cige

Khadra Daahir Cige

Akhyaartayada Qiimaha iyo Qaayahaba naga mudanow waxaad ku soo dhawaataan Barnaamij ku saabsan Fanka iyo Suugaanta, Barnaamijkan oo aanu si gaara ugu magac bixinay ama aanu ugu waqlalnay Fanka iyo Fannaanka, kaasoo ka hadli doona ama aanu wax kaga xusi doono Taariikho kooban oo ku saabsan Fannaaniintii caanbaxay kuwa imika iyo waliba Fanka guud ahaantiisba. waxaana innoo soo diyaariyey Wariyaha Goljano Media sidoo kalena ah Fannaan da’yar waa Saciid Xuseen ( Saciid-Xarawo), oo deggen Suuriya Caasimaddeeda Dimishiq. Waxaanu Barnaamijkanna uu ku soo qaadanayaa Fannaanadda Caanka ah ee Codka halaasiga ah leh Khadra Daahir Cige. Waxaanu ku bilaabay sidan:

 

Khadra Daahir cige… waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas ayey ku bar-baartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii, siday Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay Waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha, heestii ugu horeysay ee ay qaadaanaa waxay ahayd hees Waddani ah oo uu sameeyay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda Carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Waxay ahayd sannadkii 1972-kii, waana heesteedii Curad ee u balaysintay heesaa-nimada ay Khadra qaniga ku tahay, heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa:

 

Hawl iyo dadweynoow,

Hantidoon wadaagnaa

Waa horumarkeeniyo

Hido aynu leenahay,

Hayaan baa la gelayaa,

Haka hadhine soo raac.Khadra Daahir, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ahaa bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen.

Saalax Qaasim oo aad ula dhacay Codka inantaa yar, ayaa Madaxii Idaacadda Raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato, iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa, waxay tidhi “waxaa la ii geeyay Allaha
¢u naxariistee Ismaaciil Yare, Huuryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna igu yidhaahdeen hees kale maqaadi kartaa, waxaan qaaday hees kale oo iyana Hees ay Sahra Axmed qaado.”

Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii, habeen habeenada ka mid ah ayay Khadra ka qayb-gashay Xaflad, waxayna halkaa kula kulantay Fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado Fannaanadda Sahra Axmed.


Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii Waaberi, iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay Riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay DAB JACAYL KARI WAA, oo kamida Ruwaayadaha Soomaalida kuwa ugu horreeya uguna Caansan Curiyeyna Abwaan Xassan X.C/laahi (Xassan-Ganey).


Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta Heesaha Jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay Masraxyadihii kala duwannaa ee Fanka Soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo Soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba.

In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan BOQORADA JACAYLKA. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin;

Afka lagama sheegtoo,
Adigoon Jacayl arag,
Looma uur xumaadee,

Intuu soo abraarruuHeestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaaday.aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay Fanka bilowday waxay tidhi “ Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa I jiidanayay jacaylka aan u qabay Fanka.
Marka laga tago Riwaayadii la odhan jiray DAB JACAYL KARI WAA oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd, waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday Riwaayad la odhan jiray JINNI IYO JACAYL oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulweynaha Soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay), hase yeeshee heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay Abwaan Maxamed Cali Kaariye (Illaahay ha
u naxariistee). Mar ay arrintaa ka hadlaysayna, waxay Khadra tidhi: “Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii bulaale iyo Herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay”Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud-dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay, taas oo ku yeelatay saamayn dhinaca cishqiga ah Kharda lafteeda “Heestaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay. Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay.

 

Haddaba Khadra Daahir Fankeedii, iyadoo aan lasoo koobi karayn, waxa aanu Milicsanay in aanu intaa Kooban kasoo qaadano, intaasoo waliba Saxaafadda Somaliland ka diyaarisay Mar ay Hargeysa, Booqasho ku timi.

 

Inkastoo Fannaanaddu imika ay joojisay Fankii, una Baydhay Dhinaca Diinteena Suuban ee Islaamka iyo Barashadeeda, ayaa waxay wakhtigan xaadirka ah inta badan ku nooshahay Qurbaha, iyadoo Fannaanadu aad uga deyrisay nolosha qurbo-joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka Soomaalida. Waa meel aanad cidna ka garanayni. Dhibaatooyinka qurbaha nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday” ayay tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.

Akhyaartayad Qiimaha iyo Qadarintaba naga mudanow, waxaan idinka raali galinaynaa haddii aanu wax badan ka tagnay taariikhda ballaadhan ee Khadra Daahir Cige, waayo halkan laguma soo koobi karayo, waxaanan intan kooban uga jeednaayoo kaliya si aan looga xuubsiiban Xayndaabka Fankeena iyo Taariikhdiisa.

 

Haddaanu nahay Bahda Goljano Media, waxaan idinka Codsanaynaa idinkoo naga raaliya haddii aad Taariikhdii Fannaaniinta Soomaalida waxuun ka haysaan, inaad noo soo dirtaan. Si aan u xusno.

 

Mahadsanidin.

 

Source: Goljano

Diyaariye:Fannaan Wariye Saciid Xuseen Xaashi (Saciid-Xarawo)

E-mail: Saciid122@hotmail.com

Dimishiq, Suuriya.

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 15th, 2009 and filed under Articles, Fanka & Suugaanta, Featured, News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply