Faysal Cali Waraabe Iyo Maansadiisii Fallaadhi Gilgilasho Kaagama Fuqdo.
Mar haddii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Maciinsadan Maansadan Qiimaha badan ee ay Erayadeedii ka mid ahaayeen kuwan:
Tan anaa ka diigoo
Gabigeed danbaabee
Dawo kale ma haysaa
Marhadan nin door xidhay
Daalalay sameeyiyo
Gaariyana isdaba dhigay
Sheekhiina dooh idhi
Tolow yaa danbeeyoo
Baritana la soo diri
Duqaydii dhulkeeniyo
Golayaashu duug male
Docdayday ka buuxaan
Doolarkiyo xisaabtiyo
Doonbarada qaataan
Maydinkaa wax didin kara
Dadkan seexday kicin kara
Danahooda fulin kara…… Halkan Guji Maansada Oo Dhamaystiran.
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Markuu arkay Halka ay Wax marayaan ayaa isagoo Dabinta qaniinsan waxa u ka tiriyey Jiiftadan ay Erayadeeda ka mid yihiin kuwan:
Nabar baa i gubayoo
Gocashaa i jiiftoo
Gorod lulasha mooyee
Gundhin waayay madaxii
Gacal aan u qayshiyo
Guri aan ku hiiliyo
Gacan saarki iga dhimay
Gafkan aan tirsanayiyo
Godabtana ninlihi diid
Garaad-maalayashiyo
Guurti aan u geeyiyo
Geedkiyo ragiisii
Isna waa galgalin madhan………..Halkan Guji Maansada Oo Dhamaystiran
Markii Labadii Guddoomiye uu midba Meel ka Fad kudiyey Maxaad ka filan kartaa Guddoomiye Injineer Faysal Cali Waraabe inuu isna lamaro Maansadiisan Gole ka fuulka ah, waxbaba ha is daaline waa tan Maansadii Faysal Cali Waraabe ee Akhris Wacan, Waxaanu ku bilaabay sidan:
Waxa faraska nadigiyo
Usha loogu fiiqa
Inuu sii fogaadoo
Nasigana ka fiigee
Maantana fagaaraha
Fuulmadeeda geenyada
Firfircooni dheer iyo
Faaliyo war guunnaan
Fal-kinteeda maansada
Farasaarayaayoon
Fahamkeeda sheekada
Ficillaan ku darayaa
Inaan feedha saaroon
Ku tilmaamo farihiyo
Halka falaga lagu wado
Fiirsiga dushaydiyo
Foolkiyo garashada
Galool laamo fidiyoo
Ubax food ku yeeshiyo
Waxaan ahay filow goba
Ingineer farshaxanimo
Farsamada yaqaanoo
La faduulin baan ahay
Gaallada fartoodiyo
Dabcigooda fara badan
Cidla kama fadhiistee
Yurub foognideediyo
Finland waan ahay
Faasiqnimo umaan dhalan
Furqaantii Illaahiyo
Salaadiyo faralkana
Kama faranfardaynine
Intaa waan u faydnahay
Faraqaaan ku haystaa
Fulaynimo umaan dhalan
Daacaddaan ku foofaa
Dulmigaan figeeyaa
Kuma foogni noolaha
Kama tago facaygiyo
Filka kii ileeg iyo
Fikirkiyo aragtida
Kuma faaqo noolaha
Kuma caayo foolxumo
Afarta falaadhiyo
Furihiiyo guushiyo
Faataxo ku magacow
Fa’da kale waxay tay
Feejignaantu waa daw
Inaan fiiro yeeshoon
Marba foodhi dheeriyo
Qaylada fogeeyoon
Fagaaraha ka sheegaa
Necbiyaa faraaryaha
Iyo kala faquuqiyo
Qollo food la saariyo
Tolka faaladiisoo
Jecliyaa filaanshaha
Marna waa faruur xidhan
Ciidagalle ka faankiyo
Guuleed fac joogsigu
Komeshanka anna fura
Jilibkay u foodalla
Inay ii fadhiistaan
Kuwa kale fogayntuna
Ficil weeye igu jira..
Fooriyo marbaan ahay
Sida roob faraaciya
Marna waqal fogaadiyo
Fadadkoo is dhaafiyo
Mahiigaan furmaan ahay
Marban faraska dirirtana
Duulaanka fuulaa………
Fulaynimo marbay kali
Farax ii ahaataa…..
Faqash iyo gugeedii
Taariikh filaataa
Fayl laygu haystaa
Falaadhina gilgilashada
Kaagama fuqaysee
Ficilkaa dhankaygii
Ku firee halkiisaa………….
Maantana falkaan gabbay
Inaan guddo faciisaan
Farxaanow tuhmaayee
Fajac yaanay kula noqon
Fooraraa nasiibkii
Fuclo orodka waa wali
Faahfaahin qodobada
Fadhi kuma idhaahdee
Marbaan gole ka fuulaa
Feedhahayga hoosiyo
Waxaan uurka kula faqo
Faruuryaha ka sheegaa
Koonfur waan fogeeya
Ina geele uma furo
Cabdulaahi taan faray
Ku fatahay ayaan hore
Feedhahay ku taala
Ku fogeeyay nabarada
Xaajigan ma fiirsade
Faralaawe waa wali
Faalkiisi muu iman
Xagayaga faduul hore
Fariid uu na yeela
La fooganyahayoo
Xisbiyada furba galay
Kurtin fiiqan ba jira
Fin baxaaya baa jira
Foocfoca so kaca
Qolaftaan ka fiiqna
Fadhi baanu talina
Xagna farsamo kale
Udub fooladayntiyo
Faadhumaysigaygiyo
Furahaan ruxruxaya
Fijaanaan u dhigaya
Inuu faran ku soo dhaco
Kulmiyaan filaanshaha
Fooradiisa leeyahay
Yay kula fogaanine
Goobaley faraha gali
Ku filow halkaagoo
Firfircooni laba raac
Farajkana alla qray
Fodkana sidaan qabo
Rajo waan ka filayaa
Ii furan halkaasina
Dhamaad.
Naxli kuma jiro waa uun Kaftan iyo Xifaaale.
FG: Haddii aad wax saluug ah ku aragtaan, ama aad u baahataan ibo bixin dheeraad ah, Fadlan waxaad lasoo xidhiidhi kartaa Abwaan Qol-qol.
Waa Eraydii Abwaan Mawliid Aadem Qol-qol
E-mail: Qolqol3@hotmail.co.uk
London, UK.
&
Diyaarintii C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu Hurayra)
E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland


