Golaha Wakiilada S/Land Oo Maanta Soo Dhigay Labo Mooshin Oo Xilka Xayuubin Ah.
Hargaysa(Goljano) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxa ay shirguddoonka ugu kala gudbiyeen laba Mooshin oo ay labada kooxood ee Mucaaridka iyo Muxaafidku kala wateen,kuwaasoo kala ah Mooshinka Mucaaridku ay soo dhigeen oo ah in
Maamuuska laga xayuubiyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Mooshinka kale ee ay xildhibaanada Muxaafidka ahi ay wateen oo ah in la furo Xeer Hoosaadka Golaha si ay wax uga bedelaan tirada xilka lagaga qaadi karo Shirguddoonka Golaha
Fadhiga maanta oo ay fadhiyeen 71 xildhibaan waxa laga hor akhriyay golaha warbin ay isla soo gaadheen guddidii loo saaray xalinta khilaafkii Golaha ka aloosnayd maalmahanba oo ay sheegeen inay qabyo tahay oo ay dib isugu noqonayaan balse waxa iyadoo hadalkii la wado markiiba meesha ka soo ifbaxay
Mooshino la isla gaadayay, waxaana ugu horeyn Golaha soo hordhigay Mooshinka maamuus ka xayuubinta 38 xildhibaan oo ah Mucaaridka, halka 38 xildhibaan oo kale oo Muxaafidka ahina ay Mooshin ku lidiya Shirguddoonka ka soo dhigeen
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somalilnad C/raxmaan Max’ed C/lahi oo Guddoominayay fadhiga Maanta ayaa labada Mooshinba ka hor akhriyay Golaha waxaanu u gudbiyay la taliyaha Sharciga ee Golaha si uu u soo darso Golahana uu ugu soo celiyo muddo 24 saac gudahooda si loo gudda galo in laga doodo.


