Google – Dhakhtar guriga kuu jooga?

Google ama Wikipedia, dhakhaatiir badan baa ka dabiiba dadka buka , daraasad jadiida oo la shaaciyey ayaa lagu sheegey sidaa.
Sanadii tagtey ayaa aabo degen Stockholm wuxuu dacwad kusoo ogey dhakhatiir, kadib markuu ka argagaxey falka ay ku kaceen dhaqtaradu.
Mar uu abuhu geeyey isbitaalka wiil 5jira uu dhaley oo xanuunsanaa ayaa dhakhtarkii markuu fahmi waayey cudurkii wiilka yar hayey uu bilaabey inuu xal ka raadiyo google oo uu uga sii gudbey wikipedia, markuu halkaa ka ogaadey cudurka wiilka haya, intuu daabacey ayuu u dhiibey warbixintii odeyga, oo wuxu ku yidhi dawooyinka halkan ku qoran u iibi wiilka xanuunkasa hayee, hada kadibna sida halkaa ku qoran uga war hey, aad buu aabihii arintan uga xanaaqey oo wey u cuntami weydey intuu ku tuurey warqadii ayuu dhaqtar kale u tagey kiina tabtii ayuu yeeley oo google ayuu dabiibki ka helay, tiina fajac iyo amakaag ayuu aabuhu ka qaadey,intaa ka gadaalna wuxuu heley dhaqtar anfaca oo tabtu rabey u daweeya wiilka, hase yeeshee abihii ayaa dacwad ku soo oogey dhakhatiirtii dabiibka ka doontey google iyo wikibedia .
Dhakhaatirtan dacwada lagu soo oogey ayaan aheyn kuwa kaliya ee xal ka raadiya google ama wikipedia.
Wadanka Mareykanka ayay ka dhacdaa xataa oo Wasaarada caafimaadka ee Mareykanka ayaa u dirtey iney soo hubiso arintan shirkada Manhattan Research, jawaabtiina waxey noqotey in 50%(boqolkiiba konton) dhakhatar wikipedia ama google u isticmaalaan si ay u xaliyaan howlaha caafimaad oo ay caado u noqotey.
New England Journal of Medicine ayaa shaaciyey isna daraasad tibaaxeysa in laba dhakhtar oo dhashey Ustareeliya ay muujiyeen in google 58%(boqolkiiba sideed iyo konton) uu sax yahey cudur baadhistiisu.
Daraasado badan oo la sameeyey ayaa waxaa ku xardhan in wikipedia warbixinta daawoyinka ee ku jirtaa sax tahey taas oo yaab keentey maadama qof kastaa uu wax ka badali karo wixii ku jira wikipedia,lakiin waxaa daraasadahaa lagu ogaadey in shirkadaha daawoyinka sameeyaa ay warbixinta daawadooda wax ka badalaan, sida saameynta xun ee ay yeelan karaan daawoyinka qaar waxaaney ku badalaan hadalo amaanaya dawadooda.
Dhacdooyinka caalamka,Goljanomedia
Jamaal Halkaraan
Scandinavia Sweden
I

