Guddomiyaha Gobolka Sool oo ka dayriyey xaalada abaareed ee G/Sool (waraysi)

Laascaanod -(Goljano)- Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa ka dayriyay abaaro ba,an oo ka jira dalka guud ahaan gaar ahaan gobolka sool ayuu sheegay Gudomiyuhu inay halis ugu jiraan dadyow aan tiradooda la qiyaasi karin inay halis tahay hadii aan gargar deg deg ah lala soo gaadhin ay saamayn weyn ku yeelaynayso.
Gudoomiyaha Gobolka sool waraysi uu siiyay shabakadaha wararka ee Holhol.net iyo Goljano media ayaa udhignaa sidatan:-
S: Gudoomiye xalaada abaareed ee ka jirta gobolka waa mid caynkee ah?
J: Run ahaan gobolku waa uu wanaagsan yahay hase ahaatee waxaa guud ahaan gobolka ku habsatay aabaar ba’an oo aan kala goboladu la qabin. Iminka waxaan isleeyahay haddaan deg-deg gargaar lala soo gaadhin waxaa halis ah in dhimashadu badanayso dadkuna halis bay ku sugan yihiin, markaa waxaan leeyahay dawlada, dadwaynaha, hay’adaha caalamiga ah iyo weliba jaaliyadaha qurbo-joogga ah in dadka deg-deg loola soo gaadho gargaar.
S: Abaaraha goobahee ugu daran baahida ugu ba’an ee ka jirta ma dhinaca biyaha mise baadka?
J: Horta biyo sida loo helaa way adag tahay dadkani 20% ayaa hela meelo tiro yar oo ay biyo ka cabaan sidaasasay tahay boqolkiiba boqol dadku waa liitan.
S: Ma jiraan hay’adaha ama cid kale oo gargaaar soo gaadhsiisa?
J: Ma jirto balse waanu sugaynaa Inshaa allah dadkuna wax u gargaara ayay donayaan wakhtuguna wuu ku adagyahay reer guuraaga siiba.
S. Gudoomiye maamul ahaan maxaad u fidiseen dadka tabaalaysan ee abaaruhu maasheeyeen.
J. anaga talaabada kaliya ee nooga furan waa in aanu qaylo dhaanta gaadhsiino dawlada iyo hay,addaha samafalka.
Wariye Cabdiraxmaan Cabdisamed axmed
Goljano Media
Laascaanod / Somaliland

