Guddoomiyaha Guurtida,Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe oo siyaabo kala duwan uga hadkay rabshadii ka dhacday Hargeysa
Hargeysa (Goljano) Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Max’ud Aadan ayaa falkii maanta ka dhacay hargeysa uu sheegay inuu ka dhashay badhi fur lagu sameeyay isku soo dhaweyntii ay shalay soo sameeyeen waxaanu hadal uu maanta saxaafada siiyay ku yidhi “may ahayn in shacabka durbaan been ah loo garaaco,manay ool meesha wax isu soo bax shacab loo abaabulaa mar haddii aanu annagu is xilqaanay(Golaha guurtida) oo dhexdhexaadinaynay labada dhinac,kuna soo guuleysanay in dibloo furo golaha”.
“Dhexdhexaadintaas aanu isu xilqaanay ee weliba guusha noogu dhamaaday waxa dhegaha ka furaystay kuwa xumaanta wada,ee raba in dalkani burburo,shacabkana ugu baaqay inay isu soo baxaan, burburkay inala rabaan wejigiisii koowaad waa inagaa aragna saaka. Balse in sidaas looga hadho maaha ee waa in sharciga la hor keenaa dhamaan ciddii ay ku cadaato inay abaabushay,in kstoo ayaamahanba qaar ka mid ah masuuliyiinta dalku shacabka kicinayeen,baaqyona warbaahinta u marinayeen oo cadaymahaas oo maqal iyo muuqaal ahba la hayo”.
Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gebogabeeyey in ragga guryaha hoostooda mu’aamaradaha ka soo maleegayaa iyagu banaanka u soo baxaan, khilaafaad kasta oo jirana miiska wada hadalka laysugu yimaaddo,shacabkani wuu ka daalay dagaalo iyo colaad,mar dambena u dagaalami maayaan shaqsiyaad danahooda gaarka ah wata
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Siilaanyo ayaa isna eeda dhibaatada dhacday dusha ka saaray Madaxweyne Rayaale waxaanu sheegay ishortaaga uu golaha wakiiladda ku sameeyay inay ka dhalatay wax dhacay, waxaanu madaxweyne Rayaale u soo jeediyay inuu faraha ka qaado shaqada Golaha Wakiiladda
Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa isna sheegay inaanay shaqo ku lahayn waxa ka dhacay maanta Hargeysa oo uu sheegay in laga leexiyay majarihii ay ku socdeen, waxaanu shacbiga ugu baaqay inaan laga faa’iidaysan dhexdooda oo ay joojiyaan rabshadaha.


