Guddoomiyaha Jaaliyadda Germany Mr Dhacsi Oo Baaq & Tacsi U Diray Reer S/Land
Anagoo ah jaaliyada somaliland ee germany, waxaanu tacsi tiiraanye leh
u diraynaa dadkii ku dhaawacmay kuna dhintay, rabshadihii kadhacay
magaalada hargaysa,anagoo aad uga naxsan arintaa gude iyo dibadba
saamaysay,waxa ayaan daro ah waxa ay u xalin waayeen ama uga
hortagi waayeen,cuqaashii,culamaa u diinkii,salaadiintii, aqoonyahankii
iyo wax garadkii.
waar mawaxaad xalin kari waydeen,khilaafkaa wadanka hadheeyay
oo aad ka khaldan runta ugu sheegi waydeen.
waxaan shacbiga somaliland u sheegayaa inaydaan gacantiina ku burburin
nabadii aad intaas oo sano kusoo caano maalayseen,waxaa maanta idinla haboon
inaad si wanaagsan u fikirtaan oo aad kala saartaan ka saxsan iyo ka khaldan
maanta waxaa la gaadhay xiligii aad wax kala saari lahaydeen nimankaa isku kiin
dul haysta,idinkoo maanta eegaya masuuliyadaa maanta wadankiina idinka saaran
waxaan talo idiinku soo jeedinayaa,inaad ku fikirtaan mustaqbalka wanaagsan
ee uu wadanku leeyahay oo aad si wayn u ilaa shataan nabad galyadiina
dhalinyarada somaliland waxaan leeyahay idinkoo sugaya inaad majaraha
wadanka qabataan aan laydiin adeegsan inaad gacantiina ku bur burisaan
waa inaad runta u sheegtaan cidkasta oo khaldan waa in aad idinku odayaal
ka noqotaan,ilaalinta wadanka.
Guddoomiyaha Jaaliyada Germany
Mohamed Hussien Dhacsi
Tell:004915224495047


