Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Guddoomiyaha Jaaliyadda S/land Ee Germany Oo Beeniyey War Ay Soo Daabaceen Website-yada Qaarkood.

Guddoomiyaha Jaaliyadda S/land Ee Germany Oo Beeniyey War Ay Soo Daabaceen Website-yada Qaarkood.

Mohamed Hussien Dhacsi

Mohamed Hussien Dhacsi

Germany (Goljano) Mar aanu u kuur galnay Xaqiiqada ka jirta Wararka Sheegaya in Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Germany uu ugu Baaqay Muwaadiniinta Jarmalka ah ee dhalasho ahaan kasoo jeeda kuna sugan haatan Somaliland in ay Deg deg uga soo baxaan Dalka, Dibna ugu noqdaan Germany, isagoo ku sababeeyey Xagga amaanka oo sii wiiqmaya,  ayaa waxaanu la xidhiidhnay isla Guddoomiyaha Jaaliyadda Mr Maxamed Xuseen Dhacsi oo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Germany, Waxaanu Guddoomiyuhu issagoo arrintaasi ka hadlaya aadna u cadhaysan uu Shabakadda Wararka ee Goljano Media u Xaqiijiyey in Warkaasi uu yahay mid laga been abuuray, oo Sal iyo Raad toona aan lahayn. Issagoo noo caddeeyey in aanay jirin wax Bayaan ah oo kasoo baxay Jaaliyadda. Waxaanu Guddoomiyuhu uu kusoo koobay Burinta Warkaasi Warsaxaafadeedkan oo uu isla Caawa nasoo gaadhsiiyey, kaasoo u qornaa sidan:

Waxaa  wax laga xishoodo ah in websiteka  Gebilay.net  noqodo mid dadka ugu kala adeega xumaanta oo lagu shaqeysto, Isagoo warka uu soo tabinayo loo soo dhiibay ee aanu eegin Milgihii Saxaafada ama halka uu ka  keenay warka aan sal iyo raad dootana lahayn ee uu maanta oo ay taariikhdu tahay 2/09/09 oo yidhi Gudoomiyaha JSL ee Germany oo ugu Baaqey Jaaliyadda Somaliland iney sida ugu dhakhsaha badan uga soo baxaan Somaliland waxaan aad uga xunahay in website la soo adeegsaday waxaa soo qoro anagu waxaanu  nahay jaaliyada shacabka somaliland oo dhan u adeegta xisbina ma taageerno siyaasadana kama hadalano

Hadaba waxaan dhamaan shacabka somaliland ee nabad jecel u sheegayaa inaan jirin wax bayaan ah oo ka  soo baxay jaaliyada ee uu yahay been abuura ay niman dano kale leh u soo adeegsadeen websiteka gebilay.net.

Waxnaan websitekau sheegayna inay  si degdeg jawaab uga bixiyaan halkay warka ka keeneen iyagoo ka gudbay milgihii saxaafada ee la adeegsaday waxnaan leeyahay nimanka gabanaya ee soo adeegsanaya inamada saxaafada inay iyagu is cadeeyan waxba yaanay gabanee waxnaan shacabka somaliland ugu hambaliyaynaynaa sidii nabad geliyada lahayd ee ay dareenkood u muujiyeen ee nabadood u ilaashadeen iyagoon hal askri dhagax ku tuurin waxnaan saddexda xisbi qaran u baaqayanaa inay muranka wada hadal ku dhameeyaan soona afjaraan khilaafadka dhexdood oo dalka badbadiyaan si ay doorasho xalaal oo xor ah inoogu dhacdo

waxaanu beeninaynaa,qoraal been fariina oo la soo galiyay web site Gebilay.net, waanu soo helnay ninka waxan ka danbeeyay,meesha uu joogo iyo lineka uu isticmaalayba, waxaananu la tiigsanaynaa, Maxkamed haday noqoto wadanka gudihiisa iyo Germany-ba.


Waxaanu uga digaynaa Websiteyada Somaliland inay iska hubiyaan waxyaabaha foosha xun ee ay soo qorayaan dadka xumaanta iyo khalkhalka jecel,  markastana jecel inay dadka
sii kala fogeeyaan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Germany

Mohamed Hussien Dhacsi

inadhacse@hotmail.com

Tell:004915224495047

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 2nd, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply