Home » News, goljano Latest News » Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed-Siilaanyo OO Maanta Dalka kusoo Laabtay

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed-Siilaanyo OO Maanta Dalka kusoo Laabtay

.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Gegeda diyaaradaha ee Egal International ee Airport ee Magaalada Hargeysa,kadib markii uu ka soo laabtay Socdaal qaatay muddo laba bilood ah oo uu ku marayey qaar ka mid ah wadamada Yurubta iyo wadamo badan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden, Norwey.

Axmed Siilaanyo oo warbaahinta ugu waramayey aqalkiisa, ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey shirarkii uu la yeeshay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool wadamada uu marayey waxa uu kala hadlay iyo waxa ay isla soo qaadeen. Isaga oo hadlayana arrintana waxa uu yidhi “Maanta farxad wayn bay ii tahay inaan ku soo noqdo dalkii Somaliland, muddo laba bilood ku dhaw ayaan maqnaa, Yurub ayaan gaadhay, waxaan ku soo wareegay dalkan Ingiriiska gobolo badan oo ka mid ah waxaan tagay Sweden, Norway, intii aan wareegayay dawladihii aan dhulkooda wareegayay waxaan la kulmay masuuliyiintooda, waxa kale oo aan si wayn ula kulmay dadweynaha reer Somaliland ee dibadaha ku nool meel ay joogaanba, oo aan shirar waawayn u qabtay, kuwaasoo aanu ka wada doodaynay, kawada arrinsanaynay arrimaha qaranka Somaliland meeshay marayaan.” Ayuu yidhi Md. Siilaanyo

Mar uu Axmed Siilaanyo ka hadlayey wadamada uu socodka ku marayey, waxa uu sheegay inay dadku wel-wel ka qabeen inay doorashadu dib uga dhacdo wakhtigii loogu talagalay oo ah 27 September 2009, waxa uu yidhi “Intii aanu wareegaynay dunida iyo dadkuba waxay aad u xiisaynayeen, oo aad u danaynayeen halka Somaliland marayso, meesha ay ka taagan tahay geedi-socodka dimuqraadiyada, werwerka iyo baqdinta ay ka qabaan inay doorashooyinku dhici waayaan, iyaga oo mar walba arkayay markaan macal duwalka kudaro inay caado noqotay doorashooyinka dib loo dhigayay. Waxaan anigu isku dayay oo aan isleeyahay waad kuguulaysatay in aan cid walba ka dhaadhiciyo in aanay markan warwareeg dambe jirin oo doorashadii qaranku ay dhici doonto wakhtigeedii. Laakiin halkaas waxaan ugu tagay shaki badan iyo walaac ay dadku ka muujinayeen oo ka muuqatay su’lahooda ma laga yaabaa hadii ay Somaliland doorashadu doorkan ka dhici waydo in loo arko sidii qaybo kale oo ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed. Annagu walaacaas waanu ka baabiinaynay, waxaanuna mar walba ku guubaabinaynay inay mar walba naga taageeraan dimuqraadiyada inay soo diraan cid doorashooyinka ilaalisa, inay dhaqaalaha wax naga taraan, in ictiraafka aanu raadinayno wax nagala qabtaan ayaanu mar walba ku guubaabinaynay.”

Mar uu Axmed Siilaanyo ka hadlayey Sida uu u arko in taageerayaashiisa laga celiyo inay Madaarka soo galaan waxa uu yidhi “arrintaas aad iyo aad baan uga xumahay, markaan isa soo taagay baa lay sheegay in taageerayaashii badnaa iyo shacbigii aan arkayay in laga joojiyay in loo ogolaado inay gudaha nagaga horyimaadaan, taasi xaq maaha waa gardarro aad iyo aad umutaxan, waa mid muujinaysa dareenka ay dawladu qabto iyo waxa ay doonayso inay ka muujiso, waa arrimihii laga hadlayay. Uma muuqata dawlada inaan maanta ahay musharax u taagan Madaxweyne oo aan leeyahay oo aan leeyahay sharciyada iyo distoorka uu leeyahay qof madaxweyne u sharaxan. Xaq baan u leeyahay in taageerayaashayda iyo masuuliyiinta xisbiga inta Ina Rayaale ka horimanaysaa inay halkaas igaga hortimaado, sida isaga oo loogu ogolaaday in laygu ogolaado ayaan xaq u leeyahay aad iyo aad baan u dhaleecaynaynaa, waanuna ka xunahay, waanuna ka hadli doonaa arrintaas.waxay tusaale u tahay waxyaalaha mar walba arkayo ee laga qaylinayo ee aanay dawladaasi marnaba daacada ka noqonayn inay doorasho loo siman yahay oo cadaalad ah, shaki wayn bay ka bixinaysaa in aanay musharaxiintu u sinaan Karin Hay’adaha qaranka ee ay ahayd inay u sinaadaan, arrintaas meel wayn baanu iska taagaynaa, dacwad adagna waanu ka galaynaa.”

Mar uu ka jawaabayay waxa taageerayaasha xisbigiisa ee uu kula kulmay qurbuhu inay gacan dhaqaale soo siiyeen waxa uu yidhi; “Runta markaan kuu sheego aad iyo aad bay u badan yihiin taageerayaasha kulmiye, meelaha aanu maraynay xisbi uun lamaan kulamayn, mujtamaca oo dhan baan la kulm ayay, meelaha qaarkood wakiiladii udub ayaa kaga baxay oo yidhi UDUB baanu ka baxnay KUlmiyena waanu ku biirnay.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Oo waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay Socdaalkii uu Madaxweyne Rayaale ku tagay Gobolada dalka qaar, isaga oo xusay inuu Madaxweynuhu iyada oo aan la gaadhin wakhtigii Kaambayn oo gobolada ka kaambayn gareeyay, isla markaana in Madaxweyne Rayaale u diiday Madaxda Axsaabta Mucaaradka ah inay u socdaal gobolada isaga oo ku macneeyay arrintaas in aanu bilaabmin kaambaynkii doorashooyinka,

Mustafe-janaale
Hadhwanaagnews.com

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 2nd, 2009 and filed under News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply