GUDOMIYE FAYSAL WAA WADANI JIRA.
Ilaahay how naxariisto wixii ku dhintey fowdada gacanta lagu sameeyey,waana bill ramadaane ilahay nabada haynoo sugo.
Maalinta ay dhacdo tan oo kali ayaa ninka ragii soo baxa,waa malinta la ogaado munaafaqa iyo aqli gaabka iyo cadowga.
Maanta ma taagna baarlaman ha la furo,mana taagna siyaasad waxay taagan tahay jiritaanka somaliland sidee loo bad baadiya
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe markan arkey gudbada uu dadka ku dajinayey runtii waa mid taariikhda gashey,waxana cad in uu faysal yahay muwadin xalaala oo jecel jiritaanka somaliland,waxaan leeyahay ilahay abaal ha kaa siyo kharka aad umadaada fartey.
Faysaloow sharafta qaado oo arinta dhamee,waxaan hubaa in aad noqon doontid kay dadku doortan,magaaladadii hargeisa ee aad ku dhalatey maaha in rag ay rabshad ka sameyaan midkuu doona ha noqdee muxafud iyo mucaridba,jooji ragan caruurteen ku leh sobaxa oo dhagaxa tuura,oo guba gawaadhida oo ii soo dagaalama jooji,xukumadan rasaasta rideysana jooji.
Maanta wax ala waxa khilaafa adaa dhameyn kara ee qaado taajka oo arinta,sidaad awalba u gali jirtey u gal.
Markaan arkey nimankan waaweyn ee hadlaya sida gudoomiye guurtida SALEEBAN GAAL waxaan arkey inaanu dooneynin in arintu dhamaato waayo xitaa rabshada ha la joojiyo muu odhan ee wixii dhaca xukumada ayaa ka masuula ayuu yidhi macnihi arinta rabshadu waa sii soconeysa waxaan leeyahay orod oo burco ka dhig rabshada.
Maanta lama hayo qof somaliland oo wax buu dhameyn leys leeyahay oo FAYSAL CALI WARAABE aan ahayn,maanta ma hayno ragii guurtida u talin jirey sida SHEEKH IBRAHIM SEEKH YUSUF, runtii wuxuu ahaa Odeyga ama Awoowga somaliland arini markey timado wuxuu odhan jirey TAASI AYAAN GARANEY OO WAA DANTA SOMALILAND (ilahay how naxariiste)
Maalintii guurtida la kharibey ee ay baabadey waa maalintii uu riyaale u dhiibey nin siyaasi ah oo xusbigiisi ASAD saaqidey,oo xitaa madax weyne isku soo sharaxey oo laga heley,yuu daahir riyale u dhiibey, isagoo siraanyo iskaga caabinaya,se riyaale muu garaneyn in beesha meel looga taiyo iyo in uu saleeban uu kursi doon yahay maanta wuxuu is leeyahay meel yar oo kursiga ka fuusho ayaabu heley.
Maanta qofka badbaadin kara somaliland waa faysal ee waa inuu arinka qaata howshana waa in dhaqso oo galaa.
ILAHAY SOMALILAND HOW GARGAARO.
Y.HERSI
URURKA SOMALILAND NATIONAL FRONT
somalilandfront@live.com


