Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Gudoomiyaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Xubnaha Baarlamaanka in Ay Isugu Yimaadaan Golaha Maalinta Sabtida ah Ee Soo Socota.

Gudoomiyaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Xubnaha Baarlamaanka in Ay Isugu Yimaadaan Golaha Maalinta Sabtida ah Ee Soo Socota.

dd

“Hadii Baarlamaanku sii xidhnaado ay  taasi waxey keeni doontaa  in madaxtooyada la xidho”.

Hargeysa (Goljano) Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  ayaa ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka in ay isugu yimaadaan Golaha maalinta Sabtida ah ee soo socota. Guddoomiyuhu wuxu sheegay inaanayy sharci ahaan sax ahayn in ciidamada Boolisku xidhaan golaha Baarlaamanka, isaga oo ugu baaqay Shacabka in ay isugu soo baxaan golaha hortiisa oo si nabadgaliyo ah ay u difaacaan xuquuqdooda sharciga ah iyo golaha ay soo doorteen .

Guddoomiye Cirro ayaa ku tilmaamay in aanay wax loo dulqaato ahayn in ay ciidamada Booliska ay si sharciga ka baxsan ay u xiraan xaruunta golaha Baarlamaanka.

Golaha Baarlamaanka ee Somaliland ayaa xiran tan iyo maalintii Salaasadii kadib markii ay ku dhex dagaalameen xildhibaanada muxaafidka ah iyo kuwa mucaaradka, iyada oo mid ka mid ah xildhibaanada uu golaha dhexdiisa Bastoolad kula soo baxay.

Booliska oo amar ka haysta wasaaradda arimaha gudaha ayaa la wareegay mafaatiixdii golaha.

Hase ahaate guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in hadii Baarlamaanku sii xidhnaado ay taasina keeni doonto sida uu hadalka u dhigay in madaxtooyada la xidho.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu maanta oo khamiis ahgaadhay magaalada Hargeysa Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Axmadu Walad Cabdalla, iasa oo la kulmi doona madaxda maamulka iyo madaxda xisbiyada mucaaradka ah.

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 10th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply