“GUULAAMO” Waa Tix Gabay Ah Oo Uu Curiyey Abwaan Cambalaash
Asalaamu Calaykum Waraxma Tullaahi Wabaraakatuhu,
Marka hore ddhammaan Ummadda Reer somaliland madax iyo shicib, Yar iyo wayn aqoon yahan iyo indheer garad Waxaan idin leeyahay RAMADAAN KARIIM. Maanta oo ah maalin Axad ah waxa aan doonayaa inaad ila wadaagtaan Tixdan gabayga ah ee ku saabsan waayaha dalka.
Tixdani waxay soo baxday Shalay oo taariikhdu ahayd 06/09/2009 Macnaha iyo xuxurka tixda ayaa loogu tagayaa ujeedadu se waa talo iyo canan guud oo dhamaanba dawlad iyo shicib ku socota
Iga guddooma guulaamo
Gabay bilic leh guulaamo iyo gaydha arartayda
gucle orodka guuraynta iyo geedan iyo baacis
Garta inaan naqnaa maalintay nala gudboonaato
Geed caleenta buuxsaday markii gugu barwaaqeeyay
Ubuxuna garaaraa fidshoo gorada laalaadshay
Oo hoobaan guduud uur casaan guudka uga buuxdo
Gadhcadiyo duqaydii raggii golaha soo buuxshay
Ee dood gondaha lays daree baane lagu goohay
Ee gabayo laysugu tirshee laysku ganay jiibta
Guushu laba ma raacdee markay gees isugu baydhay
Gardarada ninkeedii haddii guudka laga saaro
Marka xaal gondaha loo sudhee geelal laga miidho
Ma garwaaqsanaayee hadduu guuxa damin waayo
Uma garab gureeyaan tolkii laga gol roonaaye
Inay geed qudhaanja leh ku xidhi waa ged la hubaa.
Afartaa gantaalaa dhiciyo gaade iyo maag dheh
Hanqadh gabaygi uu tirin jiriyo waa tix guro wayne
Ma gadeeyay waan soo wadaa gunu dhaceediiye
Gantaal igu mudnaydiyo mind iyo laygu ganay waayo
Cadaw ii gabaday oo falaadh galiyay jiidhkayga
Guhaad iyo canaan iyo af xumo godobo ii yeelan
Gabaaray i gaadiyo maskaa ganaya dhiigayga
Goodaaddo nacabiyo tukaha gura xuneey dhuuryo
Gabigood shisheeyihu hadduu igu guraabaaso
Ama gaadhi laysoo rakibo qaraxna gawdhiidho
Ama gaban la weecsaday garnayl jeebka loo galiyo
Ama guuto laysoo kacshiyo gaadmo iyo duulan
Gobanimo anaa lehe hadaan cidi la guuraynin
Goolaaftan caadaystahoow sow ku guban maysid
Afartaa gudoonkii murtida galalafteedii dheh
Gufaaciyo gariir soo onkoday guggii da’ay dheh
Geddii muuse aayiyo jadeer gabayadoodi dheh
Giddigeed adduunyada dhib wuu gaadhi jiray waaye
Way galalafaan xaajadii loo gol leeyahay e
Garyaqanadooday murtida godol ka maalaane
Wax kastoo gur loo wado rag baa gooya xubinteede
Is garwaaqsi baa lagu dayaa laguna gaadhaaye
Is giriifku waa ceeb haddii la isba gooyaaye
Gabantiyo ma gaydada u tudha guuli waa waliye
Guurti baarlamaan iyo dhamaan golaha waayeelka
Gadh wadeenadeeniyo sarkaal gaadhka lagu meershay
Guluf iyo askari gaadhan oo qori ku gawdhiidha
Gurboobkiyo caruurtiyo haween wada gamboolay ah
Gaashaan qaadka joogiyo dhamaan geeshka iyo ciidan
Inta gudaha joogtiyo kuwaa yurub ka goohaaya
Giddigeenba waa wajib kaa loo gudboonyahay e
Gol daloolo aan dhawrro iyo godob wixii reeba
Giddigeed aduunyada intuu gaadhay magaceenu
Waa nabad waxaan goorkastaba gole ka sheegnaaye
Waa nabad waxaan guusha iyo libin ku gaadhnaaaye
Waa nabad waxaan laga go’ayn gama’an jiifnaaye
Waa nabad Waxaa lagu goglee loo golyahayeeye
Haddaan galin ku laalaabanoon galino baaruudda
Ama aan qoryaa gurano oo goyno ubaxeenna
Ama aan is kala goosanoon qaarba dhan u guuro
Goblan talo inay taagan tahay saw la garan mayo
Afartaa gudoonkii murtida galalafteedii dheh
Gufaaciyo gariir soo onkoday guggii da’ay dheh
Geddii muuse aayiyo jadeer gabayadoodi dheh
Umaddiba gig bay tidhi markii hawshan loo galay e
Guddoonkii la laalaa dadkuba wada gadoodeene
Xisbiyadana guux baa ka baxay aan la garanayne
Gurmadkii axmaarkiyo intii guurti ugu baaqday
Gaaladu dar ay soo dirtaa sheegtay gacalkaaye,
Halkay fara la gaadhaanna durbaba way gambiyayaane
Galbeed iyo baraa laysku wacay labada geesoode
Waxse lama guddoomine arini way guracantay e
Guddoon meel fog laga soo waddacay guul ma soo sido e
Garawsada wax baa laga bartaa raadki soo gudhay e.
Taariikhda guunka ah intii xaajo laga giigay
Gu kastaba waxbaa lala raftaa lala gurguurtaaye
Kolba godobhorlaa loo kacaa lana gorfeeyaaye
Hadba waxa lakala giijiiyaa kii horee gudhay e
Intaan goray god galay din u guday daba guclaynayno
Ama sida giraantii dhamaan goob ku tudhanayno
Geesaha ragbaynaga xiga diiday gam’iiye
Iyagoo gantaala dhiciyo haysta qori gaaban
Ayay geeddi soo wada yihiin goor iyo ayaan e
Hadday gam’sanaan naga helaan way gambiyayaane
Hadba gobol ayay doonayaan inay garoocdaane
Waar yaan layna soo galin arini way is guraysaaye
Aan gunaanad keediyo murtida gooyo hadlkiiye
Allahyow gunimo waa belee guusha nagu aadi
Allahayoow gayiga noo nimcee roobnawada gaadha
Allahayoow afgarad raaga iyo talo an guumoobin
Allahayoow gargaar iyo nasii gacanna taageerta
Gees iyo illaa geeska kale dawlad wada gaadh
Gurboob kiyo mid maatada waddoo wada gunnaynaysa
Danta guud middii garanayseen gaar u dhaqanaynin
Alahyow adaa garanaye guusha nagu toosi
Wabbillaahi Tawfiiq
Faysal Awcabdi Cambalaash
faysal_awcabdi@hotmail.com
London UK


