Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Guurtida Oo Ku Hanjabtay In Ay Awoodooda Dastuuriga Ah Isticmaali Doonaan Hadii Aanay Saddexda Xisbi Heshiin

Guurtida Oo Ku Hanjabtay In Ay Awoodooda Dastuuriga Ah Isticmaali Doonaan Hadii Aanay Saddexda Xisbi Heshiin

dd

Hargaysa(Goljano)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah waxay ku meel mariyeen saddex qoddob oo kala ah

1.       in ay dhex u noqdaan dhinacyada siyaasada

2.      si dhexdhexaadnimada golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu kamid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka

3.      in Goluhu isagoo dhinaca maslaxada guud ka eegaya, wuxuu ansixinayaa wixii xal ah ee ay kusoo heshiiyaan saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayo muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii au ku heshiin waayaan Goluhu wuxuu ku hawl-gelayaa waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Ansixinta qoddobadan ayaa waxay ka dhalatay daraasad ay soo sameeyeen 2 mudane oo ka tirsan golaha oo loo saarayn sidii loo waajihi lahaa muranka siyaasdeed ee dalka ka taagan, waxaana ansxiyay 55 xildhibaan oo ka mid ahaa 58 mudane oo fadhiyay golaha,  2 mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codaynin

 

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Max’d Aadan oo fadhiga hogaaminayay ayaa mudanayaasha ku wargaliyay in salaasada la gudo gali doono fulinta qodobadaasi.

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 5th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply