Hargeysa: Jawiga Galabta Ilaa Caawa Oo Xasiloon & Sawiro Naxdin Leh Nala Daawada
Hargeysa (Goljano) Jawiga galinkii dambe ee Maanta ilaa Caawa ayaa Deggen kuna soo noqday sidiisii hore, Kaddib Rabshado Ba’an oo Maanta ka dhacay Badi Halbawlaha Caasimadda Hargeysa kuna fiday Xaafado kamida Magaalada.
Rabshadahan oo Saaka ka bilaabmay Agagaarka ku dhaw Madaxtooyada iyo Xarunta Barlamaanka, ayaa waxay yimaadeen kadib markii Guddoonka Barlamaanku Dhawr gaadhi ay kusoo mareen Wadada Marinka QAZA loo bixiyey ee Madaxtooyada hor marta, iyagoo u gudbay Xarunta Barlamaanka Si ay Hawshoodii u gutaan, Laakiin Fidnadu waxay ka bilaabantay markii Dadweynihii damceen inay horey u gudbaan oo ay Aqalka Barlamaanka hor tagaan, Laakiin Bilaysku ka hor joogsaday, iyagoo u isticmaalayey Rasaasta Indhaha kaga ilmaysiisa iyo Waliba Rasaasta Nool oo inta bafan ay kor u ridayeen.
Rasaastaasi bilaabantay Aroornimadii Saaka socotayna ilaa Duhurnimadii, ayaa Waxaa galaafatay oo ilaa imika la xaqiijiyey inay u dhinteen Afar Qof, Halka Dhaawacana uu gaadhayo 7 Ruux. Khasaaraha kale ee ka dhashay Rabshaddaasi maanta, ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex Boolis oo ku dhaawacmay Bomb gacmeed lagu soo tuuray, inkastoo aan la xaqiijin karin qofkii Bomb-kaasi tuuray.
Khasaaraha kale ee ilaa imika la xaqiijiyey ayaa kamida Baabuur GT-ya oo ay lahayd Wasaaradda Maaliyaddu oo Lagu Gubay kuna Shuf beelay Isgoyska ku yaal Togdheer Hotel.
Rabshahani isla markii ay Bilaabmeen waxay Booliisku bilaabeen inay Jeelasha ku ururiyaan cid kasta oo ay gacanta ku dhigaan, waxaana la sheegayaa inay Dadweyne badan oo Da’walba isugu jira ay ka buuxiyeen Saldhigyada Magaalada Hargeysa.
Haddaba Rabshadahan oo Duhurnimadii Maanta iskood u joogsaday, ayaa waxaan idiinka haynaa Sawiro Naxdin leh oo aanu idiinka soo qaadnay, Sawiradan oo ay ku jiraan Dadkii Dhintay iyo Kuwii Dhaawacmayba waa kuwan:
HARGEYSA OFFICE









