Home » Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Hargeysa: Saddex Askari Oo Ku Dhaawacmay Bomb Lagu Soo Tuuray & Dhaawaca Rayidka Oo Sii Kordhaya (Daawo)

Hargeysa: Saddex Askari Oo Ku Dhaawacmay Bomb Lagu Soo Tuuray & Dhaawaca Rayidka Oo Sii Kordhaya (Daawo)

d

Hargeysa (Goljano) Saddex Asrkari ayaa dhaawacmay kadib markii  Bombo gacmeed lagu soo tuuray,  waxaana loola cararay dhankaa iyo cisbitaalka guud ee hargeysa oo lagu dawaynayo sida naloo xaqiijiyey.

Tirada dhaawaca Rayidka ayaa iyana sii kordhaysa, waxaana mar dhawayd oo aanu cisbitaalka booqanay aanu ku aragnay dad dhaawacyo kala duwani soo gaadheen Waxaana Out-patiant ka cisbitaalkU la ceeryoomayaa Dadweyne kuwaasoo soo gaadhsiinaya dhaawacyo kala duwan.

Waxaa jira ugu yaraan Labo Baabuur oo GT-ya oo la gubay, dhanka kale waxay Rabshadahani galaafan gaadheen Radio Hargeysa Iyo TVga qaranka, Waxaana dhici gaadhay haddii aanu Boolisku Awood ku horjoogsan in gabi ahaanba cagta la mariyo.

dd

d

 

Shicibka oo markaliya u qamaamay Dhankaa iyo Wasaaradda warfaafinta ayaa waxay ku dhawaaqayeen Erayo ku liddiya Radio Hargeysa iyo SLNTV, iyagoo ku sheegay in ay yihiim Meesha Beenta iyo Burunbagaandhada laga qaybiyo, had iyo jeerna u adeegta Dulmiwalayaasha kuwa ay ku tilmaameen waa dawladdee.

Saraakiisha caafimaadka ayaa noo xaqiijiyay tirada dhimashada ee soo gaadhay inay tahay hal qof, balse waxa jira tira dhimasha ah oo gaadhaysa 4 qof kuwaasoo ay adkaatay in la gaadhsiiyo xarumaha caafimaadka oo la geeyay guryahooda.

ee

 


Inkastoo Abaaro 12.30 ay Rasaastu joogsatay, Hadana Ciidamada ayaa iyagu ah kuwo xoog adeegsanaya, Kuwaasoo dadka u adeegsanayey Sunta indhaha kaga ilmaysiisa iyo rasaas nool.

Rabshadahan oo yar qaboobay Salaadda dabadeed, ayaa ahaa kuwo ku fiday Badi Xudunta Magaalada Hargeysa, Waxaana ka mid ahaa Meelihii la isbaacsanayay wadooyinka u dhaw cisbitaalka guud, india line ilaa togdheer Hotel, waxaana wadooyinka qariyay taayiro lagu gubay, Inkastoo iskood u istaageen rabshadahani, hadana waxaan la saadaalin karayn Waxa dhici doona Markay Cad-ceedu qabawdo ama ay Dhacdoba.

ff

 

Waxii Warar ah ee Soo Kordha Insha Allah waanu idiin soo gudbin doonaa Sida ugu dhakhsaha badan.

 

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 12th, 2009 and filed under Articles, Featured, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply