Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Hay’adda Wadaniga ah(EAWADA)oo Deeq Rashin ah gaadhsiisay Deegaano ka mid ah Gobolka Togdheer.

Hay’adda Wadaniga ah(EAWADA)oo Deeq Rashin ah gaadhsiisay Deegaano ka mid ah Gobolka Togdheer.

burco-rashin

 

 

 

 

Burco (Goljano) Hay’ad wadani ah oo lagu magacaabo East Africa-Welfare-and Development-Association (EAWADA) ayaa shalay markii u horeysay Raashin deeq ah u qaybisay deegaano iyo tulooyin badan oo hoos yimaada Gobolka Todheer.

 Raashinkan ay qaybinaysay Hay’ada wadaniga ah  ee (EAWADA) aya  isugu jiray dhowr nooc  Sida Bariis, Daqiiq, iyo Saliid Iyadoo raashinka u qaybinaysay  dadka saboolka ah ee Degen Tuulooyinkaasi hoos yimada Gobolka Togdheer.

Raashinkan ayaa ahaa 100 Kiish oo bariis ah,100 Boqol Kiish oo Daqiiq iyo 100 Boqol Jirkaan saliid ah iyadoo rashinkna  loo qaybiyey ilaa 100 Boqol Qoys oo ka mid ah dadweynaha Tuulada Waraabeeye oo Qiyaastii 70 km, dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Burco, Qaabka loo qaybinayay Raashinkan ayaa ahaa in Qoyskii walba la siinayay 3kiish oo raashinkaas ah,

Guddomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Burco Axmed Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybqaadatay qaybinta raashinkan ay bixinayso Hay’ad wadaniga ah ee (EAWADA)  ayaa waxaa uu Sheegay  in arintan ay si weyn wax uga bedelayso  baahida bulshada ku dhaqayn deeganaadasi,waxaanu ugu baaqay hay’adaha kaalmada noocan oo kale ah bixiya inay ku beegaan kalmadooda xilliyadan oo kale maadama xilligan ay tahay xilligii ugu adkaa dhinaca nolasha marka laga hadlayo dadka reer guuraaga ah ama dadka baadiyaha ah, sidaasi darted buu yidhi Hay’ad kasta oo wadani ah laga filayo inay talaabadan oo kale qaadaan.

Guddomiye ku xigeenku G/D  waxaa kale oo ugu baaqay hay’ada WFP inay dib u soo celiso barnaamijkii cunto qaybinta si ay fursad ugu noqoto bulshadan Dhibaataysay ee abaaraha ba’ani saameeyeen maadaama ayuu yidhi xilligan lagu jiro xilli jiilaala oo roob yari ka  jirto guud ahaanbaa deegaanka.

Hadaba Barnaamijkan qaybinta raashinka ee  East Africa-welfare-& Development-association (EAWADA) ayaa ku soo beegmay bisha Ramadaan ah isla markaasna dadka tuulooyinka ama reer guuraaga ah ay ku jiraan xilli abaareed aad u kulul.

Wakiilka Hay’ada EWADA ee Somaliland Shiikh Aadan aw-Xasan Siciid (Aadan-xasan-quule) ayaa isaguna qaybinta raashinka ka dib waxaa uu cadeeyey inay raashinka ugu talo galeen inay qoysaskani noloshooda ku kabaan.

Wakiilkan ayaa sidoo kale  xusay inay deeqdan  si wada jira isaga kaashadeen Hay’ada Muslim Aid iyo Hay’ada EWADA, ayna rajaynayaan inay u gudbi doonaan meelo kale si ay uga qayb qaataan kor u qaadida noloshooda.

Hay’adan wadaniga ah ee  East Africa-welfare-& Development-association  (EWADA) ayaa waxaa ay sidan oo kale hore uga fulisay deegaano ka mida gudaha iyo dibada Magaalada Burco, Barnaamijyo deeq ah oo sidan oo kale lagu kabayo qoysaska aanay ku filayn hantidooda iyada oo iyaguna dadka saboolka ah ee raashinka la siiyo qaarkoodna ay ka hadleen deeqdan ay soo gaadhsiisay hay’adani ugana mahad celiyey.

Ugu danbaymtii Wakiilka Hay’adan wadaniga ah sh.adan xasan siciid oo aan khadka Telephone ka kula xidhiidhay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan barnaamijyadan deeqda ah oo uu ku sheegay barnaamijyo khayri ah.sido kale wuxu xusay sheekhu in ay Galabtaba afurin doonaan Dad gaadhaya Boqol Qof, isla markaasna ay socon doonaan bishan Ramadan BARNAMIJYADAN khayriga ah,isagoo xusay in agoomo ay meelo ku xannaaneeyaan iyo dad kaloo darbi jiif ahba.

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman

mustafe_480@hotmail.com

XAFIISA WARARKA GOLJANO MEDIA

BURCO SOMALILAND

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 3rd, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply