Home » Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Iskuul Cusub oo bodhin ah oo laga Furay Xaaxi iyo xaflad lagu daah furay Sannad Dugsiyedka 2009/2010.

Iskuul Cusub oo bodhin ah oo laga Furay Xaaxi iyo xaflad lagu daah furay Sannad Dugsiyedka 2009/2010.

xaaxi-iskuul1

 

 

 

 

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta dugsig Boodhanka ah ee SH.MUUSE CABDI XAAXI ee Gobolka Oodwayne Gaar ahaan Degmada  Xaaxi ,iskuulkan ayaa ah dugsi hoose/dhexe oo boodhin ah ,sidoo kale waxaa lagu xifdiyaa Quraanka kariimka ah iyo maadooyinka diiniga ah.

Iskuulkan ayaa ah mid ka sharciyaysan wasaarada waxbarashada jamhuuriyada Somaliland manhaj ahaana wuxuu waafaqsan yahay manhajka dugsiyada dalka.

Iskuulkan waxaa dhismihiisa iska kaashaday jaaliyada qurbaha iyo dadwaynaha deegaanka wuxuu ka koobana yahay 10 fasal, 2 xafiis, 1 istoodh, 1 hool oo wayn oo hurdo, 2 maqsin iyo suuligoodii iyo daaradoodii oo ay macalimiintu seexdaan,1hool oo wayn oo ay ardaydu wax ku cunto iyo kijadii iyo istoodhkeedii, masaajid iyo 16suuli waxaa intaa dheer Barkad biyood, 4 Ceel iyo Gaadhi xaajiyad ah oo iskuulka u shaqeeya.

Hadaba, xafladaas oo ahayd mid si wayn loosoo agaasimay waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo ka mid yihiin: Salaadiin, Cuqaal, aqoonyahano, Gudoomiyaha waxbarashada ee G.toogdheer Cabdi Axmed Siciid,maayaro,ururka Sumbul ee dhismaha dugsiga fuliyay iskuulkana maamula iyo waalidiinta,ardayda,macalimiinta iyo dadwayne kale oo badan.

ugu horayn waxaa xaflada furay suldaanka guud ee beelaha galbeedka Burco isaga oo bogaadiyay wax barashada qiimaha leh ee dugsigan ka socota kuna baaqay in la taageero iskuulkan maadaama uu yahay iskuul boodhin ah qarashkiisuna aad u badan yahay ardaydana aan wax lacag ah laga qaadin lana daboolo baahiyaha ugu muhiimsan ee imika ina horyaala sida:Dayrka dugsiga ,hoolasha ardaydu seexanayso iyo quudinta ardayda intaba.

Intaa ka dib waxa isna halkaa ka hadlay maamulaha dugsiga Maxamud Dahir Carale oo ka waramay waxbarashada iskulkan ka socota iyo xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya iyaga iyo wasaarada waxbarashada, intaa kadib wuxuu maamuluhu soo bandhigay wax qabad kooda mudadii sanadka ahay ee uu iskuulku furnaa oo ay ka mid ahayd ardaydii oo soo bandhigtay quraan, nashiidooyin soomaali iyo carabi isugu jira gabayo, khudbado carabi iyo ingiriisi ah isagoo qof kasta oo xaflada ka soo qayb galay aad ugu qiirooday sida ay ardaydu wax ubarteen mudadii yarayd ee ay iskuulka joogeen.

Intaa kadib waxaa hadalka lagu wareejiyay Suldaan Sheekh Maxamed Xasan Ibraahin oo ka mida salaadiinta miisaanka leh ee beesha galbeedka burco:isagoo halkaa ka soo jeediyay hadalo wacdi iyo guubaabo isugu jiray kuna booriyay walaalaha samafalayaasha ah ee khayrka jecel ee kala jooga gudo iyo dibadba inay ka qayb qaataan dhamaystirka dugsigan xaga dhismaha iyo xaga quudinta ardayda intaba waxaana ugu muhiiimsan in ardayda loo dhiso hoolal ay seexdaan iyo dayrkii iskuulka oo aan illaa imika dhisnayn ardaydana ay dabayl badani ku dhacaysay iyo ardayda oo seexata fasalada qaar una baahan in dhakhso loogu dhiso hoolal ay seexdaan isagoo sheegay in cilmiga oo dadka labaro iyo dhismaha waqafka ah labaduba ay ka mid yihiin sadaqada jaariga ah ee qofku markuu dhinto ee camalkiisu go’o u sii shaqaynaya ee uu xasanaad ka helayo.

 

Sidoo kale waxaa isaguna halkaa warbixin ka jeediyay xaghayaha ururka sumbul ee iskuulkan maamula warbixintaa oo ku soo bandhigay waxqabadkii ururka tan iyo markii la aasaasay iyo baahiyaha ugu muhiimsan ee horyaala ururka iyo iskuulka wuxuu halkaa ku soo bandhigay xisaab xidh uu ku muujinayo qaadhaankii la soo ururiyay iyo meelihii ay ku baxeen ,ugu danbayn xoghayuhu wuxuu hadal kiisii ku soo gabagabeeyay baaq uu u diray dhamaan walaalaha khayrka jecel ee gudo iyo dibadba jooga inay hawshan waxbarasho ee khayrka ah nagala qayb qaataan iyadoo baahiyaha ugu muhiisan ee aanu doonayno in wax nalagala qabto ay ka mid tahay

·        Dhismaha dayrka iskuulka.

·        Dhismaha hoolashii ay ardaydu seexanaysay oo ah 4 afar hool oo waawayn.

·        Masaariiftii ardayda iyo mushaharka macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsiga

Sidoo kale waxaa halkaa hadal qiimo badan ka soo jeediyay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid oo yidhi iskuulkani waa iskuul ka mida dugsiyada hoos yimaada wasaarada waxbarashada manhajka dugsiyada dalkana lagu dhigo ,qiimaynta heerka ardaydana anaga ayaa samaynay oo gudi kormeera usoo dirnay si aanu u ogaano arday kasta iyo heerka uu marayo markaa waa iskuul aanu imtixaankiisii hayno magacyada ardayda dhigata aanu hayno wixii lagu dhigoba aanu ognahay markaa qofka wax ka sheegaa waa qof wasaarada wax ka sheegay waxaananu diyaar u nahay horana wax waanu ula qabanay maantana wixii karaan kayaga ah waan la qabanaynaa waxna ka hagran mayno,sidoo kale gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay dugsiyada boodhinka ah iyo faaiidada ay leeyihiin waxaanu ku baaqay in la taageero iskuulkan gudo iyo dibadba.

Sidoo kale waxaa iyana halkaa ka hadlay Dr. C/raxmaan Axmed Raage maamulaha cisbitaalka manhal burco Xildhibaan golaha deegaanka burco Caaqil Maxamed Daahir Cabdi.

Maayarka magaalada Burco. Maxamuud Axmed Xasan (dhagalaab)

Maayarka degmada Oodwayne Maxamed Cabdi X Axmed.

Iyo masuuliyiin kale oo fara badan oo dhamaantood ka hadlay oo dhamaantood ka hadlay iskuulkan iyo faaiidada uu umada u leeyahay iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la taageero iskuulkan gudo iyo dabadba iyagoo dhamaantood u mahad naqay dadkii hawshan soo abaabulay ee fikirkooda iyo muruqooda isugu geeyay waxaanay ilaahay uga baryeen cidkasta oo hawshan ka qayb qaadatay inuu illaahay ka abaal mariyo wanaaga ay qabteen.

Intaa ka dib markii xafladu dhamaatay dadwaynihii ka soo qayb galay xafladu waxay u dareereen inay soo daawadaan beeraha ardayda loo beeray oo hadhuudh ah oo si fiican u baxay sanadkan.

Ramaasnews

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 6th, 2009 and filed under Articles, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply