Home » Articles, Goljano Latest Articles, News » Itoobiya waa timid meeye Mujaahidiintii shalay jebiyey? Qalinkii Cabdalla Xassan

Itoobiya waa timid meeye Mujaahidiintii shalay jebiyey? Qalinkii Cabdalla Xassan

.

الحمد لله رب العالمين والعاقبة للمتقين ولا عدوان الا علي  الظالمينوصلي علي نبينا محمد وعلي اله وصحبه وسلم(02-07-2009)Saan  la  socono  raga  xamar  isku  dagaalaya  waxay  u  badanyihiin   ragii muqaawamada  loo  bixiyey  waqtigii  itoobiya dalka  soo  gashay kabixitaankii  itoobiya  dalka  looga  saaray waxay  ahayd xeelad  fursad  loogu  siinayey inay  ciidanka  itoobiya    nastaan dibna  isu  urursadaan  , isla  markaasna in  soomalida  la  isaga  dhex  baxo  si  ay  iyagu  isu  arkaan  , isuna  dagaalaan  , waxay  ahayd dabin  iska  cad oo  qof  kasta  oo  caqli  leh  u  fahmayey     , laakiin  walaaleheeni  muqaawamadu    arintaas  kama  gaashaaman  khibrad  yari  darteed.
Iyadoo alle  dadka  muslimka  ah  dhiigooda  kala  xarimay  , hadana  qola  walba  waxay  is  tustay  in  walaalahood  dhiigoodu  u  banaanyahay  , waxay  u  maleeyeen  in  itoobiya  iska  taktay  , walaalihi  muqaawamada  ee  dawlada  ku  biiray mayna  fiirin xuquuqda  iyo  xurmada  ay  isku  lahaayeen  walaalahoodii  kale iyo  marxaladii  adkayd  e  ay  isla  soo mareen , ee  waxay  u  arkeen qofkaan  dawlada ku  biirin laf  dhuun gashay , waxayna  go’aansadeen  inay  la  dagaalamaan  ,

Walaalaha  muqaawamada  ee  aan  dawlada  ku  biirin  ma  qiimayn  isbelka  yimid ,  mana  taxliilin  siyaasiyan  ,waxay  ku  dhaqmeen  siyaasad  ah  horay  isaga soco  dibna  ha  fiirin  , waxay  inbadan  isku  mashquuliyeen  meelo inay  maamulo  u   samyeeyaan  ,waxa  gashay  hawa  ah  inay  iga   keligood  xal  gaari  karaan  , waxay  sahladeen cadawgii  naxariislaawaha  ahaa  dhagartiisa ,  waxayna  isku  mashquuliyeen  dagaalo  sokeeye  , mana ay  ka  taxadarin  inayna walaalahoodi  ay  isla  soo  jihaaden dhiigooda iyo  colaadooda iska  ilaaliyaan  xataa haday  ku  tala  xumaadeen kubiiridii  dawladii  c/laahi    yusuf ,

Waxaa  lala  sugayey  ilaa  inta  xaalkoodu  ka  gaarayo  marxalad  xun  oo  ay  kala  dhintaan  ,marba  markab  hub  ah  baa  loo  soo  dejiyaa  sida  galaydii  markay  ka  dhigaan  wax  ay  isku  dhameeyeen  ama shacabkoodi  ku  dhameeyeen  ayaa  mid  kale  loo  soo  dejiyaa  , gaalada  hubka  u  soo  dejinaysa iyo  iyaka  koodee caqli  roon.

Waxaad moodaa dad  aaminsan   hubka  u  soo  degaya inuu  daawa  yahay  ,naftooduna  ka  raqiisantahay  aakaha  ay  gacanta  ku  hayaan , soomaali  badani qofki  qori  gacanta  u  geliya  wixi  u  amro  ayay ku  dhaqaaqayaan  gaal  iyo  islaam  kuu  doono  ha  ahaado  , ma  dhahayaan  maxaan  walaalkay  ula  dagaalamayaa  , maxaa  igu  kalifaya  dagaal  aan  dani  I badin , kan  qoriga  ii  dhiibay  muxu  isagu  ugu  dagaalami  waayey  ,ciidanka  itoobiya  maxay  gadaal  u  maraan  oo  somalida  isaga  soo  horaysiiyaan..maan  hubkaan  qaaliga  ah  ee  ilaahay  gaalka  iga  siiyey  iibsado,kadibna  suuqayga  iska  galo. maxa dhib ,dhaawac  iyo  geeri  ila  soo  arkay anigoo nabad  ku  seexankara.

waxay  kaloo  itoobiyaanku  diyaarsadeen intay  isku  mashquulsanayeen qolyaha  xamar  isku  haya  kuwa  kale  oo  xoolaha  nool  ka  caqli  liita  oo  lala  sugayo  in  inta  soo  harta  madaxa  loo  geliyo.

Ciidanka  UGAANDHAYSKUNA  waxay  go’aansadeen  inay  shacabka  dhinacooda  ka  gumaadaan  markay  arkeen inaan  cid  ku  soo jeesanaysa  oo  ka  danqanaysa jirin , waxay  arkeen  dad  aan  dareen  lahayn  oo  dadkooda  dhiigu  u  dhaqaaqayn  oo  iyaga  uun  isu  jeeda.  markay laba  kooxood  wax  isku  tuuraanba  way  ka  faa’iidaystaan  oo  madaafiicda  ayay  dhanwalba  u  faraqaan.

Ciidamada  itoobiya meelo  badan  bay  dalka  ka soo  galeen  ,cidaay  dhaafayaana  ma  jirto  ama  dawlad  ha  sheegteen  ama  muqaawamo.

Waxaad  mooda  inuu  shariifku  dalkii  ku  celiyey xaalad  la  mid ah tii  maalintii  c/laahi  yuusuf itoobiyanka  soo  geliyey.

Magaran  waayey  hadaad  xal  keeni  wayday  wadanka  cadaw  faraha  ha  u gelin  ee  soomali  kale  isaga  dhiib…xaasidnimo  ka  wayn oo qof    aadami  ah   ka  dacday  weligey ma  maqlin.

Maanta waxaa  loo  baahanyahay  in  ilaahay  loo  toobad keeyo  ,qaladku  wuxuu  yimid marki  nicmadii  alle  keenay  laga  faa’iidaysanwaayey.

In  ragii  mujaahidiinta  ahaa  dib  isu  uruursadaan  ,dalkina  difaacan  siday  shalayba  u  difaaceen, khaladaadkii  dhacayna  aan  loo  noqon.

Kaartooyinka  khaldan  ee  muqaawadu  ku  dagaalamayaan  waxa  ka  mid  ah  inay  garanwaayen inay  jidadka xuduuda  soo  gala  iska  xiraan, oo  ciidan  xuduuda  u  qaybsan  sameeyaan. Ciidamada soo  galayna go’doomiyaan.

Waxaan  ku  talinayaa  inaad  baraarugtaan   ,
inay  muqawamadu  ku  dhawaaqdo  inay  joojiyeen  dagaalki  xamar  ka  socday  marka  laga  reebo  ciidanka  ugaandha .
Inaan xabad  dambe  oo  soomali  dhexdeeda  ah  xamar  laga  ridin ,
in  ciidanka  dawlada  ee  xamar difaaca  kaga  jira  loo fasaxo  inay  eheladooda  soo  booqan  karaan  difaacana  ka  baxaan  maadaama  aan cid  weeraraysa  jirin   laguna  dhiiri  geliyo  inay  dalka  wax  ka  difaacaan ama  hubkooda  iibsadaan.
In  walaalihii  jowhar  laga  saaray  masuuliyadoodii  loosoo  celiyo  ,
in gobolka  jiiraan   si  wada  jira  loo  difaaco  maamulka  maxkamadaha  ee  ka  jirana  la  ixtiraamo haday  aqbalaan  inay  gobolka  wax  ka  difaacaan.
Inaan  magaalda  gudaheeda  ciidanka  itoobiya  lagula  dagaalamin , in  la  go’doomiyo  meeshay  soo  galaanba  si  xeeladaysana  loola  dagaalamo, aadna  loo  isticmaalo bambooyinka jidadka  la  dhigo,.in la  dhiso  ciidama  khaas ah  oo  si  sahlan  ciidamada  iyo  hubkooda  u  burburinkara.

In  ciidanka  UGAANDAYSKA indhaha  LAGU  JEEDIYO  , in  markay  dadka  wax  ku  tuuraanba  la  garaaco  oo  looga  aar  gudo.
in  faraha  laga  qaado guriga  madaxtooyada  ee  soomalidu ku  jirto  ,meelaha ugaandaysku  joogaan  uun  taarget  laga  dhigto.
In wixii  dagaal  la  gelayo  uu  noqdo  wax  ku  wajahan  ciidan  shisheeye.
in  la  middeeyo  calanka  umadda , oo  calankii  buluuga  ahaa  tawxiidka  lagu  dhigo.
in  loo  gurmado  dadka  barakacay  dad  danbana  la  barakin.
in la  go’aansado in  wixii  mushkilad  ah  wada hadal  lagu  dhameeyo  mudo  kasta  ha qaadato  , in la  joojiyo  hadalada  aan  maslaxadu  inoogu  jirin  ee  ay  ka  mid  yihiin  qolo  hebla  shisheeya ayay  u  shaqaynaysaa  ama  waa  camiil… waxa  noocaas  ah  qofna  meel  dheer  ku  gaari  maayo  ..mushkilada  uuun  baan isku  sii  badinaynaa…meel  aan  xal  jirina xal baan  ka  raadinaynaa.

wa  billahi  tawfiiq.

WQ: Abdalla Hassan,

saalax92@hotmail.com

About This Post
Posted by Abdisalam on Jul 2nd, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

1 Response for “Itoobiya waa timid meeye Mujaahidiintii shalay jebiyey? Qalinkii Cabdalla Xassan”

  1. Abdalla Hassan,

    Adeer aan kula kaftamee marka dambe ee aad wax soo qortid magac saddexan ha lagaa helo, haddii kale waxa loo qaadanayaa inaad cad ku leedahay kii diinta iyo gabayga ku shaqaysan jiray ee isna ina Abdallah Hassan la odhon jiray.

    Midda kale halkani waa Hargeisa maaha Xamar kolkaa loogama baahna meesha adeer nin
    ku hadlaya erayada aan maqaalkaagan ka soo dheegay oo ay ka mid ka yihiin kuwanoo kale: isku dagaalaya. itoobiya iska taktay. qofna meel dheer ku gaari maayo.
    Waxad ogaataa in inaan waxani ahayn AF-Somaliland balse waa kii dhako xunta kolkaa fadlan ku soo qor wararkaaga kuwa Somalida baydhsan oo halkan ha naga dhooqayn.

    Waxa intaas ka daran taageerada aad u hayso Alshabab adoo si badheedha kuwaa u sheegaya inaad taageersan tahay nimankaa oo aannagu aannu u naqaanno ARGAGIXISO aan aan Isalmnimo meel ka soo gelin weliba waxaad ugu yeedhay magaca u asturay kuna tilmaamay inay yihiin MUQAAWIMO, kolkaa sow ma cadda inaad ka mid tahay maxaad qiiqa isugu qarinaysaa. Haddana bal inaad dhoohan tahay maxaa Somaliland ka khuseeya ee aan ahayn wixii ibni aadamnimo ah oo ay kala siman tahay dalalka jaarka iyo caalamka intiisa kale, halka aad hadalka hoos noogu dhigayso sidii aannu ka mid nahay Somalia yaa faqash binu Faqash. Maxaad ula jeeddaa hadalkan liitta ee sidan u dhigtay: ..mushkilada uuun baan isku sii badinaynaa…meel aan xal jirina xal baan ka raadinaynaa.

Leave a Reply