Home » Fanka & Suugaanta, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Korodhso aqoontaada Guud (SU’AALO IYO JAWAABO )

Korodhso aqoontaada Guud (SU’AALO IYO JAWAABO )

ramadan-kariim-992

 

 

 

 

Barnaamij ah su’aalo aqoon Guud ah iyo jawaabo oo taxane ah.

1.Su’aal. Waxaad sheegtaa nabigii lagu riday ceelka lana siiyay quruxdaaduunka hadii loo qaybiyo laba qeybood lasiiyay halqayb ?

1-Jawaab.nabigaasi waa nabi yuusuf.

2.Su’aal. Waxaad sheegtaa qoomkii ugu horeeyay ee sanab caabuda ?

2-Jawaab. Waa qoomkii nabi nuux

3.Su’aal. Waxaad sheegtaa imisa sano ayuu noolaa nabi ismaa ciil ?

3-Jawaab. Waxaa uu noolaa nibi ismaaciil 137 sano

4.Su’aal. Waxaad sheegtaa nabi nuux imisa sano ayuu jiray markii uu geeriyoonaayay ?

4-Jawaab . waxaa uu jiray 1780 sano .

5.Su’aal. Waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado canbaha ?

5-Jawaab. Waxaa uu ku bislaadaa lix sano .

6.Su’aal.waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado lowska ?

6-Jawaab.waxaa uu ku bislaadaa 120 maalmood .

7.Su’aal. . Waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado bataatiga ?

7- Jawaab. Waxaa uu ku bislaadaa 180 maalmood .

8.su’aal. Waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado babaayga?

8- Jawaab. Waxaa uu ku bislaadaa 90 maalmood .

9.Su’aal. waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado yaanyada ?

9- Jawaab. Waxaa ay ku bislaataa 80 maalmood.

10.su’aal. waxaad sheegtaa inta ay ku bislaato Digirta ?

10- Jawaab.waxaa ay ku bislaataa 80 maalmood.

11.su’aal. waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado muuska ?

11- Jawaab.waxaa uu ku bislaadaa 180 maalmood

12.su aal. waxaad sheegtaa inta ay ku bislaato sisinta ?

12- Jawaab. Waxaa ay ku bislaataa 90 maalmood .

13.Su’aal. waxaad sheegtaa inta ay ku bislaado masagada?

13- Jawaab. Waxaa ay ku bislaataa 90 maalmood.

14.Su’aal. waxaad sheegtaa inta uu ku bislaado galayda ?

14- Jawaab .waxaa ay ku bislaataa 90 maalmood .

15.Su’aal.waxaad sheegtaa Geela kan dhidig iyo kan lab waxa look ala yaqaan?

15- Jawaab. Waxaa look ala yaqaanaa kan dhidig (hal)kan labna(rati) .

16.waxaad sheegtaa geela marka ay yar yaryihiin lab iyo dhidig maxaa loo yaqaanaa?

16- Jawaab. Waxaa look ala yaqaanaa qurbac iyo nirig .

17.su’aal.waxaad sheegtaa lo’da kan dhidig iyo kan lab maxaa loo kala yaqaanaa ?

17-Jawaab. Waxaa look ala yaqaanaa kan dhidig (sac)kan labna(dibi).

18.suaal .waxaad sheegtaa lo’da marka ay yar yaryihiin lab iyo dhidig maxaa loo yaqaanaa?

18-Jawaab. Waxaa loo kala yaqaanaa wayl iyo wayl ama Aalo .

19.waxaad sheegtaa Ariga kan dhidig iyo kan lab waxa loo kala yaqaan?

19-Jawaab. Waxaa look ala yaqaanaa kan dhidig (Ri)kan labna(Orgi) .

20. waxaad sheegtaa Ariga marka uu yar yaryahay lab iyo dhidig maxaa loo yaqaanaa?

20-Jawaab. Waxaa look ala yaqaanaa waxar iyo waxar ama maqal .

21.waxaad sheegtaa Idaha kan dhidig iyo kan lab waxa loo kala yaqaan?

21- Jawaab. Waxaa loo kala yaqaanaa kan dhidig (lax)kan labna(wan ama sumal) .

22.waxaad sheegtaa Idaha marka ay yar yaryihiin lab iyo dhidig maxaa loo yaqaanaa?

22- Jawaab. Waxaa loo kala yaqaanaa Nayl iyo nayl ama baraar .

La-soco  Qeybta 9-aad Insha’Allah
Bahda Barnaamijka Qiyaas inta ay la egtahay aqoontaada guud
Email: bashiirweyne2008@hotmail.com
Addis Ababa –Ethiopia …..

About This Post
Posted by Mustafe on Sep 10th, 2009 and filed under Fanka & Suugaanta, General, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply