Home » Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News » Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 2-aad….

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 2-aad….

d

Waa barnaamij cusub oo aan idin soo gudbin doono maalin walba oo jimco ah Insha’Allah, wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee hamoogaan jimco walbo, akhristayaal maantana ku soo dhawaada qeybtii iyo barnaamijka Kororso Aqoontaada.

Su’aal- sheeg nabigii xanuunsanaa 18 sano?

Jawab- wuxu ahaa nabi ayuub cs.
Su’aal- sheeg ninka ugu horeeyo ee dhar la-siinaayo maalinta qiyaamaha?

Jawab- waa nabi ibraahim cs.

Su’aal- sheeg nabigii salaada tukaday isagoo dhulka joogin dhismo iyo geednana aan dul saarneyn?

Jawab- waa nabi suleymaan cs.

Su’aal- sheeg imisa ayey kala ahaayeen ciidamadii uu watay nabi suleymaan cs?

Jawab- waxa loo-qeybiyay shan (5) qeybood oo kala ah 1= jiniga. 2= insiga. 3= shimbiraha 4= duufaanta 5= iyo asxaabtiisa.

Su’aal- sheeg ninkii bilaabay dhismaha masjidka al aqsa iyo ninkii dhameystiray?

Jawab- waxa bilaabay nabi daa’uud cs. Waxaana dhameystiray nabi suleymaan cs.

Su’aal- sheeg meesha lagu aasay rasuulka (NNKH) ?

Jawab- waxa lagu aasay rasuulka (NNKH) gurigiisa oo ku yiilay masjidka madiina.

Su’aal- sheeg nabi cismaaciil cs imisa sano ayuu noolaa?

Jawab- nabi cismaaciil cs wuxu noolaa 137 sano.

Su’aal- sheeg Nabi Cismaaciil cs meesha uu ku aasan yahay ?

Jawab- nabi cismaaciil cs wuxu ku aasan yahay magaalada makkah.

Su’aal- sheeg imsa sano ayuu jiray nabi ibraahim cs markuu dhalaayey nabi cismaaciil cs ?

Jawab- nabi ibraahim cs markuu dhalaayey nabi cismaaciil cs wuxu jiray 87 sano.

Su’aal- sheeg ninkii laga bartay guuro habeen?

Jawab= guuro habeen waxa laga bartay nabi yacquub cs.

Su’aal- sheeg mid kamid ah xaasaskii nabiga (NNKH) oo hooyadeed geeriyootay iyaddoo aan islaamin?

Jawab- saynab bintu jaxsha hooyadeed.

Su’aal- sheeg wiilka abii lahab ee islaamay markii laga reebo cudba?

Jawab- waa muctab ibnu lahab.

Su’aal- sheeg mid kamid ah nabiga (NNKH) eedooyinkiisa oo dhimatay iyadoo aan islaamin?

Jawab- waa maymuuna bintu cabdi mudalib.

Su’aal- sheeg asxaabigii ugu horeeyey oo yiraahda anigu ma’aqaano sida ey dhaxal u qaadaneeso ayeyo?

Jawab- asxaabigaas wuxu ahaa abuu-bakar sadiiq (rc)

Su’aal- sheeg nabiga (NNKH) iyo abuu-bakar ninkii ceersaday markii ey hijroonaayeen ?

Jawab- wuxu ahaa suraaqa bin maalik.

Su’aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaalada iyo gobolka ey ku taalo?

Jawab- waxay ku tallaa magaalada ceerigaabo ee gobalka sanaag.

Su’aal- sheeg buurta somaliya ugu dheer magaceed?

Jawab- buurta somaliya ugu dheer waxa ladhahaa suurat.

Su’aal- sheeg kumuu ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee afrikan kursiga madaxtinimada sixur ah kaga dago Jawab- wuxu ahaa aadan cabdule cusmaan (aadan cadde).

Su’aal- sheeg wadanka adduunka ugu islaamka badan?

Jawab- waa wadanka loo-yaqaano Indonesia.

Su’aal- sheeg ninkii ugu horeeyey ee dayax gacmeed duuliyey iyo wadanka uu u dhashay?

Jawab- magaciisa waa yuur gaagariin, dalka uu u dhashay waa ruuska (Russia).

Su’aal- sheeg afartii wax yaabood ee uu gariiga (Greece) ku darsada aqoonta kimistiriga ()chemistry)?

Jawab- wuxu ku darsaday 1= dhulka, 2= badka, 3= hawada, 4= iyo biyaha.

Su’aal- sheeg ileyska imisa nooc ayuu u kala baxaa?

Jawab- ileyska wuxu u kala baxaa, 1= mid dabiica ah. 2- iyo mid aan dabiici eheen.

Su’aal- sheeg isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka)?

Jawaab- isha ugu muhiimsan ileyska (iftiinka) waa qoraxda.

Su’aal- sheeg goorma ayaa la hir-galiyey madbacaddii ugu horeesay ee caalamka?

Jawab- waxa la hir-galiyey sanadkii 1940-kii.

Su’aal- sheeg waa maxay sheyga kaliya ee uu arko indhoolaha?

Jawab. Sheyga kaliya ee uu indhoolaha arka waa riyada.

Su’aal- sheeg muddada uu uurka ku sido nibiriga ilmihiisa?

Jawab- nibiriga wuxu ilmihiisa caloosha ku sidaa 365 maalmood (hal sano).

Su’aal- sheeg Magaalada ugu qadiimsan caalamka?

Jawaab- Magaalada caalamka ugu qadiimsan waa magadala Arriixa waxay-na ku taalaa dalka falastiin.

Su’aal- sheeg dowladii ugu horeesay ee soo saarta sokorta?

Jawaab- dowladdii ugu horeesay ee soo saartay sokorta waa dowladda kuuba (Cuba).

Su’aal- sheeg wabiga shabelle meesha uu ku dhamaado?

Jawab- wabiga shabeelle wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo dhaay tubaako.

Su’aal- sheeg wabiga Jubba meesha uu ku dhamaado?

Jawab- wabiga jubBa wuxu ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Goobwayn.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: kedis114@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….

About This Post
Posted by Abdisalam on Sep 4th, 2009 and filed under Articles, Goljano Latest Articles, News, goljano Latest News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply