Maamulka Sh. Shariif Oo Ugu Baaqay Somaliland In Aanay Dhayalsan Hadalkii Ka Soo Yeedhay Hogaanka Al-Shabaab
Wasiirka Amniga maamulka Sheekh Shariif ee Somalia C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Maamulka iyo shacabka Somaliland in aanay dhayalan sanin fariintii digniinta ahayd ee uu dhawaan warbaahinta ka sii daayey Amiirka ururka Mayalka Adag ee Al-shabaab Muqtaar C/raxmaan Abuu Subayr oo Magaciisa Dhabta ahi uu yahay Axmed Cabdi Godane, kaas oo intaasi ku daray in Maamulka Somaliland uu ku dedaalo amaanka deegaanada hoos taga ee ay ka taliyaan sidii loo adkeyn lahaa.
Hogaamiyaha Ururka Al-shaab Axmed Cabdi Godane ayaa Cajalad haddal ah oo uu dhawaan ku baahiyey Idaacada ka hawlgala waxa uu si weyn ugu weeraray Madaxweyne Rayaale iyo Siyaasiyiinta kula loolamaya hogaanka dalka, kaas oo ku eedeeyey inay dadka doorashooyin ku majaro habaabinayaan, dalkana galinayaan halista ah in Itoobiyaanku ay la wareegaan.
Godane waxa uu hadalkiisii shacbiga uga digay inay Guryo ka kireeyaan Itoobiyaanka, isla markaana ka fogaadaan meelaha iyo xarumaha ay Itoobiyaanku Joogaan iyo Diyaaradahoodaba.
Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Amniga ee Somalia ayaa u muuqda mid uu shacabka Somaliland ugaga digayo khatarta aan la yaraysan Karin ee kaga iman karta Al-shabaab, taas oo la ogyahay xanuunkii ay ku reebeen weeraradii Argagixiso ee lala beegsaday shab aan waxba galabsan bishii October 29-keedii 2008, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 24 qof halka ay ku dhaawacmeen intaa in ka badan.
Dhinaca kale Maxamed Cali Sanbaloolshe wasiirka Amniga Somalia ayaa si cad u dafiray in ciidamo Itoobiyaan ahi ay gudaha u galeen magaalada Baladweyne, isagoo Wasiirku sheegay in dadku ay arkeen Ciidamada dowladda Somalia ayna u qaateen iney yihiin ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana wasiirku uu ku adkaystay in ciidamada Itoobiya aaney xadka ka soo talaabin wixii ka dambeeyey intii ay ka baxeen dalka Somalia guud ahaan bilowgii sanadkan.
Isagoo ka hadlayey wararka maalmahan dambe ay faafinayeen qaar ka mid ah Warbaahinta ee ahaa in ciidamada Ugandha loo fasaxafy inay weerari karaan goobaha ay gacanta ku hayaan Xoogaga mucaaradka ayuu wasiirku sheegay inay ahaayeen warar waxba kama jiraan ah, isagoo xusay in ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho Mandate-kooda aan wax sidaa ah laga bedelin.
Hadalka Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ee ku aadan in ciidamada Itoobiya aaney xadka ka soo talaabin wixii ka dambeeyey intii ay ka baxeen dalka Somalia guud ahaan bilowgii sanadkan ayaa ku beegmaya xili ciidamo Itoobiyaan ay mudooyinkan dambe si caadi ah ay ugu sugnaayeen gudaha iyo hareeraha magaalada Baladweynem waxaana dad badan ay la yaaban yihiin sababta ay dawladda sheikh Shariif ay iskaga Indho-triayso arintaasi
Haatuf


